Horumarkeenu wuxuu ku xidhan yahay inta aynu ka midoobayno ee aynu dareenada aynu iskaga midka nahay xoojinayno korna u qaadno wixii ina mideeya
Qof kasta oo xil qabta waa tegayaa, waana banaynayaa booska shaki la’aan. Sidaa darteed, had iyo jeer hamigaagu ha ahaado bixitaan Guul ah, dhaxal ka tag dhamaadkaaga. Waxa muhiimka ah ma aha in naloo sacab tumo markaan nimaano balse in nala xasuusto markaan tagno
Qalbigu dareenkiisa wanaagsani waa halbawlaha dhaqaajinkara baahi kasta oo timaada waxaynu kusoo jirnay abaar ba’an oo adkayd halkaana inagaga baxeen xoolo badan iyo dadba waxay qayla dhaantu isgaadhay dal iyo dibadba balse markaliya ayaa dam la isla yidhi oo aad moodaa in abaartii inaga go’day maalmo ka bacdi waxaan warbaahinta ka maqlay xoolihii oo la joojiyay waa yaab kale waa abaar kale oo suuqii magaalka soo xidhxidhay waa abaar baahsan miyi iyo magaalaba balse waxaan imaanka ii haya waa ilaaha wayn ee makhluuqa abuuray ayaa maqan.
Waxaan guuxo oo aan kolba meel daymoodaba aroor hore oo sabti ah 7/1/2017 ayaa xafiiskaygii soo galay waxaan maqlay xamxam odhanaysa qaranka hala badbaadiyo ilaahay cilmigiisa uurkayga wixii aan ku hayay ayaa iirumoobay waxaa gudoomiye telesom iyo maamulka oo dhan go aanku gaadhay inay Half million dollar ugu deeqdo dadkooda abaartu ragaadisay, hadalkaas markaan maqlay si qiiro leh ayaa farxad ooyay ilaahay ajar iyo xasanaad haka siiyo bahda telesom dhamaanteed halkay kazoo saareena alle ha ugu badalo wax ka khayr badan .
Waxaan ku wargalinayaa dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland in halgankaas telesom ay furtay laga qaybo noqdo oo deeqda la balaadhiyo waxba aan lala hadhin sanadkan hadii ay inaggu kalifto inaynu soono waynu soomaynaa dadkeena baahan aynu baahida la qaybsano waxaan fariinta udirayaaa dhamaan ganacsatada dalka
Waxa qoray: Axmed-yasin Sh. Cumar Sh. Axmed