Waa sheeko murugo lahayd oo ay waa’ hore qortay gabadh reer Hindiya ahayd oo qoraallada iyo hal-abuurkaba aad ugu wanaagsanayd lana odhan jiray Amrita Pritam. Sheekadu waxa ay ku saabsan tahay nin dhallinyar oo Manak la yidhaahdo iyo haweenaydiisa oo iyadana Guleri la yidhaahdo. Waa reer dhisan muddo toddoba sanno ah. Wax carruur ah isuma ay yeelan muddadaa dheer ee ay wada joogeen. Hase yeesho ee jacayl meel sare gaadhsiisan ayaa ka dhexeeya.
Sannad walba waxa la qabtaa carwo, waxana lagu qabtaa magaalo la yidhaahdo Chamba. Waa magaalada ay ku dhalatay Guleri, haweenayda Manak. Farxad weyn ayey u tahay in sannad walba magaaladii ay ku dhalatay isla markaasna labadeeda waalid ku noolaayeen ay hal mar fursad u hesho oo ay tagto. Waxay soo aragtaa mar kasta oo ay Chamba tagto labadeeda waalid iyo saaxiibbadeedii hore.
Manak ma doonayo in ay Guleri sannadkan tagto carwadaas. Waxa uu og yahay in ay hooyadii doonayso in ay fuliso qorshe beryahanba ay meelmarintiisa ka fikiraysay. Waxa uu og yahay marka ay Guleri tagto carwada in ay damacsan tahay in ay gabadh kale u doonto una dhisto maaddaama ay Guleri carruur u dhali weyday muddadii dheerayd ee ay wada joogeen. Waxa uu isku dayey in uu arrintaas ka hadlo. Laakiin haddana waa uu iska aamusay isaga oo arrintaas iyada ah aad ugu xun. Waa uu ku qasban yahay in uu yeelo sida ay hooyadii doonayso iyo sida uu dhaqan-hoosaadku yahayba.
Guleri iyada oo faraxsan ayey tagtay carwadii. Laakiin, Isla markii ay tagtayba ninkii Manak gabadhii ayey hooyadii u doontay una dhistay. Maalintaas laga bilaabo Manak gabadhaa dambe ayuu la noolaa. Laakiin niyad muu hayn. Niyaddiisii isaga laftiisa ayey ku dhex dhimatay.
Maalin maalmaha ka mid ah isagoo meel jooga hawlna qabanaya ayaa waxa u yimid Bhavani oo ka mid ahaa asaxaabtiisii hore. “Waxa aan tegayaa Chamba iyo carwadii” ayuu Bhavani ku yidhi Manak. Weedhaasi waxa ay Manak markiiba kaga dhacday wadnaha. Waxa ay uga dhignayd sidii irbad wadnaha lagaga mudmuday oo kale. Bhavani markaa ka dib waa uu iska tegay. Laakiin Manak murugadii uu awelba qabay mid kale ayaa ugu sii biirtay.
Maalintii dambe ayaa haddana Manak oo hawl haya waxa meel uga soo muuqday Bhavani. Manak waxa uu isku dayey in uu Bhavani iska indho-tiro. Ogaan ayuu dhinacii uu kaga soo socday maahee dhinacii kale u eegay. Ma uu doonayn in uu la hadlo iyo in uu Chamba, carwadii iyo wax la mid ahba cid dambe ka maqlo. Laakiin Bhavani waa uu u yimid isaga oo la moodo in uu dareenkiisu beddelan yahay. “Guleri way dhimatay” ayuu cod si u dabacsan ku yidhi isagoo saaxiibkii u sheegaya war naxdin leh.“Maxaad tidhi” ayuu Manak la soo booday. “Markii ay maqashay in aad gabadh kale guursatay ayey gaas doonatay, dabadeedna inta ay isku rushaysay ayey dab isqabadsiisay” ayuu Bhavani saaxiibkii war ugu soo koobay.
Maalintaas laga bilaabo ninkii Manak ahaa argaggax baa ku dhacay. Shoog buu qaaday sidii warkaa baas loogu sheegayba. Wax kale iska daaye,isaga iyo naftiisii ayaa wada noolaan kari waayey. Qalbigiisii ayaa tii uu jeclaa raacay. Waxa uu ahaa sidii nin dhintay oo kale.
Muddo markii uu sidaas ahaa ayey haweenaydii dambe ee loo dhisay xaamilo noqotay. Laakiin waxay ka cabatay Manak iyada oo sheegtay in aanu dan ka lahayn. “Xaaskiisii in aan ahayba lama moodo. In aan qof uu guur kula khaldamay ahay baa la moodaa” ayey hooyadii ugu cabatay. Islaantiina Manak ayey u tagtay si ay uga dhaadhiciso xaaladda ay haweenaydiisu (xaaskiisu) ku sugan tahay iyo in loo baahan yahay in uu habdhaqankiisa wax ka beddelo. Laakiin Manak waxa uu u egaa sidii nin aan waxbaba fahmayn. Indho aad moodo in aanay waxba arkayn ayuu islaantii ku eegay. Wax hadal ah kama ay maqlin, laakiin jidhkiisa ayaa jawaabay.
Islaantii xaaskii ayey ku noqotay, waxayna u sheegtay in ay iska samirto maalmaha kooban ee uu dareenkiisu sidan yahay. “Marka uu ilmo u dhasho ee aynu dhabta u saarno ayuu caadi noqon doonaa” ayey islaantii xaaskii cusbaa niyadda ugu dejisay.
Gabadhii waxay umushay wiil. Wiilkii ayey islaantii inta ay si fiican ugu labbistay Manak dhabta u saartay iyada oo rajaynaysa in uu ilmaha u dhashay ku farxi doono xaaladdiisuna ay caadi ku soo noqon doonto. Manak ayaa ilmihii indho aan caadi ahayn ku eegay. Muddo ayuu isaga oo yaabban sidaa u eegayey. Mar dambe ayuu aad iyo aad u qayliyey. Waxa uu isaga oo aad qaylinaya yidhi,”Iga qaada , iga qaada, sidii gaasta oo kale ayuu u urayaaye.” Gaastii ay Guleri isku gubtay ayuu xasuustay!
—————
Sheekadan waxa turjumay isla markaasna soo koobay bogag kala duwanna ka soo akhriyey:
Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee uu qoray Axmed Iid Aadan:
Sannad-guurada 14aad ee Halyeygii Somaliland: Maxamed X. Ibraahin Cigaal
Halabuur mise hadal? – Doorsoonka ku socda Fanka waqtigan
Abaydin Abaydin dhalay: Ruwaayad digniin weyn bixinaysa
Af qalaad ma laga maarmi karaa?
Adeegsiga Qabyaaladda ma la yarayn karaa?
Hibada, aqoon-darrada iyo waxbarashada
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Hargeysa, Soomaalilaan