Madaxweynihii Baddu liqday (WQ: Cumar Seerbiya)

Madaxweyne-yaashu waxay maamulaan bulsho ama dad inay tahayba , iyaguna waxay ugu bedelaan maamulkiisa daryeel, u dhaga nuglaan iyo ixtiraamid, haddii la dhargaayo madaxweynahu sida aadmigu sameeyo waa ka ugu horeeya xataa haddii aanu isagu dooran cidda uuย  u dooran yahay ayaa u doorta, haddii la dhimanayana waa ka ugu dambeeya. Waa haddii la ogyahay waxa geerida sababayee.

Waxaanse anigu garanayaa Madaxweyne dhimanaya ooย  kii ugu dhawaa uu ka orday markii uu bad-baado weydiistay, Madaxwenuhu wuu qaylinayey waxa uu ku cel-celinayey ย i bad-baadiya waliba hebelaw i bad-baadi waan dhimanayaaye.

Madaxweynuhu sida u badan waxa uu ku fikiraa aragti ka duwan ta dadka shacabka ahi qabaan iyagu hala qaataan amaba yeyna la qaadanine, Madaxweynahan la bad-baadin waayey, daqiiqado ka hor inta ayna geeridu soo weerarin waxa uu soo jeediyey aragti uu islahaa u gudbi shacabkiisa waana qofkii kaliya ee xaalada lagu jiray wax ka duwan ku fikiray waqtigaasi.

Aniga ayaa ka mid ah shacabka Madaxweynahaasi dayacay ee bad-baadin waayey in ay tahayba lamaan joogin balse hadaan xataa la joogi lahaa waxba uma qabteen, maaha in aan necebahay, necayb warkiisaba daaye waan jeclaa runtii oo waa sababta isaga oo dhintay aan wali uga sheekaynayo balse xaalada lagu jiray ayaan aniga iyo intii la joogtayba u suuro gelinaynin in ay wax u qabtaan, qofka isku daya in uu wax u taro waa mid jeclaystay in aanu dunida isaga qof aan ahayni Madaxweyne ugu sii noqonin sidaasina uu u ย raaca hooygii Aakhiro ee uu Madaxwenuhu safarka u ahaa.

Nin murugasan ayaa aniga horta iiga sheekeeyey halka ay ku dambaysay xaalka Madaxweynuhu, waana ninka kaliya ee uu in ka badan saddex boqol oo qof uu ka ag dhawaa uuย  ka dalbaday in uu ugu hiiliyo in uu dunida sii joogo, balse waan diiday ayuu igu yidh, intaan sidii qof xabad ridaaya indhaha isku qabtay ayaan weydiiyey sababta, balse markii uu iiga sheekeeyey xaalka lagu jiray iyo meesha wehelka loo ahaa in uu u duceeyo uun ayaan hadalkii ku xigay ka dhigay.

Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cadnaan Cadd anagana doorkiisa aanu gabnay ha naga dambi dhaafee waxa uu ku soo koray deegaanadaย  Puntland sida Garoowe iyo Boosaaso, ย Dubai iyo Kiiniyana mar wuu ku noola Muqdisho-na arag, waxa uu ahaa Madaxweyne dhallinyaro ah, oo fikir nooli kuย  jiray waxa u ka damqan jiray madaxda Soomaalidu dhibta ay shacabkooda u gaystaan iyo sida ay Soomaalida waqtigan dhibaatooyin badani uga dhex jiraan, waxa uu sameeyey fikrado uu ku soo bandhigaayo afkaarta qaldanย  iyo marin habaabin shacabka ay madaxdu kula dhaqmaan.

Cadnaanย  waxa uu qaab masraxeed farshaxanimo leh ku matali jirayย  siday madaxdu u hadlaan, siday xaqiiqooyin badan u qariyaan iyo nolosha qofka Soomaaliga ahi xaq u leeyahay inuu helo siday u kala durugsan yihiin waqtiga.

Cadnaanย  safar waxa uu galay Masar isaga oo sii maray Suudaan hamigiisu waa Norwey inuu gaadho balse inuu dhulkiisaย  ku soo laabto way u suntanayd sida uu u sheegay saaxiibo badan.

Ninย  muddo lix bilood ku dhaw ay isku cag ahaayeen nololna a wadaageenย  ayaa fariimo ku saabsan halka uu Cadnaan ku dambeeyey isoo gudbiyey .

Cadnaan oo ahaa ugu badnaan 25 jir qiyaastaydaย  waxa uu ka mid ahaaย  dad Soomaali u badan oo 6-dii April ku geeriyooy badda Masar.

Ninka xogta isoo gudbiyey oo ka mid ah dhallinyaradii ka badbaadayย  doonta qalibmatayย  ayaa waxa uu ii sheegay in uu Cadnaan ka mid ahaa dadkii isku dayey inay dabaashaan balse nasiib darro baddu qar-qisay .

โ€œwaxaan maqlaayeyย  isaga oo leh I bad-baadiย  allenaย  xusaaya , balse awoodayda iyo awooda inta kale ee badda la baaxaadagaysay toonaย  may lahayn inay badbaadiyaan.โ€

ayuu yidhi Cadnaan saxiibkii Cawaale ย oo hadda ku nool Giriiga .

Cadnaan waxa uuย  ku hamiyi jiray in uu mar uun noqdo Madaxweyne wax bedela.

Waxa Qoray: Cumar Seerbiya