Nuxurka kulankii da’yarta iyo dirane Eng Maxamed Xaashi (WQ: Hibo Maxamed Ciise “Basbaaso”)

Madaxweyne maaha, musharaxna maaha, wasiir iyo wax kalena hadalkiisa daa, wakhti xaadirkan Eng Maxamed Xaashi wax xil ah oo uu dawladda ka hayo lama sheegin, sidoo kalena xisbiyada siyaasada ee ku loolamaya kursiga madaxtinimada iyo baarlamaankana midna kuma dhex aragno, haddana xaley oo ay bishu ku beegnayd May, 5 2016 waxa lasoo qaban qaabiyey kulan ay da’yartu kula kulmayeen Eng Maxamed, taasi oo ay bideen talo iyo tusaale, gurmad iyo miciin ay kaga gaashaantaan waayaha waddanka iyo dayaca dhallinta.

Intii dhalinyaro isku timi meeliba way qaadi wayday kolay quluubta dadka sida lagu kasbadaana way adag tahay oo adaa qiyaasi waxay iskugu soo xoomeen waxaas oo da’yar ahi, balse aan dhawr qodob ka taataabto qodobadii u doorka roonaa.  tahayna intii ka maqnayd madasha in ay gaadho,

Ciwaanka mawduucu waxa uu ahaa:

“Dhaqaale la’aan mise dhaqaaleyn la’aan.”

Jawaab waafiya oo aan meesha ka soo helay aad idinla wadaago:

  1. Waxa meesha ka baxey xeerkii kala xadeynta ganacsiga, kaas oo ina dhaxalsiiyey cawaaqib xumo iyo in lagu kala tago xagii nolosha, tusaale kooban, marka u sharcigaasi dhaqan gal yahay, halkii shay wuxuu sii marayaa intaasoo gacmood, (kii keenay, kii ka qaatey, kii u soo xamaaley, kii sii dilaaley, kii jumlada ku wareejiyey, kii tafaariiqda ku iibiyey). Intaasi oo dabaqadood mid walba wax buu ka dheefayaa oo dakhli ayaa soo galaya, isla markaana baahidiisii ayuu ku badalanaya oo suuqa ayuu dib ugu celinayaa, haddii ay shan qof soo martay laga yaaba in ay shan shaadh iibsadaan, halka kolka kale ee uu ganacsadaha wayni wax walba naf kasii dayo, uu kaligii hal shaadh iibsanayo, inta kalena dirayo si uu ugu soo badalo agab iyo badeecad kale, oo aanu hayninba cidii tahli kareysay inay iibsadaan.
  2. Aqoontii oo aan sidii loo baahna loo baraneyn iyo niyad jab laga qabo barashadeediiba, taasi oo ka dhalatay kadib markii hoodhba lagu qoysan waayay qiimaha qofku leeyahay, ee laga door bidey qabiil iyo qof jeclaysi aan ku fadhiyin miisaan sax ah, taasina waxey caqabad weyn ku noqotay horumarkii guud ahaanba, waxa kale oo dhallinyarada si tumaati ah u taabatay in haddiiba ay iyaga laftoodu fikrado ganacsi la yimaadaan cid u maalgalisa iyo cid qiimaysaba ay waayaan taasi oo keentay in badan oo kamid ahi inay ka haajiraan wadanka.
  3. In aanay wax shaqo la’aani jirteen waddankuna inagu filan yahay oo badh inaga soo hadhayo haddii qorshe cad wax kasta loo sameeyo oo miisaniyadda si macquul ah loo adeegsado, wuxu tibaaxey tiro ku siman 116,000,000 $ oo ka mid ah miisaaniyada qaranku  in ay ku baxaan waxyaabo aan daruuri ahayn iyo jeebab dad gaara, haddii lagu fuliyo mashaariic horumarineed sida beeraha, daaqa, xoolaha nool iyo waxyaabo kale oo lamida in muruq maal iyo maskax maalba nin walba docdiisa ku dhargi lahaa.
  4. Waxaa kale oo nasiib daro ah in dastuurkeenu wali qabyo yahay, intii hore ee qornayda aan waxba laga soo qaadin oo ay maamulka iyo madaxdu ku tuntaan hadba dhankay doonaana u jiitaan siday doonaana ka yeelaan.

Waa hadel nin weyn, xambaarsana fariin weyn oo waafiya, inaga ayey inoo taala sideynu u rogroganayno.

 

ALLAA-MAHAD-LEH

 

 

Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com