Intinii sheekada qaybaheedii hore la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo wiilkii dhallinyarada ahaa iyo dhammaan Akhyaartii ay tahriibka isku barteen ay ku tala jiraan in ay safar dheer usoo galaan saxaraha u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya.
Isaga oo sheekada halkii inooga qaadi doona waxa uu yidhi :-
Waa maalintii ay balantu ahayd in aanu u diyaar garawno safarka saxaraha iyo saxariirka, runtii markii naloo sheegay in saacadaha soo socda aanu bixi doono waxa qofkasta oo naga mida gashay cabsi iyo warwar aanu hore ugu jirin.
Waxa ay iigu darnayd markii aniga oo aad uga walaacsan safarka khatarta badan ee aan galaayo, ayaa waxa talafoon iga soo wacay wiil dhallinyaro ah oo aanu saaxiib nahay jooga magalada Burco, kulahaa barri ayaan safar tahriib ah u soo baxayaa, balse markii aan uga sheekeeyey dhibaatada uu leeyahay waxa uu noqday mid aan iga garawsan, la yaabi maayo oo wakhtiyada qaar aniguba waxaan ugu necbaa dadka kuwa tahriibka igala taliya.
Waxa hortayada soo istaagay baabuurtii aanu ku tahriibi lahayn, asxaabey ha moodin in baabuurta lagu tahriibo qofkastaaba meesha uu doonayo uu ka fadhiisanayo, waxa lagu fuulayaa nidaam iyo baratakool iyada oo garaacistuna ay dheer tahay, qofkasta waa lajeebaynaya, waxaana la isu keenaya gadhka iyo labadiisa law.
Waa iga talo, inkastoo marnaba aanan dhallinyarada kula talinayn in ay soo tahriibaan, haddana waxaan ku talin lahaa, haddii aad tahay nin buuran (cayilan) ama gabadh buuran ku talagal haddii aad dhul badan ku nabad gasho waxa aanad marnaba ka nabad galayn silica saxaraha.
Baabuurka aan nasiibka u helay in aan ku safro dadka saarani waxa ay u badan yihiin dumar iyo carruur, waxa aad mooda in markasta aan nasiib u helaayo safarada ay ku badan yihiin dumarka iyo carruurtu, kuwaas oo aan karhay, sababta oo ah waa dad maati ah markastana kaga baahan caawimo, inkastoo hadana ay jiraan dumar ka adkaysi badan ragga qaar.
Akhristaw saacadu waxa ay maraysaa 4 habeenimo, waa habeen qudcur ah ma jiro wax dayax layidhaa baabuurka aanu saaran nahay waxa uu ku socdaa xawaare xawli ah, inta badan baabuurtan lagu tahriibo nimanka wadaa waxa ay isticmalaan daroogada, haddii aad baabuurka ka dhacdo ama aad ka duusho adigalee waaye.
Waxaa dhinacayga midig fadhiya oo ii sheekaynaya wiil dhallinyaro ah oo darxumada ka muuqata aad yaabayso, waxa uu iiga sheekaynayaa in Jidkan aanu hadda marayno uu soo maray muddo ka hor, kadib markii Magafe u gacan galay, isaga oo waayay lacagtii Magafahu uu ka rabay.
Waxa baabuurka nala saran gabdho Soomaaliyeed oo badankooda ay Ilmadu ka qubanayso, sababta oo ah raja-xumada ay kala kulmeen tahriibka iyo iyaga oo ogsoon dhibta ka horaysa inta ay leeg tahay, isla markasna an helayn cid uga gargaarta, rajada Alle mooyaane.
Asxaabey waa xilli habeenimo ah, waa aanu guuraynaynaa, gaadhigu marba janbi ayuu dhigayaa, kadibna halmar ayaa si lama filaana gaadhigii aanu saarayn uu nala gadoomay (Qalibmay) markaliya ayaa qaylada iyo oohinta la isku daray.
Nasiib wanaag aniga wax badan imay soo gaadhin, balse waxa aan ka Jabay gacanta midigta gar ahaan mataan, dad tiradoodu ay gaadhayso 10 qof ayaa gaadhiga hoos tiisa ku jira kana qaylinaya, intayadii kale waanu badqabnaa.
Nimankii baabuurka waday oo laba nin ah ayaa daaqadaha baabuurka mid ka mida iska furay, kadibna inta ay qoryahii noo cabaysteen waxa ay naga dalbadeen in dhakhso aanu baabuurka u toosino.
Qofkasta oo dhaaqaqi karayay waxa uu ka qayb galay toosintii baabuurka, xataa anugu qayb ayaan ka ahaa iyada oo gacantuna ay ikala lulato, kadibna waa aanu toosinay, gaadhiga hoos tisii waxa aanu kasoo saaray dhawr qof oo ku geeriyooday, balse dan lagama laha halkaas ayaa maydkooda lagaga tagay.
Nasiib wanaag aniga iyo Dhawr qof oo kale waxa ay nasaareen madaama aanu dhawac nahay baabuur kale oo safarka nagula jiray, wax aanu rafaad kusoo jirnaba waxa aanu goor habeenimo ah si lama filaana aanu usoo gaadhnay Hoygii Halaaga, Gurigii lagu Goblamay, waa Ehelunaarkii Magafayasha ee Dhiiga dadka ku noolaa.
Markiiba waxa baabuurkii aanu wadanay isasoo garab istagay Magafihii ugu waynaa, Haddalkii u horeeyay ee aan ka maqlaa waxa uu ahaa:
โHalkan Xiniinyo lalama yimaado.โ
Waxa Magafaha turjumaan nooga ah nin Soomaali ah isla markaana meesha lagu haysto isaga iyo Xaaskisiiba, Ilma yar oo carruuriina ugu dhashay ayaan aan sida u fogayn ,iyada oo magacii Ilmaha yarna dadkii socotada ahaa ay u bixiyeen Magafe.
Waxa amar nalagu siiyay in aanu dhammaantayo si dhakhso ah usoo dhaadhacno, waxa aan kasoo dhaadhacay baabuurkii aniga oo aan cagahaba dhulka dhigi karayn xanuun iyo awood darro aawadeed, gacantii i jabnaydna laaladiinaya, waxaa nala geeyay goob aanu seexano, gacantii i jabnayda waxa aan ku xidhxidhay shaankaygii.
Waxaa la gaadhay aroornimadii kale, waxa nala siiyay waxoogaa shaah madaw ah iyo eoodhi (Rooti) aad u qalalan oo aan cunaha kuu marayn, waxa kaloo la isugu kaaya daray si aanan u haraadin naafto iyo biyo, waxa aan markiiba Indhaha ku dhuftay dad Soomaali ah oo meesha jooga isla markana ay ka muuqato rafaad iyo darxumo aanan ka sheekayn karayn.
Waxa naloo garaacay siidhi kadibna waxa nala galiyay saf aad u dheer waxa markasta dhacaysa in adiga oo safka ku jira isla markaana aan samayn wax dhibaato ah in haddana aad aragto iyada oo laad iyo feedh lagaala daalayo.
Qofkasta waxa loo sheegay lacagta laga rabbo inta ay leeg tahay, runtii waxa markiiba ii muuqatay in aanan sidan lacagtaasi uu Magafe ku yaboohay, waa naxdin wayn iyo Murugo igusoo korodhay.
Markii lasoo gaadhay safkii aan taagna ayaa waxa uu Magafihii oo xanaaqsan Indhahana galka ka saaraya igu yidhi, keen lacagta waaryaa, kadibna waxa aan aniga oo daymo naxariisle ku eegaya gacanta ka galiyay wixii lacag aan sitay, waa uu iga qaaday kadibna waa uu tiriyay, waxa uu arkay in aanay dhammayn, waxa la isugu kay daray dhirbaaxo iyo laad waxa uu i fadhiisiiyay meel bacaad ah aadna u kulul.
Wakhti yar ka bacdi waxa ii yeedhay Magafe waxa uu iidhiibay talafoon, waxa uu igu yidhi hadda la hadal Hooyadaa lacagna ka dalbo.
Saacadu waa ku dhawaad 12 duhur-nimo, waxaa si lama filaana talafoonkii iiga qabtay Aabahay, waxa aan u dadajiyay hadalkii la ii laqimay ee ahaa:
โAabo waxaa i haysta Magafe waxa uu iga rabaa lacag, haddii aad ii soo diri waydaan, hadda ayuu i dilayaa, kadibna Aabahay oo i maqlaaya ayaan oohin qabsaday.โ
Hadalada murugada leh markii uu Aabahay maqlay waxa uu iigu jawaabay, isaga oo qalbigaygana dajinaya, Aabo waxaad ii sheegtaa xawaalada lacagta lagu soo hagaajinaayo, aniga oo hiinraagaya oohin darteed ayaa waxa aan u sheegay xawaalada lacagta lagu soo diraayo magaceeda.
Runtii Aabahay waxa uu ila hadlay si masuuliyad iyo naxariisi ku jirto, waxa uu i dareen siiyay sidii uu lacag gacanta ku hayo, balse xaqiiqdu intaasi waa ay ka fog tahay, Aabahay iyo Hooyadayna waxaa marlabaad u bilaabmay baryadii iyo baryootankii labaad ee aan sababtooda anigu lahaa.
Waxa baabuur lagu guray dhammaan dDadkii aanu wada soconay badankoodii oo dhan kuwaasi oo ahaa dadkii lacagaha sitay iyo kuwii loo soo dirayba, kadibna waxa ay nooga ambabaxeen dhinacaa iyo Liibiya, aniguna waxa aan dib Magafaha agtiisa usii joogay muddo 20 cisho ah.
Waxaa aanu Magafaha ku wada sugan nahay wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed kuwaaso qaar ka mida Maskaxdoodu aanay dhamayn, isla markaana aad dareemayso niyad jab wayni ka muuqda. waxa kaloo ay ii sheegeen in agaagarkan ay hadda jogaan dhalin fara badan oo Soomaaliya lafahoodu ku duugan yihiin.
Asxaabey waa maalin Khamiisa saacadu waa sideedii aroornimo waxa isla goobtii Magafaha isa soo taagay safar cusub oo tahriib ah una badan Soomaali, waxa sidayadii laga soo dajiyay dhammaan baabuurtii, waxa aan markaliya Indhaha ku dhuftay safarkana ka mid ahayd gabadhii aanu isku soo baranay safarkii Adis-ababa inta badana aan gargaarka u fidin-jiray.
Kadibna markii ay gaadhiga kasoo dagtay ayaa waxa ay ku dhacday dhulka waa ay miyir doorsoontay, wali dhibtii iyo xanuunkii aan ku ogaa kama hadhin, qaliinkii caloosha kaga yaalayna waa uu kusii xumaaday, waxa aad korkeeda iyo dharka ay gashan tahayba ka dheehanaysaa dhibta haysa inta ay leeg tahay.
Cid u naxday ma jirto, aniga ayaa inta aan u tagay garbaha qabtay kadibna waxa aan geeyay hadh-qoodaal yar, ma hadli karayso, madaama aan meesha in badan joogay waxa aan bartay dabeecadaha Magafayaasha, waxa aan helay waxyar oo biyo ah kadibna afka ayaan ugu qabtay madaxana waan kaga shubay, markasi ayay soo miirawday, kadibna waa ay i garatay.
Asxaabey aniga oo gabadhii dul fadhiya kana waraysanaya xaalkeedu sida uu yahay ayaa Magafe waxa uu xaadiriyay magacaygii waxaanu ii sheegay in lacagtaydii loo soo diray kadibna baabuurta hadda baxaysa aan ku qoran ahay.
Aad ayaan uga xumaaday in gabadh Soomaaliyeed oo walaashay ah aan cidlada iyo cadawga kaga tago, balse danta ayaa tidhi in aan ka tago, haddii aan la joogi lahaana wax aan u qaban karaaba ma jiro, kadibna waxa aan fuulay Baaburkii gabadhiina sidaasaan cidlada ugaga dhaqaaqay.
Waxa aanu galnay safar runtii aad u dhibaato badan balse hadana Akhirkii waxa aanu ku Guulaysanay in aanu si nabad galyo ah ku gaadhno dalka Liibiya, gaar ahaan magaaladaTripoli, halkaasi oo aanu ku kulanay dhallinyaro aad u badan, oo isu diyaarinaysa safarka badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga.
Asxaabeey Sheekadu hadda waxa ay isu badalaysaa dhibaatooyin aad u badan oo midiba ay mid ka daran tahay.
la soco qaybta 6 aad.
Qofkasta oo sheekadan qaybaheedii hore ay dhaaftay waxa uu kala soconayaa barahayga hoos ku qoran:-
https://twitter.com/khadar_aar
Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar