Kooxaha mayalka ee ka jira Aljeeriya oo inta badan dhaliila ayaa waxay dawladda Aljeeriya bilowday dhismaha masaajid ka mid noqonaya masjidyada ugu waa weyn caalamka.
Masjidkan oo lagu magaabo Djamaa El Djazair ayaa laga dhisayaa inta u dhaxeysa goob loo dalxiis tago iyo degmo ay ku xooganaan jireen kooxaha xagjirka ah, sida ay ku warantay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.
Ahmed Madani oo la-taliye u ah wasaaradda guryeynta oo masโuul ka ah dhismaha masjidkan ayaa waxa uu ka warbixiyey dhismaha masaajidka waxa uu yidhi:
โDad baa nagu eedeeyey in aan masjidkan u dhiseyno xagjiriinta, hase yeeshee sidaas maaha, masjidkan wuxuu dhabar jab ku noqon doonaan xagjiriinta. Waa iyaga kuwa diidan mashruucan.โ
Dhismaha masjidkan ayaa waxa uu ku kici doona 1.4 bilyan oo Doolar, wuxuuna yeelan doonaan maktabad ay yaalaan hal milyan oo buugaag ah, dugsi qurโaan iyo minaaradda ugu dheer caalamka.
Masaajidkan ayaa waxa ku tukan doona dad lagu qiyaaso 120 kun oo qof.
Madani waxa uu sheegay in masjidka, oo dhismihiisa la dhameyn doono, sannadka soo socda, ayaa waxa uu beddel u noqon doonaa goobaha diimaha ee ay maamulaan kooxaha xagjirka.