Duqayntii shalay loo gaystay qaxootiga Suuriya oo ay ku naf waayeen daraasiin qof tiro kalena ku dhaawacmeen ayaa lagu tuhunsan yahay in ay gaysatay xukuumadda Bashaar Al-Asad.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay cid kasta oo ay duqayntaasi ku caddaataba in loo aqoonsan doono dambi dagaal.
Masiibadan ayaa ka dhacday meel 12 kiiloomitir u jirta xadka Turkigu la leeyahay Suuriya laakiin raacsan dhinaca Suuriya halkaas oo xero qaxooti u ahayd kumanaan qof oo baro-kacayaal ah.
Qaramada Midowday ayaa sheegtay in baadhitaano degdeg ah lagu samayn doono ciddii falgan gaysatana ay ciqaabteeda mutaysan doonto.
Dhanka kale war-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay dhacdadani tahay wax aan la qabali karin.
Qaxootiga ย Suuriya oo marka horaba la tiicayey dayac, barakac iyo nolol-xumo ayaa ka argagaxay in loogu yimid halkii ugu dambaysay ee ay nafta kula soo carareen.
Bandhige@gmail.com