Mudane,Cabdiraxman Cirro,murashaxa xisbiga Waddani isla markaana ah gudoomiyaha golaha wakiilada 13 sanno ee u danbeeyay,waxa uu ka sameeyay golaha wakiilada musuqmaasuqa noocyadiisa ugu xun xun.
Sida uu dhigayo qodobka 38aad ee distoorka Jamuuriyada Somaliland waxa mamnuuca ka ah xubnaha golaha wakiilada in ay qabtaan xil kale (public office) inta ay xilka xildhibaano hayaan,waxana reeban in ay u isticmaalaan xilka ay ummada u hayaan in ay ooga faaidaystaan danno gaar ah. Taasi oo si faahfaahsan aynu oogaga hadalay qaybtii koowaad.
Miisaaniyada golaha wakiiladu ka helo miisaaniyada dawladu waa $3,940,000 (Afar million oo wax yar la),bishii miisaaniyada goluhu waxa weeyi $330,000 oo dolar,mushaarka,gunooyinka iyo kharashaadka marka la isku geeyo bishii waxa uu isku noqonayaa $200,0000,waxa soo hadhaya bilwalba $130,000, waana lacagta lagu maalgaliyo xisbiga Waddani.
Taa waxa dheer lacagaha mucaawinooyinka ah ee golaha wakiiladu ka helo haayadaha kala duwan ee ee caalamiga ee kala ah Qaramada midoobay,Midowga Urub,iyo haayada baarlamaanada caawisa ee Awalba la yidhaa.
Halkan hoose ka akhriso qormadii koowaad:
Musharaxa Waddani: Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ka sameeyey golaha wakiilada noocyada ugu xun musuqmaasuqa noocyadiisa kala duwan Q.1aad
WQ: Maxamed Dahir Axmed