Suuriya waxa lagu eedeeyey dilal wadareed maalinle ah

 

Maraykanka ayaa ku eedeeyey Dawlada Suuriya dilal wadareed ay maalin walba u geysato maxaabiista ku jira xabsiyada ay maamusho dawladda.

Waaxda arrimaha dibada Maraykanka ayaa sheegtay in saraakiisha ciidamada Suuriya marka ay dilaan maxaabiista ay meydadkooda ku gubaan bannaanka magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Warka ayaa intaasi ku daraya in maalin walba xabsiga Saydnaya lagu daldalo ilaa iyo 50 maxaabiis.

Makhaasiinada lagu gubo meydadka ayaa la sheegay in Dawlada Bishaar Al Asad ay ku qarineyso cadeymaha dilalka tirada badan ee ay u geysaneyso dadkeeda.

bandhige@gmail.com