War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Kulmiye ayaa waxa uu magacaabay maamulka xisbiga degmooyinka Sabowanaag iyo Salaxley.
War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sida tan:
Ku: Xubnaha Maamulka Degmooyinka Sabowanaag iyo Sallaxlay ee Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYEย
OG: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย = Hargiesa =
OG: Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย = Hargiesa =
OG: Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย = Hargiesa =
Ujeeddo: Magacaabista Maamulka degmada Sabowanaag ee Xisbiga KULMIYE
Waxaan digreeto Guddoomiye ku magcaabay maamulka xisbiga KULMIYE ee degmada Sabowanaag ee Gobolka Maroodi-jeex kadib:-
Markaan arkay muhiimadda ay magcaabistoodu u leedahay habsami-u-socodka hawlaha iyo abaabulka xisbiga KULMIYE,
Markaan ku qancay kartidooda iyo aqoontooda maamul,
Waxaan maanta oo ay bishu tahay 16 May, 2017 u magacaabay xubnaha hoos ku qoran inay noqdaan hawl-wadeenada degmada Sabowanaag ee Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE:
- Ismaaciil Kayd Faarax inuu ahaado Guddoomiyaha xisbiga ee Degmada Sabowanaag
- Deeq Xasan Ciise inuu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga ee Degmada Sabowanaag
- Qadan Ismaaciil Diiriye inay noqoto Xoghayaha xisbiga ee Degmada Sabowanaag
- Axmed Barre Cismaan inuu noqdo Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta xisbiga ee Degmada Sabowanaag
- Maxamuud Xirsi Maxamed inuu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada xisbiga ee degmada Sabowanaag
- Yurub Cismaan Jaamac inay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga ee degmada Sabowanaag.
Magacaabista Maamulka degmada Sallaxlay ee Xisbiga KULMIYE ย
Waxaan digreeto Guddoomiye ku magcaabay maamulka xisbiga KULMIYE ee degmada Sallaxlay ee Gobolka Maroodi-jeex kadib:-
Markaan arkay muhiimadda ay magcaabistoodu u leedahay habsami-u-socodka hawlaha iyo abaabulka xisbiga KULMIYE,
Markaan ku qancay kartidooda iyo aqoontooda maamul,
Waxaan maanta oo ay bishu tahay 16 May, 2017 u magacaabay xubnaha hoos ku qoran inay noqdaan hawl-wadeenada degmada Sallaxlay ee Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE:
- Maxamuud Muuse Barre inuu ahaado Guddoomiyaha xisbiga ee Degmada Sallaxlay
- Siciid Maxamed Xasan inuu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga ee Degmada Sallaxlay
- Cabdi Suudi Haybe inuu noqdo Xoghayaha xisbiga ee Degmada Sallaxlay
- Cabdikariim Ibraahim Jaamac inuu noqdo Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada xisbiga ee degmada Sallaxlay
- Maxamuud Maxamed Yuusuf inuu noqdo Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta xisbiga ee Degmada Sallaxlay
- Muuna Sugulle Maxamed inay ahaato Guddoomyaha Garabka Haweenka xisbiga ee Degmada Sallaxlay.
ALLAA MAHAD LEH.
ย Maxamed Iid Dhimbiil
________________________________
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE