Musharaxa xisbigaas kaliya waxa u hadhay dhaarintii Madaxwayne-nimo (WQ: Mahedi Ismaaciil)

Loolanka u dhaxeeya saddexda xisbi qaran ee Somaliland ayaa waxay dadku qofba aragtidiisa ku saleeyay cida doorashada ku guulaysan doonta inagu soo socota iyada oo qof walba uu fakirkiisa ka dhiibanayo,hadalada u badan ee ay dadka kala taageersan saddexda xisbi ku saadaalinayaan ayaa ah:

1- Muddo aan ka badnayn 100 cisho ayaa u hadhay gudoomiyahaas si uu xilka u qabto
2- Waxaanu sugnaaba waa dhaarinti waayo waabu kuba guulaystay gudoomiyahaasi waanay caday
3- Codka waa lagu shubanaya waana la og yahay cida dalka loo dhiibayo una qalma.!

Balse waxaynu odhan karnaa dadka sidaa u saadaalinaya waxay u eegyihiin dad aan si fiican ula socon siyaasada somalililand iyo meelaha wax laga eego marka la saadaalinayo cidda ku guulaysan karaysa iyo Wadada ay u kala marayaan hanashada kursiga .

Saddexda xisbi qaranba Kulmiye,Wadani iyo Ucid bal mid walba aynu isku dayno inaan si gaara fiiro u saarno suuro galtinimada uu ku guulaysan karo tallada dalka .
Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo uu hogaaminayo musharaxa jagada madaxwaynimo mudane muuse biixi aynu ku bilaabno.

Xisbigan kulmiye waa xisbi haysta15 sanno oo waayo aragnimo ah khibrad badana u leh doorashada dalka iyo campainka sida loo galo iyadoo oo aanay taasina ka maqneen inuu yahay xisbiga talada dalka ku haya awoodiisuna anay ahayn mid aan la yareesan kareen awood badana u leh inuu ku guulaysto talada dalka mar labaad cod aad u badana ka haysta gobolo badan oo wadanka ka mida sido kale qurba joog xoog lehna ku haysta wadamada dibada .

Xisbiga mucaaradka ee wadani ee uu hogaaminayo mudane cabdirahmaan Cirro ahna musharaxa jagada madaxwayninimo ayaynu ku xigsiinaynaa.

xisbiga wadani waa xisbi uu hogaaminayo gudoomiyihii hore ee barlamaanka somaliland sido kalena ah xisbiga ugu saamaynta badan marka aynu barbar dhigno xisbiga kale ee mucaaridka , cod badana ka haysta gobolada somaliland badankooda ,siyaasiyiin aad u badan oo khibrad u leh siyaasada iyo ololaha doorashada ay beryahan danbe kusoo biireen balse aanay meesha ka maqneen in ay tahay marki koowaad ee uu doorasho noocan oo kale ah loo tartamayo jagada madaxwayni nimo ay ugu horeeso .

Xisbiga mucaaridka ee ucid ee uu hogaaminayo musharaxa jagada madaxwayni nimo aqoon yahan jamal cali xussen sido kale Gudoomiyaha xisbiga ucid Eng faysa ali waraabe oo isna u taagan jagada madaxwayni nimo ayaynu ugu danbaynsiin doonaa maadama aanay inoo cadeen cidda rasmiga ee u sharaxan xisbiga ,doorashadii golaha dhexana aanay dhicin.

xisbiga ucid waa xisbi aad u wayn doorashooyinka badankoodu ka dhacay wadan ka ka qayb qaatay balse aan markaliya ku guulaysan inuu jagada xisbi xaakimka wadanka.

Xisbiga ucid sanadkan dadaal aad u badan ayuu diyaar ula yahay inuu galiyo sidii ugu guulaysan laha tallada dalka iyado la sheegayo doorkan inuu siyaasad ka duwan xisbiyada kale ee dalka taas oo ah in jagada dalka madaxwayne ku xigeen uu u noqon doona gobolada barri taaso uu ku kasban doono cod aad u badan oo sanadkan laga sameeyay diwaan galinta balse aanay meesha ka maqneen khilaaf aad uso jiitamay oo u dhaxeeyay masuuliyiinta u sareeya xisbiga taaso sababi karta dad badan oo xisbiga taageero u ahaa inay kala noqdaan codkoodi.

Doorashooyinkii hore ee dalka hore uga dhacay maxaynu ka baran karnaa balse doorashada maanta iyana sidii oo kale wajiga siyaasadu ma is badali karaa? Jawaabtu waa Haa

Xisbigii UDUB ee talada dalka hayay doorashadii ugu danbaystay qof walba oo siyaasada somaliland ka war hayaa wuu og yahay dhabar jabka u badan bartuu kaga imi inay ahayd maalmihii u danbeeyay ee doorashada in wasiiro aad u badan oo xisbiga ku jiraa iska casileen iyagoo ku biirey xisbiyada kale ee mucaaridka Kulmiye iyo UCID taaso keentay inuu cod badan ku waayay.

Xisbiga mucaaridka ee ucid doorashadii dalka ugu danbaysay waxa uu aha xisbi aad loogu tuhmayay inuu talada dalka qaban doono , dhalinyaro aad u badana cod ka haystay sido kale ololaha doorashada meel sare kaga jiray isago ay u suuro gashay inuu diyaarad ku maro hal maalin gobolada dalka musharaxii xiligaas Faysal ali balse dhibka iyo dhabar jabka inuu kaalinta sadexaad galo ay ahayd in gobolo badan oo uu kalsooni badan ku qabay inuu cod ka helayo uu ka waayay iyado olalaha doorashada si fiican loogala qaybgalay balse ay ahayd codkeenuna waa meel cadkeenuna waa meel.

hadaba siyaasadu wajiyadaasi kuwii ugu xumaa ee ay lasoo baxday ayay hayd sanadkii ugu danbeeyay sido kale sanadkan waynu filanaynaa inay siyaasadu is badasho , xisbiyo badan oo siyaasiyiin badan isku haleenaya inay cod u keenan inay waayan iyagoo ka bixi doona sido kale gobolo badan oo ay isku haleenayan inay dib u ogaan doonan bartay ka taagan yihiin.
Golaha guurtida , komishanka doorashooyinka qaran iyo ku dhawaaqista cidda ku guulaysatay doorshada dalka.
Somaliland waxaynu odhankarnaa wayka duwan tahay dalalka kale markaynu u eegno waayo marwalba oo codka tirinta dalka la dhameeyo si deg deg ah loooguma dhawaaqo ilaa lasoo mariyo golaha guurtida dalka iyagaana ku dhawaaqa. awood badana u leh ciday dalka u dhiibayan xatta hadii talada dalka xisbigaagu ku guulaystay .

Doorashooyinki inasoo dhaafay waynu kawada dharagsanahay in madaxwaynaha dalka (Siilanyo) lagu idhi loona soo bandhigay in doorashadii dalka uu ku guulaystay xisbiga UDUB iyadoo oo xisbiga Kulmiye ku guulaystay loona sheegay in talada dalka 80 cod lagaga guulaystay xisbiga Kulmiye!.

balse sanadkii labaad loo sheegay madaxwaynaha dalka siilaanyo in sanadkii horena ku guulaystay sanadkana ku guulaystay balse sanadkii hore loo garan wayay!

Hadaba dadka maanta saadaalinaya iyada oo aan olalahii doorashadu bilaabmin wakhtigeedina la gaadhin , arimahaas aan kor kusoo xusnayna ay xisbi walba caqabad ku tahay si fudud uma odhan korno xisbiga ayaa ku guulaysanaya!

Wad mahasantihiin ………………………………………………………
WQ: Mahedi Ismaaciil
Gmail: mahedi.alsomal@gmail.com