Nidaamyada faasidka ahi waxay dadkooda baraan in ay noqdaan kuwo aan runta waajahin, dhibkoodana ay xalkeeda cid kale ka sugaan (WQ: Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”)

Nidaamyada faasidka ahi waxa lagu yaqaanaa in ay dadkooda ka ilaaliyaan ku dhaqanka runta iyo wajahida mustaqbalka noloshooda si waaqici ah, umana ogolaadaan shucuubtooda in ay si dhab ah indhaha ugu kala qaadaan ka fekerka mushkiladaa ku gadaaman waayahooda nololeed.

Nidaamyada faasidka ahi waa kuwo barbaariya caddaaladda darada, musuqmaasuqa, eexda iyo qaraabo-kiilka, kuna baahiya arrimhan bulshada dhexdeeda, iyagoo aad ugu dadaala in markasta bulshooyinka ay hoggaamiyaan ku ababiyo falsafado iyo aydolojiyado taban oo wiiqaya koboca maskaxahooda iyo isku filaanshaha bulsho ee dhan walba. Asalanba, bulshada horumarkeeda waxa sees u ah hadba sida ay u fekerayso, sida ay u midaysan tahay iyo sida dantooda caamka ahi ugala qiimo weyn tahay tooda gaarka ahi.

Bal u fiirso, akhristow, hanaankeena siyaasadeed ee maantu nadariyada iyo afkaarta uu ku shaqeeya waxa ay tahay, waa qaybi oo xukun, isku jeedi iyaga, idinkuna booba hantidii waddanku lahaa inta ay shacabku isku foogan yihiin, waxay kusoo ururtay raganimadoodii afartan oday oo maalinba inta meel lagu ururiyo la yidhaahdo ku hadla afka beeshiina oo dhaha waxaan taageersan nahay xisbul-xaakimka Kulmiye, iyadoo aan dan laga lahayn, waayaha ay qabaan kuwo afkooda  lagu hadlayaa.

Miyaa la waayay, in lagu kaambayn gareeyo aragti ka baxsan  reer hebel iyo reer hebel? Maya, laakiin waa dhaqamada nidaamyada faasidka ah lagu yaqaano in marka ay ku fashilmaan herglinta waxqabadka muuqda iyo ka jawaabida baahiyaadka bulshadooda, ayay la yimaadaan kaambanaydada faasidka ah, si ay indhaha mujtamacaan uga jeediyaan runta taala hortooda.

Nasiib-daro kale oo jirtaa waxay tahay in kuwa muxaafidka ah iyo kuwa mucaaridka ah ee xisbiyada sheegtaa ay yihiin kuwo magac mooyee  aanay jirin wax kale oo ay ku kala gedisan yihiin marka laga eego dhinaca aragtida, falsafada, mabaadii’da iwm, xaalkuna uu iska yahay horor bedelaya horor kale, dadkuna, waxay yihiin kuwo la qabsaday isu-bedelka nidaamyada faasidka ah ee isu kala  bebedela, mustaqbalkooduna waa mid calaamatul su’aal weyn oo casaan ahi  saaran tahay.

Xaalkuna, waa mid ruux kasta oo bulshada ka mid ah u muuqda, balse ay cidkasta oo bulshada ka mid ahi  ay sugayso in ay cid kale xalka u samayso, iyaguna ay gacmaha laabtaan, taasoo ah wax aan marnaba dhici karin.

Wa bilaahi towfiiq

Qal inkii:- Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”

burco,

Email, husseinlucky@hotmail.com