Maraykanka ayaa maanta oo Jimco ah xidhay Safaaradiisa magaalada Nayroobi kadib markii Khamiistii banaanka Safaaradda lagu toogtay nin toorey ku dhaawacay askari boolis ah.
War kooban oo lagu daabacay bogga ay safaaradu ku leedahay Internetka ayaa lagu sheegay in la joojiyay adeegyadii Qunsuliyada, balse adeegyada deg deg ah ee ay u baahan yihiin muwaadiniinta Maraykanka ayaa wali shaqeynayo.
Adeega safaaradda ayaa si buuxda loo soo celin doonaa Isniinta, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay safaaradda.
Booliska ayaa waxay sheegeen in sarkaalka la dhaawacay uu ilaalo ka hayay mid ka mid ah iridaha safaaradda markii ninkaasi uu tooreey gacanta uga dhuftay sarkaalka
Mas’uul ka tirsan Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka soo qadaay uu u dhashay Kiiniya, wuxuuna deegaan ahaan ka soo jeedaa Wajir. Sababta ka dambaysay weerarkaasi wali ma cadda.