Musharrax Cirro Laba hadalba waa loo Dhiibay W/Q :Cali Cabdi Coomay

= Madaxweyne Cigaal oo Fagaaraha Khayriyeda hadal ka jeedinaaya, ayuu nin wasiirradiisa ka mid ah mar dhegta wax ugu sheegay. Haddana mar labaad ayuu ku soo noqday uu dhegta wax ugu sheegay. Cigaal wuxuu goobtii ka yidhi” hadallada anigaa doortee la iima dooro”. Cirro markii uu gobolka Awdal ka yidhi Madaxweyne Riyaale waxa loo dhiibay Jeeg madhan oo aanay waxba ku jirin. Hadalkaasi meesha uu joogay iyo waaqaca midna kumuu habboonayn. Waxa loo badinayaa inuu u dhiibay siyaasiga reer Awadal ee sal-fudayda caanka ku ah. Cirrana ma hubsan wuu se eeday.
= Maanta hadal kale oo isna loo dhiibay ayuu ku hadlay. Wuxuu yidhi” Anna madaxweyne iigu codeeya, Waddanina xisbi ahaan ugu codeeya”. Hadalkani wuxuu toos uga horimanayaa heshiiskii is-bahaysigii Waddani iyo Kaah. Shaki kima jiro inuu Xirsi hadalkan dhiibay, waayo waaba intuu muddo dheer raadinayey. Hadallada loo dhiibayo Cirro ee sida hubanti la’aanta ah uu isaga odhanayaa waxa ay calaamad su’aal saarayaan haddii uu madaxweyne noqdo in lagu shaqaysto oo uu go’aan yeelan waayo.
Like

Comment
Send