Waxaa muddooyinkan dambe soo naaxaysa dood dhex goglan ardaaga dhaqaaleyahanada taas oo salka ku haysa sida ay tiknoolojiyaddu u baddalayso suuqa shaqada. Waydiimo badan oo aan dhan looga soo wada jeedsan ayaa weli jawaabo loo raadinayaa.
Dhaqaaleyahannadu waxa ay rabaan in ay dunida u sahamiyaan sida uu noqon karo suuqa shaqadu 10ka sano ee soo socda balse waxaa ilaa hadda lagu heshiin la’yahay odoroska mustaqbalka iyo sawirashadiisaba. Waxaa taagan labo doodood oo labaduba kasoo tisqaaday afkaar ay curiyeen khubaro dhaqaalaha ku takhasustay iyo dadyow kaleba.
Waa midda koowaad’e khubaro badan waxa ay ku andacoonayaan in Tiknoolojiyaddu xannibi karto shaqaale badan, isla markaasina ay hawada ka saari karto shaqooyin aad u farabadan innagoo og in dadka dunida kunoolna ay dhallinyaro u badanyihiin, iyadoo taas laga tixraacayana waxa in badan lagu talinayaa in laga tashado isbaddalada ay samaynayso Tiknoolojiyaddu – kaas oo ay khubaradani u arkayaan khatar weyn oo soo foodsaartay suuqa shaqaalaha.
Aragti middaas ka duwan aadna uga soo horjeedda ayaa iyaduna sheegaysa in Tiknoolojiyaddu tahay fursad kale oo lagu naaxin karo shaqada korna loogu qaadi karo xaddiga shaqaalaha – maadaama ay tiknoolojiyaddu abuuri doonto shaqooyin iyo baahiyo cusub oo dunida aan laga aqoon. Dhaqaaleyahannadan ayaa iyagu dhankooda u arka rejo wanaagsan oo suuqa shaqada iyo shaqaalahaba bildhaamin karta. WAANA TAN ARAGTIDA XOOGGAN, Dadka badankooduna taabacsanyihiin.
Hay’adda caalamiga ah ee “World Economic Forum” oo qortay warbixin ay ugu magac dartay mustaqbalka shaqada “The Future of Jobs” ayaa warbixintan oo ay qortay dabayaaqadii sannadkii 2018 ku ayidday aragtida dambe, iyada oo hay’addu cilmi-baadhista ay samaysay ku muujisay in suuqa shaqada ay ka bixi doonto qiyaastii 980,000 oo shaqo halka lagu guulaysan doono in la abuuro 1.74 Milyan oo shaqo inta u dhaxaysa sannadka 2018 – 2022ka.
Waxa aan dhammaanteenba 10kii sano ee u dambeeyay markhaati kasoo ahayn xawaaraha ย xawliga ah ee baraha bulshadu ku saameysay hannaanka aadanuhu u noolyihiin. Ganacsiyo badan oo 2010kii loo sheegay “Haddii ay bar-bulsheed samaystaan, inay ku hormarin karaan ganacsigooda”. Maantase jawigu taas waa ka duwanyahay sida aynu ognahayna “Ganacsi bilaa baro bulsheed ahi ganacsi jira ma ahan, waxaana laga walaacsanyahay in uu dunidan kasii jiri doono sannadada soo socda”.
Sidaas darteed, ma ogtahay in isbaddalka dhacay tobankaas sano ee inna soo dhaafay dad badan, ganacsiyo iyo dawlado kaleba ka tanaadeen. Maadaama ay marka horeba ka tashadeen, sidii ay jiibta iyo jaanta ula heli lahaayeen Tiknoolojiyadda dunidan guudkeeda asal-rogeysa.
Si su’aashan aan uga jawaabno; qoraalkeyga waxaan kaga baxayaa talooyin wax ku ool ah oo innaga caawinaya inaan ka mid noqono umadaha la jaanqaaday dunida.
Caalamka waxa ka socdaa Isbaddal caadi ah waa dhaafay, waxa socdaase waa isbaddal-xawli ah. Si haddaba loola jaanqaado jawigan dunida ee kolba caynka noqonaya. Waxaa la samaystay xarumo casriyeyn “Innovation Centers” laga dhex sameeyo jaamacadaha. Markaas ayaa la darsaa sida wax isu baddaleen, halka loo socdo iyo tallaabada xigta habkaas ayaana dunida loo wada tallaabsaday. Sidaas darteed, ugu horreynba waxaa muhiima in Jaamacaduhu ay noqdaan xarumaha lagaga talo bixiyo arrimahan, Jaamacadeheennuna noqdaan kuwo u diyaarsan inay waxaas oo hawl ah galaan.
Maadaama qofwalba uu immika labo nololood noolyahay oo kala ah tan khadka ah “Digital life” iyo tan caadiga ah. Waxaa lagama maarmaan ah in uu yaqaano xirfadaha labadan duniba loo baahanyahay oo qofka ka dhigaysa mid aan ku dhex lumin isla markaasina laga tagay. Waxa isbaddalay ciddii suuqa looga baahnaa iyo xirfaddii loo baahnaaba sidaas darteed ama noqo ciddii loo baahnaa oo dhis hab-fikirkaaga adoo baranaya; Casriyeynta (Innovation), hal-abuurka (Creativity), falanqeynta (Analytics) iyo waxsoo saarkaba. Sidoo kale si aad u noqotid xirfadle sita furaha suuqa xirfadda casriga ah. KU HUBAYSNOW XIRFADAHA TIKNOOLOJIYADDA tanina waxa ay marwalba meesha ka saaraysaa, in shaqadaadu moran gasho.
W/Q: Kamaal Hassan Adnan