Xirfado bulsho oo aad si hawl yar ku baran karto (WQ: Jama A. Dafac)

Xirfado bulsho faa’iido badan oo aad si hawl yar ku baran karto.

1.Marka aad qof la sheekaysanay ha noqon mid isagu/Iyadu uun iska sheekaya, u ogoloow qofka kale in ay in badan naftooda ka hadlaan.

2.Hadii aad qofka la kulmay markii isugu kiin horaysay, si wanaagsan  isu bar una weydii magaciisa/ceeda. Baro in aad xasuusato dadka magacyadooda adigaa oo ugu yeedhaya magacyadooda marar badan inta aad wada sheekaysanysaan, kuna soo xidh sheekada magaciisa/ceeda.

3.Isku day in aad sheekadaada kaftan ku dhex darto hadii ay ku haboontahay.

4.Ha u dhegaysan qofka si marka uu saa u aamuso ba aad ugu jawaabi lahayd, isku day in aad si dhug leh u dhegaysato qofka.

5.Ugu yaraan 70% qofka idhihiisa eeg adiga oo aan kana khajilsiinay waxay muujinay in aad qiimaynay waxa uu qofku leeyahay.

6.Noqo mid wax ka barta dadka, adiga oo su’aalo weydiinaya kuwaas oo aad xiisaynay, qofwaliba waxa uu jecelyahay in uu baro cid waxa uu yaqaan.

7.Ha isticmaalin oo ha isku madadaalin telefoonkaaga  marka aad dad la joogta, wakhti sii oo dareensii in ay muhiim kuu yihiin.

8.Ballanta oofi ha noqon qofka marwalba baajiya ballamaha uu qaado wakhtigeedii oo taagan. Cidina ma jecla qof aan isku hallayn lahayn.