Muuqaalka Baarlamaanka Somaliland u baahan yahay (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Muuqaalka Baarlamaanka Somaliland u baahan tahay ”.

Distoorka Somaliland wuxuu qeexayaa in Dhulka iyo Dawlada Somaliland Ilaahay ka sokow ay leeyihiin shacbiga Somalilad , kuwaasoo si sharciga waafaqsan ugu igmanaya Dawladda .

Hadaba Goleyaasha Baarlamaanku shacbigaa ah Mulkiilayaasha Dalka iyo Dawladda ayay Wakiilo u shaqeeya uga yihiin Dalkooda iyo Dawladooda , iyagoo ay waajibkooda tahay in ay u ilaaliyaan .

Shaqada ugu wayn ee Baarlamaan qabtaana waxay tahay , ku ilaalinta Dawladda ,

– Sharcigga ,

– Danta Guud ,

– Iyo Barnaamijyadda Siyaasadeed .

Sidoo kale , Baarlamaanaddu waxay difaacaan xaquuqada Bulshadda iyo danaheedda , maadama ay yihiin wakiiladdii shacbigga .

Sidaa markay tahay , Muuqaalka Baarlamaanka Somaliland u bahaan tahay , waa mid soo nooleeya , arrimahan ,

– Dib u habaynta Shuruucda wadanka ,

– Xaqjiinta ku dhaqanka sharciga iyo ilaalintiisa .

– Isla xisaabtan dhaba iyo is waydiin , shaqadda umadda , adeegyada umadda , siyaasadda umadda iyo hantidda umadda .

– Dhimista awooda waaxda fulinta iyo xoojinta Haayadaha Garsoorka iyo Baarlamaanadda .

– Ku ilaalinta Miisiinyadda arrimaha mudnaanta u leh shacbigga , sidda Biyaha , Caafimaadka iyo Waxbarashadda .

Si kastaba ha ahaatee , Xukuumad wuxuun baa xakamayn kara Baarlamaan waajibkiisa garanaya in uu gutana u diyaara.