Madaxweynaha JSL iyo Weftigii uu Hoggaaminayey oo Booqday Freezone ka Jabuuti, dhaam biyoodka Carta iyo Weeca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay Dalka Jabuuti oo maalintii labaad ku guda jira hawlihii shaqo ayaa maanta oo arbaca ah booqasho ku tegay aaga cashuuraha ka caagan (Freezone)ka Jabuuti, iyadoo lagu soo wareejiyey dhismaha freezone ka cusub oo gacanta lagu hayo wakhtigan, waxaana weftiga madaxweynaha la tusay muuqaalka uu yeelan doono mustaqbalka markuu dhammaado.

Sidoo kale weftiga madaxweynuhu isla maanta waxa uu booqday dhismaha dhaam biyood balaadhan oo laga wado Carta. Ugu danbayntiina waxa madaxweynaha iyo weftigiisu booqdeen deegaanka Weeca oo u dhaw carta waxaana weftiga warbiximo ka siiyey masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka biyaha, xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo Beeraha Mudane Maxamed Cawaale (Maxamed Soomaali). waxaana kormeerkaa ku wehelinaayey masuuliyiin kala duwan iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.

Image may contain: one or more people and people standingImage may contain: 5 people, people standingImage may contain: 5 people, people standing, wedding and beardImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 1 person, outdoorImage may contain: outdoorImage may contain: outdoor and natureImage may contain: 4 people, people standing, suit and indoorImage may contain: 7 people, people sitting, people standing and indoorImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: 6 people, people smiling, people standing