Muuse Biixi Abdi iyo doorka haweenka (WQ: Nimco Maxamuud Ciise)

Waxay ahayd xilli aan ka shaqaynayey Idaacadda Radio Hargeisa oo ah Idaacaddii aan ka bilaabay shaqada Saxaafada waa meesha aan ku raad bartey kana hana qaaday, waxay ii saamaxdey in muddadii aan ku dhex jiray hawsha warbaahinta aan qabto shaqooyin adag oo waayo aragnimo iyo masuuliyadi ku dheehan tahay.

Waxaan soo saare ka ahaa Barnaamijka Arrimaha Qoyska oo ka mid ahaa barnaamijyada todobaadlaha ah ee Idaacadda ka baxa oo diirada lagu saari jiray Qoyska iyo waxyaabaha ku hareeraysan gaar ahaan Haweenka iyo Caruurta, Maalin maalmaha ka ka mid ah waxaan Barnaamijka kaga hadley Dhibaatooyinka ay la kulmaan Haweenka ka shaqeeya suuqyada hilibka, Kuwaasi oo iyagu habeenka badhtankiisa u kici jiray si ay u soo saaraan nolol maalmeedka qoyska.

Wuxu ahaa Barnaamij xiiso badan dhinaca kalena murugo badan hooyooyinku waxay ka sheekeeyeen dhibaatooyin kala duwan oo ay la kulmaan xiliga ay u guuraynayaan inay nolol u helaan caruurtooda, sheekooyinka ay ka hadleen oo u badnaa mahadho iyo calool xumo ayaan si gaara uga xusi karaa Hooyo Xaliimo Abdi oo la kulantey tacadi kaga imid tuug wadadada ama jidka u galay intii ay u socotey kawaanka hilibka.
(Wuxuu ka qaatey boorso ay lacag iyo telefoonka gacantu ugu jireen waana wixii ay ku talo gashay inay maalintaa ku hawl gasho, markey isku dhajisay wuxuu gacanta ay ku haysey kaga dhuftey tooray ama mindi halkaas ayayna hooyadii iska daa nolol ay raadiso iyo wixii ay ku raadin lahayd oo laga qaataye ay iyadii dhaawac ku gashay muddona u jiiftey caruurteeda oo agoon ahaana ay ku waayeen qawtal daruurigii ay u raadinaysey)

Barnaamijku wuxuu bixi jiray subixii 8:00Am xiligaasi oo sida uu ii sheegay Madaxweyne Muuse Biixi uu ku taxnaa dhagaysiga Idaacadda Radio Hargeisa, Intaa ka dib Mudane Biixi wuxuu ka murugoodey tacadiga ay la kulmayaan haweenku wuu i soo raadiyay oo Xarunta Radio Hargeisa ayuu toos u yimid si uu xog dheeraad ah uga helo dhibaatooyinkaas balse xiligaa maan joogin shaqada.

Madaxweynaha haatan la doortey ee Somaliland oo xiliga aan ka hadlayo aan ahayn xataa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye intaa kagama hadhin dhibaatada ay la kulmayaan haweenku ee wuxuu u tagey Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee waqtigaasi oo aan filayo inuu ahaa Maxamed Nuur Caraale Duur, kuma ekaan ee wuxuu u sii dhaafay Madaxweynaha hada ka dagaya Mudane Ahmed Maxamed Siilaanyo waxaanu la wadaahay tacadiga ay haweenku kala kulmaan tuugta.

Falanqayn iyo qiraal la xaqiijiyay jirtaanka dhibaatadaas ka dib nasiib wanaag wuxuu Mudane Biixi ku guulaystey in ciidan gaara oo xaalada haweenka ka shaqeeya loo sameeyo sidaasna xal looga gaadho dhibaatadii ay la kulmi jireen dumarka ka ganacsada suuqyada hililibka ee Hargeisa.

NB: sheekadan waa wax dhacay oo xaqiiqo ah mana aha wax aan ujeedo gaara ka leeyahay.

Waad Mahadsantihiin

WQ: Nimco Maxamuud Ciise