Ima ogide waxan ahay! (WQ: Maxamed Indhayare)

29 November oo ahayd maalin arbacaa cabaaro 10:00am ee subaxnimo ayaan aniga iyo walaalkay Baashe kasoo baxnay jaamacada Hargeisa anagoo usoo baxnay dhinaca iyo suuqa weyn ee Hargeisa. Markay ahayd 10:30am ayaan soo gaadhanay bank-ga dhexe kasoo horjeedkiisa oo ah xafiiska Horn Cable TV hortiisa. Gaadhiga ayaan wadada dhinac uga yara saaray, si aan ugu diro inan maydha. Ilaa 10minid ka bacdi gaadhigii waa lay dhameeyey, ka dib anoo damacsan inaan dhaqaaqo waxaa daaqada gaadhigii soo istaagay labo nin, markaa anoo kasii jeeda ayey hadleen ka dib waan soo jeedsaday waxaan arkay labo nin oo ciidana khaasatan ciidanka militariga. Labada nini umay muuqan kuwo magaalada joogay waayo diif iyo daal ayaad korkooga ka dheehanaysay.

Midbaa hadloo isagoo hadalkiisa u dhigaya inuu u jeedo ninkan askarigaa sii qaad, wuxuu si dabacsan u yidhi “waar walaal askarigan sii qaad”
ANIGA ” wlo waxaan tagaya bariga magaalada oo ah meesha shaqadayda ah”
ASKARIGII ” waar walaal waa halkaanu doonaynay”

Way soo fuuleen labadoodiiba ka dib waanu dhaqaaqnay iyadoo sheeko ay halkaa bilaabantay is wareysi iyo is tooyasho ka dib, Sidan ayey qisadooda Ku bilaabeen:

Maxamedow horta waxaanu nahay ciidanka qaranka gaar ahaana kuwa jeeda Ku sugan, waxaanu maqnayn mudo labo sano ah walow aanaan degsiimo u lahayn halkaanu joognay haddana waxaanu u shaqeynaynay qaranka, mudadaasi xaasas iyo ehelba waanu kala baadnay laakiimse nasiib wanaag hadda ayaanu nadiib u helnay woxogaa fasaxa ka dibna waanu soo baxnay. Xalay waxaanu seexanay qaryadda Halleeya, saaka ayaananu kasoo baxnay. Daalka awgii dharkayagii ayaanu halkaa kaga nimidnay waana sababta aanu kuu raacayno, anagoo u socono inaanu soo qaadano.

Hadal dheer ka dib su’aal ayaan weydiiyey “walaal ka warama xaalada ciidanka qaranka ee jiida Ku sugan?”

Maxamedow xaalada militarigu waa mid iska nimca badan, waxaanu mushahar u qaadana 700000sh ($70) iyo ilaa dhawr iyo toban kiilo oo raashin isku jira. Waxaanu Ku dayranahay cadaw waayo markaanu cunto doonanayno waxaanu isku raacnaa 4 askari taasi oo markay labo wax cunayaan labona ilaaliyaan. Waxaanu nahay dad ilaahay idiinkiin diray.
Maxamedow ma qiyaasi karno in dhibta qiidanka qaranku keeni doono nabsi laakiinse waanu dhibanahay.

Waan naxay!

Woxogaa ka dib mid kamida ayaa telefoon kusoo dhacay waxaa loo sheegay in alaabtii lasoo qaaday ka dibna wuxuu igu yidhi walaal alaabtii waa naloo soo qaadaye halkaa noo joog waanu iska noqone. Ka dib waan is taagay, intayna degin ayuu midi si xishoodi ka muuqato u yidhi “maxamedow wuxuu ilaahay nagu ogyahay inaanan xiligaa quraacan, markaa adaa madaxdiiye waxaanu Ku quraacano nasii”
Waan naxay, waan ilmayn gaadhay. Lacag aan badnayn oo $10 ah ayaan siiyey, numberkaygana waan siiyey koodiina waan ka qortay waxaanan Ku idhi ila soo xidhiidha ana waan idin lasoo xidhiidhayaaye.

Haddaba imisaa lacag iyo badhaadhe helay intay cadawga inaga hortaagnaayeen? imisa wax bartay oo heer gaadhay intay gaadhka Ku jireen? Imisa ayaa hurdo macaan seexda intay soo jeedka iyo gabadanaha wareegayaan? Imisa amaan iyo damaashaad Ku nool intay cunada isku waardiyeynayaan?

Hadday abaalka intaa leeg inoo galeen intiina caqliga u saxiibka aheeey miyeynaan celinayn?

Idinkoon cidna Ku halaynayn bilaa calaykum tusa hiil iyo hooba oo gacantana dhalinyarooy hala isku qabsado hiilka ciidanka qaranka.

WQ: Maxamed Indhayare