Guul-darrada oo aad aqbashaa waa guushaada barri (WQ: Maxamed Dhimbiil)

Xisbiga WADDANI mid baa seegtay, oo waxa seegay in ku shubasho aanay cadeyn ku filan u hayn iyo qaabkii loogu shubtay oo taageerayaal ahaan iyo bulsho ahaanba aanu kuwada qanacno ay soo bandhigaan may aheyn, sumcad ahaana ina dhaawacaysa.

#Cirro na midbaa seegtay, oo waxa seegtay in hadii aad hanaysay oo hambalyeynayso uu hadalkaagu bilaa turxaan ahaado oo liqdo turxaan oo dhan oo aad Gobanimada wada qaadato, ayaa ku seegtay, Walow aad tidhi inkooban oo taarikhiya ( Aniga damacayga siyaasiga ah dalkayga u burburin maayo, dadkaygana dhiigiisa u daadin maayo ).

Komishankana in aanay natiijada daahinin oo labac labacleyn, tabashooyinkana degdeg uga jawaban isla marka Xisbiga WADDANI usoo gudbiyeyba ayey aheyd , oo iyagana taasaa seegtay.

Isku soo wada duuboo Xisbiga WADDANI in uu guulaysto iyo in doorashada lagaga guuleystoba waa u tartameyey ee labac labacda madaxda iyo hadalada aan cadeyn ayaa dad badan niyad xumo iyo shaki ku ridey.

Ilaahay bay tiisa tahaye maalina waa if maalina waa aakhiro e, markii murashaxayagii Cirro yidhi Gabiley iyo Hargeisa 40% ha la ii baadho, ayaan anigu shaqsiyan ku qancay in nalaga badiyey.

Aniga shaqsiyan waxa ay ahayd doorashadii iigu culeyska badneyd waayo inaga oo aan waxba kala aheyn hadana maadaama aad loo dhaqdhaqaajiyey xamaasadda qabaailka marka aad ka fikir duwan tahay 99% reerkaagu halka uu isku raacay dabcan hawsheeda ayey leedahay.

Iyada oo ay sidaa tahey ayaa hadana qaar aad isku xisbi taageeraysaan oo reerkaaga wax ka sheegaya ku arkaysaa baraha bulshada ama tolaayeey ku ololeynaya, taas oo kale waxa aan kaga gudbi jirey uun qaar kale oo la mida oo iyaguna xagaa ka soo caytamaya ayuun baan eegaa ama tolaayeey leh.

Doorashadaa dhacday wax ceeba anigu waxa aan u hayaa waxay lahayd komishan jilicsan oo khatar ina galiyey, waxa kale oo ay ahayd doorasho qabyaalad cadaan ah lagu codeeyay oo dadka uurkoodii kala rari gaadhay, ama jeegaan haloola baxo ama hagbade ama Giraane, waana mid ii muuqatay oo aan had iyo goor ka hadli jirey waar dalku yaanu inaga noqon reero tartamaya ee xisbiyo tartamaya ha inoo ahaado, madaxweynaha ku soo baxay doorashadaa waa in uu daweeyaa waxaas oo dhan oo dadka iyo dalkaba mideeyaa isaga ayaa maanta u wada Madaxweyne ahe.

Madaxda iyo Taageereyaasha WADDANI waxa ay soo bandhigeen kaambayn qurux badan oo casriya mucaaradad nadiifa oo bilaa ku xumee iyo ku jiqsii ah, quruxda kaambaynka iyo ilbaxnimada uu soo bandhigey waxa uu xataa la gaadhay in murashaxu muwaadiniinta shaqsi shaqsi codkooda u weydiisto waxa aan leeyahay waala dedaalay xaqiiqdii qoraalka Alle ayaa meesha ku jirey oo cidii Alle inoo dooray ayuun baa soo baxday, ee cashar ha inoo noqoto oo yaanay calool xumo inoo noqonin doorashadaa dhacday.

Maanta waxa inoo wanaagsan oo inoo sharaf iyo maamuus ah hadaynu reer Somaliland nahay inaga oo gacmaha is haysana in aynu qaranka dhisno oo qofwaliba halka kaga beegan ka toosiyo kaasi oo midnimada wadajirka iyo wanaaga ummadani ku jiro, Waajibaad weyn iyo masuuliyada ugu culusi waxa ay saaran tahay madaxweyne Muuse Biixi oo aad isha loogu hayaa dawladda uu soo dhisi doonaa ma noqon doontaa mid quluubta dadka kalgacaylkii qabyaalad la’aantii iyo walaalnimadii ku soo celisa.

Aadamuhu hadaanu runta isku sheegayn, oo maalinta kaa aad taageersan tahay gar leeyahayna gartiisa ugu dagaalamayn, maalinta uu gar daran yahay ama daw daro ku socdana aanad qabaneyn dadnimo ma jirto iyo wanaag aad ku wada socotaan midina. #Cirro iyo xisbiga WADDANI inkasta oo aanu hadaba guuldaraysan ee doorashada uun lagaga guulaystay Haddana guushiisa barri waxa ay ku xidhan tahay maanta sida uu u sii shaqeysto iyo wejiga uu umadiisa usii dhigto.

Wa Bilahi tawfiiq

#Somaliland_midnimo_walaalnimo

Muhamed Dhimbiil