Imaaraadku wuxu beeniyey in gantaal Xuutiyuuntu soo ganeen uu haleelay nukliyeerka laydhka laga dhaliyo

Xukuumadda Imaaraadka ayaa waxba-ka-jiraan ku tilmaantay in Xuutiyiintu ay gantaal ku ganeen Imaaraadka kaas oo yoolkiisu ahaa xarunta nukliyeerka laydhka laga dhaliyo ee Imaaraadka. Sidaa waxa yidhi af-hayeen u hadlay hay’adda ka-hortagga iyo maaraynta masiibooyinka ee Imaaraadka.

Khabiir dhinaca hubka ah oo ka tirsan Jaamacada King’s College qaybta lagu barto arrimaha milatariga ayaa sheegay in ay adkaanayso in Xuutiyuuntu gantaalkooda soo gaadhsiiyaan.

“Xuutiyiintu inta la og yahay waxay haystaan gantaallaha kuruuska kuwaas oo aan gaadhi karin Imaaraadka. Haddii ay rabaan in ay gantaallahooda Imaaraadka soo gaadhsiiyaan waa in ay haystaan gantaallaha ballistikada ee riddada dheer, kuwaas oo inta la og yahay aanay Xuutiyiintu haysan” ayuu yidhi Andreas Krieg oo ka tirsan King’s College.

Si kastaba ha ahaatee, waxa hadda muuqata in ay Xuutiyiintu isku dhigayaan awood muuqata oo aan iska caabin kali ah ahayn laakiin weerarrana qaadi karta.

Bandhige@gmail.com