Muuse Biixi iyo Dadaalkiisa Distoor-dhawrista! (WQ: Maxamed Haaruun Biixi)

Madaxwaynuhu waa ilaaliyaha distoorka iyo astaanta qaran kastaa leeyahay. Haa, run weeye taasi, Muuse na waa sidaas oo kale uun. Sida uu ilaalinta distoorka ugu adagyahay ma aha mid hore looga arkay Somaliland, mana filaayo in dib loo arki doono. Dooddaha Muuse ee distoor-dhawrista maragga u ah, ee xaqiiqada ah, saddex dan tusaale ayaa uGu mudan:

1. Dhawr usbuuc ka hor, gurigiisa ayaa odayaal ergo ah oo beel ahaan ugu tagay kula kulmeen. Qodob keliya ayay kala hadlaayeen, waana foolxumada ka joogta dhulka Galbeedka magaalada, halkaas oo Muuse walaalkii iyo wiil uu abti u yahay ay maxkamadaha Somaliland ee cadliga iyo madax bananida ku can baxay u xukumeen dhawaan, buuq badani na ka dhashay. Muuse waxa lagu yidhi – sheekada dhulkaasi anaka iyo adiga ba waa kugu cee bee fadlan si uun u xalli oo yaanaan warkooda dib u maqlin, aad na waa u wacdiyeen. Muuse waxa uu yidhi – dhulkaas hadii ay nimanka kale ee qoyskaygu ka tanasulayaan iyaka ayay u taalaa, laakiin anigu qaybtayda kama tanasulaayo. Dadka dhulka aan isku haysano waxa aan ku kala baxaynaa distoorka iyo maxkamadaha dalka, mana ogolaan doono in xaqayga la igu waysiiyo in aan Madaxwayne ahay. Ergadaasi sidaas baa ay faro madhnaan kaga soo laabatay, sidaas buuna distoorka u cuskaday.

2. Dhawr usbuuc ka hor, odayaasha beelaha Garxajis oo isku duuban ayaa ergo ugu tegay. Qodob keliya ayaa ay u socdeen, waxa uuna ahaa in ay so oaf jarayaan sheekadii Caarre ee ka dhalatay dirirta soo noqnoqtay ee Ceel-af-wayn, waxayna ku yidhaahdeen sheekadaas waa dhamaynay, nimankii na waa kuu keenaynaa ee istawuu dheh oo salaadda tuki, wayna kugu daba faylayaan. Jawaabtii Muuse waa la ogyahay – isaga ayaa doonaayay jawaabtiisa in la wada ogaado oo video ka duubay, intii aanay odayaashu ka soo bixin na media ha u qaybiyay. Waxa uu yidhi walaalayaal distoorku iima ogola in aan warkiina qaatto, waliba hadii aan distoorka yar jabiyo, ragga qaarkood uun baan jid u heli karaa ee ragga qaarkood oo maleeshiydaas ka mid ah sinaba distoorku ma iigu ogola in aan safka gala ku idhaahdo. Sidaas baa ergadii kaga timid, sheekadaasi na ku saqiirtay, Muuse na distoorka u cuskaday.

3. Hal usbuuc ka hor, madaxdii xisbiga Waddani qaarkood ayaa godka lagu riday iyada oo aan wax nidaam ah oo sharci loo raacin, isla saacado gudahood na Madheera ayaa la geeyay. Muuse-distoor ergooyin badan oo dareensan ku tumashada sharcigu in ay waddanka u darantahay ayaa dhaqdhaqaaq sameeyay, badankoodna waa diiday in uu qaabilo, qaar iyaku diiday in ay albaabkiisa istaagaan na waa jiraan, kuwaas oo culimada u badan, waxaana ka mid ah Sheekh Xassan Cabdisalaan, Sheekh Dirir, Sheekh Maxamed Aadan iyo Sheekh Maxamed Cali Gadhle. Qolyihii samri waayay ee la kulmay waxa uu ku yidhi – xadiga nimankan distoorka iyo sharciga ayaa aan ka taagnahay oo anigu fikir ii gaar ahba kama haysto, dan gooni ah na ma ka lihi. Mar kasta oo la yidhaahdo waxaas maxaa ka waddaa na, distoorka… distoorka… distoorka… ayaa warkiisu dhaafi waayay. Hadda ergadii u dambaysay berito Isniinta ayay u tegaysaa, waxayna diyaar u yihiin in ay indhahooda ku soo arkaan, oo dhegahooda ku soo maqlaan sida uu Muuse distoorka ugu adagyahay. Waxa ay doonayaan in ay soo ogadaan xaqiqada ah in uu distoorku Muuse madaxa u saaranyahay, oo far madow, oo xaashiyo madow ku dhigan uGu qoranyahay, meel madow na ku akhriyo hadh iyo habeen.

Somaliland ba sidan ma ahaateen ee waxa halkaas dhigay madax aan distoorka ku adkayn. Somaliland waa dhaqaaqday.