Muuse muxuu farta u lulaa? (WQ: Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf “Zaciimka”)

 

Siyaasigu maaha ruux la mid ah dadka caadiga hadday noqoto hadal, iyo hadday ficil noqotaba. marka la joogo goobaha fagaarre ka hadalka, shacabku waxa ay faaqidaan hadalka ninka siyaasiga ah iyaga oo kolba dhinac iska taagaya, waana wax saxan agtayda, sidoo kale waxaa la mid ah ficilada ay sameeyaan ee u gaarka ah in la gorfeeyo lana niqaasho, iyada oo qaab sariigasho leh loola wadaago bulshada, dhalaax qaadkuna meesha ka madhan yahay, markasta waa in illaaliyo xaqa qofnimo, diinta iyo dhaqan kuwaas oo ah dabar iyo dayr lama dhaafaan ah.

Fagaarre ka hadalka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ficil uu leeyahay inbadan Muuqbaahiyaasha aan aad uga arko ayaan jeclaystay in aan wax ka idhaa, waana Farta oo la go’do, lana lu’lo iyo Xidhiidhka Kasmo-nafeed ee ka dhexeeya.

Macnaha iyo qaababka faraha loo isticmaalo dunida waa ku kala duwan yihiin, waddan kasta qaab goonni ah ayaa loo isticmaalaa, tusaale haddii farta murdisada iyo suulka la isku qabto goobo oo kale laga dhigo inaga Somali ahaan waa cay, halka Waddanka Hindiya ay ka tahay hanbalyo iyo fiicni ka tahay gaar ahaa marka uu ruuxo labbisan yahay ayay farta murdisada iyo suulka isa saaraan asal iyo qurux dhiiri galnin oo kale ayay u adeegsadaan, waxaa jira noocyo kale oo kala duwan faraha loo adeegsado Samaan iyo wanaag mid walba.

Dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta ee dunidda ka jira ayaa iyaguna faraha gacmaha habab kala duwan u adeegsada. Ururka Falastiiniyiinta ayaa taaga laba farood Murdisada iyo Far-dhexada iyaga ulla jeeda guul ama “V” oo u taagan “Victori”.

kacdoonkii Gu’gu Carabtu Gu’gii” uu bilawday kana Curtay Dalk Dalkka Masar Ikhwaaniyiintii Xoogga laga tuuray Xukunka markii ay isugu soo bixi jireen Maydaankii magaca waynaa ee “Raabi- Cadawiya” ayaa marka ay balamayaan afar farood taagi jireen iyaga oo u jeeda waa inoo Raabical Cadawiya.

Sababta uu Muuse Farta u go’do una Lu’lo ama ruux kasta ficil kan leh marka uu Hadlayo maxay tahay?, maxay tahay macnaha Kasmo-nafeed ee ka danbaysa ruxista farta marka uu qofku hadlayo? Ma kalsooni darraa? ma diktaytarnimaa? Mise Waa Fartii keebka la qabsatay? dhammiba Waydiimahan jawaabahooda ka dhex daalaco qoraalkan dhexdiisa.

Dhaqdhaqaajinta gacmaha ama faraha marka uu qofku hadlayo; waxa ay ka qayb qaadataa fahamsiinta, dareen qiiro galinta iyo muhimadda, waxa uu ruuxaasi sheegayo, amase sharraxayo, iyo kasbasha shucuurka qofka uu wax u sheegayo. tani waa dhinaceeda taban iyo qaar akale oo badan. hase ahaatee, waxaa iyadu ka duwan in farta uu ruxo ruuxa hadlayaa.

Saddexda farood iyo Suulka oo aad duubto, farta murdisada ahna taagto, ama fiiqdo, kadibna ruxdo, Waxa ay sheegaan Culimada Kasmo-nafeedku in ay tahay dhawr arimoo mid uun.

  1. Hanjabaad iyo goodis, taas oo salka ku haysa kali talisnimo.
  2. Kalsooni darro nafsi ah, Kalsooni darradaas oo lagu dhex qarinayo dhaqdhaqaaq iyo Farta oo uu ruuxu ruxo.

Khubarada aqoonta Kasmo-nafeedka aqoonta Sal-aroorka dheer u leh, waxa ay leeyihiin “dhaqdhaqaajinta gacmaha iyo faraha marka uu ruuxu hadlayo waxa dabada ka riixya dareen kasmo-nafeed” oo noocyo kala duwan leh. Sidoo kale waxa ay leeyihiin “qofna maanta dabcigiisa lama garan waayi karo qaabka uu yahay dabcigiisa qarsoon. waxa kaliya la darsayaa qaabak uu gacmaha iyo faraha u dhaqdhaqaajiyo. waxa loo yaqaan ficil-jidheed ama “body languege” waana ilaha koowaad ee ay adeegsadaan Culimada nafsigu marka ay rabaan in ay taxliiliyaan habdhaqanka qarsoon ee aadamaha,iyo waxa uu yahay habdhaqankiisa dihini.

Luqad jidheedku ama waxa loo “Body Languaege” waa cilmi xidhiidh dhaw la leh cilmiga “Sphyology” oo ah Af Soomaali ahaan noqonaysa Kasmo-nafeed. in uu cidiyaha cuno, in uu gacanta dhabanka saarro, in uu labada gacmood isasaarto, in uu jeebadaha gacmaha galiyo, in uu farta ruxo, in uu gacmaha dhaqaajin waayo, in gacmaha sujuuda saaro.mid kastaaba qaab iyo noociyad gaar ayay ka turjuntaa.

Khubarada aqoonta dheer u leh kasmo-nafeeda waxa ay tibaaxeen noociyadda aftahanimo, hogaamineed, akhlaaqeed,habdhaqan ee ruuxa in laga garan karo qaabka uu u dhaq-dhaqaajiyo ee gacmaha iyo faraha gacmaha sida uu u adeegsado.

Ugu danbayn jidhka aadamahu Waa hal-xidhaale qarsoon ayaa la yidhaa, hase ahaatee hal-xidhaalahaa waxaa la furfuraa lana darsaa, marka uu dhaqdhaqaajiyo gacmaha ama uu fiiqfiiqo gacmaha ayaa la ogaan karaa rasmiyan dabciyada dahsoon ee ruuxa.