Hoggaamintii, hab-dhaqankii iyo hibooyinkii AHUN M.X.I Cigaal. Q1aad (WQ: Fu’aad Cabdillahi Xasan)

 

Tusmuu uunku kala leeyahee teenanaa simane

Dad kale ninkiisii wax tara waa tix galiyaaye

 Idinkuna caqliga taabudka ah waa ku tumatane.   

AHUN Xaaji Aadan (Af-qalooc).

Tusaale iyo ku dayasho waxaa ugu mudan Nabigeenii Suubana Maxamed CSW iyo Asxaabtii RC, waxaa soo raaca hogaamiye kasta ama qof kasta oo horseeda wanaag,kuna haboon in lagu daydo.  AHUN Cigaal waxaan aaminsanahay inuu ka mid ahaa hogaamiyayaasha naadirka ah ee aduunka soo maray, Isla markaana tusaale fiicanm role-model u noqon kara Jiiilasha danbe.

Qof kasta ama Siyaasi kastaase ma noqon karaa Hogaamiye (LEADER) ? Jawaabtu waa MAYA, Hogaamiyenimada inkasta oo la barto hadana badankeedu waa dhalasho iyo hibo ilaahay bixiyo in la iska yeelyeelana ay adag tahay, waxaa jira xeerar loo aqoonsan yahay hogaamiyenimada wanagsan, kuwooda ugu muhiimsan waxaa ka mid ah, Kalsooni, Karti, Garasho-dheeri, Run-sheegnimo, Dulqaad, Daacadnimo, Cadaalad, Aftahanimo,  Aqoon iyo Deeqsinimo. Baadhis badan kadib, Cigaal waxaa isoo baxday inuu lahaa dhamaan Sumadaha loo aqoosan yahay  hogaamiyenimada Sifooyinkaas iyo Sida uu cigaal ugu sifoobay waxaan kusoo qaadan doonaa qoraalkan oo taxane ah qaybihiisa danbe.

Dr Mohamed Cabdi Gaboose oo ah dhakhtar ku xeeldheer xanuunada maskaxda, mudo badana kusoo jiray  siyaasida Somaliland, Lana soo shaqeeyay dawladihii kala  duwanaa ee Somaliland iskaga danbeeyay, mar  uu sifaynayay guusha uu hogaamiyaha wanaagsan horseedi karo  wuxu yidhi “ Dhakhtarka wanaagsan wuxu maalintii dawayn karaa ugu badnaan 10 qof laakiin Siyaasiga wanaagsan wuxu dawayn karaa kumanaan qof”  Siyaasigu shacabkiisa si uu  ugu horseedo guul waxa daruuri ah inuu leeyahay xirfad hogaamin oo dhalasho, Xirfad hogamin oo aqooneed,  in uu yeesho hogaamiye uu ku daydo (ROLE MODEL). In siyaasugu yeesho hogaamiye uu ku daydaa waxay ka  taageeraysaa una fududaynaysaa  helida wadada iyo gaadhida guusha uu hiigsanayo.

Cigaal waxa uu ahaa siyaasiga kali ah ee Soomaaliyed ee loo aqoonsan karo inuu ahaa HOGAAMIYE mudan ku dayasho, mar ka loo eego hogaamintiisii, waxqabadyadiisii iyo habdhaqankiisi mudo rubuc qarni ah oo uu kusoo jiray Siyaasada.

Taariikh kooban AHUN Cigaal

AHUN M. X. I Cigaal waxa uu 1929 ku dhashay degmada oodweyne, wuxu ku barbaaray gobolada Togdheer iyo Sahil, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisii hoose, halka waxbarashadiisii jaamacadeedna uu ku qaatay dalka Ingiriiska, isagoo bartay aqoonta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Cigaal waxa uu siyaasada ku bilaabay yaraan isagoo 27 jir ah, mudo gaaban gudaheed wuxu noqday Xoghayihii guud ee xisbigii SNL ee halgamayay xornimada Somaliland, Ilaahaw ka sokow waxa uu ahaa hogaamiyihii ka midho dhaliyay halgankii xornimo doonka, gacantiisana ku saxeexay in ay Somaliland xornimo qaadato.

26 June 1960 Cigaal waxa uu hogaaminayay waftigii saxeexay in Somaliland la midawdo Somalia, taas oo ka turjumaysay dareenkii shacabka Somaliland ee wakhtigaasi halka xaga Somaliya aan midnimada aad looga xiisaynayan ama looga dareemin.

Cigaal waxaa uu dawladii Somalia kasoo qabtay jagooyin kala duwan oo iskugu jiray Gudoomiye, Wasiir, Raysal wasaare, Danjire. Laba jeer oo kala danbeeyay ayay xidhay dawladii Siyaad Bare, waxa uu jeel ku qaatay mudo dhawr iyo toban sano ah. Markii ay Somaliland xornimadeedii la soo noqotay 1991 Cigaal waxaa 1993 Borama  loogu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.

AUH Cigaal intii uu ku jiray Siyaasada Caalamka waxa uu  hirgaliyay  guulo waawayn oo la taaban karo, guulahaasi waa kuwa uu ku  kasbaday taariikh wanaaga uu ifka kaga tagay.

Dul-ka xaadiskaasi u dhaafi mayo taariikhda Cigaal, waayo Cigaal in taariikhdiisii  wax laga qoraa waxay u baahan tahay baadhis iyo dadaal  badan. waxaanse qormadan oo taxane noqon doonta  ku falanqayn doonaa shaqsiyadiisii (Hogaamintii, Hibooyinkii iyo Habdhaqankiisii) Inkatoo ay adag tahay iyada lafteedu. Boobe Yusuf Ducaale oo ah qoraa ku talax tagay taariikhda iyo Suugaanta Somaliyed wuxu yidhi  “Ma hawl yara sida Cigaal wax looga qoraa” Arintaasi waan la qabaa Boobe  balse taasi iga baajin mayso inaan si kooban uga faaloodo intii karaankayga ah shaqsiyadii Cigaal iyo qaabkii hogaamineed ee mudan in lagaga daydo anigoo tixraaci doona  Buugaag, Qoraalo,  wixii ay ka sheegeen Qoyskiisii, aqoonyahano iyo Siyaasiyiintii wax ka yaqaanay ee lasoo shaqeeyay.

La soco Q2aad.

Fu’aad Cabdillahi Xasan

Fuaad_phy@hotmail.com

Qalinmaal.blogspot.com

Hargeisa, Somaliland