Muxuu macron ka rajaynayaa booqashada uu ku yimid geeska afrika? (WQ: Rashiid Odowaa)

Madaxweynaha waddanka France ayaa booqasho ku yimid Waddanka jabuuti iyo waddamo ka mid ah Geeska Africa Sida Kenya iyo Ethiopia,waana markii ugu horraysay muddo sagaal sanadood ah ee Madaxweyne faransiis ahi yimaaddo Jabuuti.

Gobolka geeska Afrika ayaa ah meel aad iyo aad muhiim u ah xagga Siyaasadda,dhaqaalaha.Ciidanka.iyo isu socodka aduunka haba ugu sii muhiimsanaato Jabuuti oo ah marinka isku xidha badda cas iyo badda dhexe si kale haddan u dhigno waa mrinka isku xidha adduunka oo dhan waxa ku yaalla marinka loo yaqaan Baab Al-Mandeb oo muhiim u ah isu socodka qaaradaha Adduunka.
Jabuuti waxa ku yaalla saldhigga ugu way nee Faransiisku ku leeyahay Africa,waxana ka jooga askar tiradooda lagu qiyaasay 1,400 askari waxayna yihiin ciidanka cirka dhamantood waxyna qayb ka yihiin (French armee d Afrique),shaqadoodu waa inay difaacaan danaha Faransiiska ee geeska afrika iyo afrikaba.

Maraykanka ayaa Saldhig military isaguna ku leh Jabuuti kaas oo ay u adeegsadan howlgallada ay ka sameeyaan Yemen iyo Somalia,Waxa kaloo ka mid ah Japan iyo talyaaniga waddamada iyaguna Saldhigga military ku leh Jabuutti.

MARAYKANKA OO KA AAMUSAY IS BALLAADHINTA SHIINAHA.

Haddaba halka ay sartu ka qudhuntay ayaa ah Shiinaha oo Faras dheereynaya wata ayaa isaguna aldhigii military ee ka baxsan meel gurigooda ah ka furtay jabuutti 2013kii waxa uu ku kacay saldhigan dhismihiisu US$590 milion waxa kaloo china ay dhisayaan waddo isku xidha Jabuuti iyo Ethiopia (one belt one Road) Sidas oo ay tahay ayaa dadka falanqeya arrimaha Siyaasaddu waxay leeyihiin maraykanku wuu ka aamusay wax uu ka damcayna lama oga,dadka qaarkood ayaa Rumaysan in China uu rabo inuu ganacsi hoose oo Hubka ah Afrika la samaysto.wuxuse China ku doodaa inuu arrinkiisu yahay Ganacsi ee aanu belaayo doon ahayn hase ahaattee uu ganacsiga iyo maalgshiga ku xoog bato,siyaasaddan oo loo yaqaan (Soft power). Hase ahaattee dhinaca kale wuxuu muujinayaa inaanu faraha laaban doonin haddii la gujo gujeeyo.

MAXAA JABUUTI UGU JIRA BOOQASHADA MACRON?

Xilligan waxad mooddaa inay jabuuti ku jirtay cidhiidhi Siyaasadeed dhinaca geeska Africa sababtoo ah jabuuti waxay sheeganaysaa in 13 askari oo nool ay ka haysato Eritrea isla markaana dhulka loo yaqaan (Ras –Dumeera) uu ka maqanyahay, sidaas oo ay tahay ayaa Dhowaan UN ka qaadday Cuno qabatayntii saarnayd arrintaas oo jabuuti u qaadan waa ku noqotay ka dib markii ay heshiiyeen Eritrea iyo Ethiopia oo colaad qotto dheeri ka dhaxaysay.waxad mooddaa in dhinac laga wada maray.

In kastoo aanu macron wax maalgashi ah u saxeexin jabuutti, haddana Waxa la is odhan karaa xilligan jabuuti Hiil way u baahnayd iyo cid is ag taagta,waxanu Madaxweynaha Faransiisku muujiyay inuu garab taaganyihiin jabuuti“Madaxda jabuuti waa inay naga fishaan inan rabno inay hoggaanka u qabtaan dib u dhiska Gobolka” hadalkaas waxa yidhi Macron ,taas oo macneheedu yahay ha moodina inaan idin illownay.waxa kaloo ay fariin u noqonaysaa in China ogaado in jabuuti iyo Fransiiska Saaxiibnimo soo jireen ahi ka dhaxaysay ee aanu u qaadan meel uu Cidla ka helay.

Marielo de sarnez oo ah xildhibaan ka tirsan parlamaanka faransiiska ayaa cod dheer ugu baaqay Xukuumadisa “waa inaan xoojinnaa joogitaankeenna dhaqaale, dhaqan iyo Military ee Gobolka geeska Africa”
Dhinaca kale Madaxweyne macron ayaa heshiis maal gashi oo 2.6 bilion ah la saxeexday waddanka Kenya waxa kaloo uu Ethiopia ku dhwaaqay inuu ka kaalmayn doono dhisitaanka Ciidan badeed in kastoo aanay Ethiopia bad lahayn arrinta Kenya ayaa u muuqatta inuu Faransiisku soo ceshanayo Saamayntii uu Afrika ku lahaa gaar ahaan waddamada ku Hadla Afka ingiriiska Waxa xusid mudan in Ingriiska iyo Fransiiska Cadaawad hoose ka dhaxayn jirtay oo ah Tartan xagga Dhaqanka iyo Luqadda ah lkn aan inta badan la dareemin.

MAXAA FARANSIISKA UGU JIRA FAAIIDO GEESKA AFRIKA?

Waxa muuqatta inuu Faransiisku leeyahay maan maqnayn ee waan joogaa,waxan ahay quwad adduunka iyo Afrikaba saamayn soo jireen ah ku lahaan jirtay Imikana ku leh,Si kastaba arrintu ha ahaato e waxa ka muuqda meesha inuu Tartankii shiinaha lagula jiray sii xoogaystay,lamana garan karo inay Maraykan iyo Faransiis hoos iska ogyihiin iyo in kale waase waddamo reer Galbeed waligoodna iskaashi naf iyo maal lihi ka dhexeeyay.waxana suurto gal ah inay hoosta ka wada socdaan si loo cidhiidhyo Isbalaadhinta shiinaha ee Afrika.

GEESKA AFRIKA

Geeska Afrika oo siyaasaddiiu is beddel badan keento mar walba oo aanay xaaladiisu deganayn waxa fiican in mar kastaba indhaha lagu hayo Fursad kasta oo ka soo baxdana waa muhiim in laga faaiidaysto,wixii shar keeni karana waa in laga digtoonaadaa.
Somalida ayaan wax talo ah ku lahayn geeska Afrika oo sababtoo ah Waddanka Somalia waxa loo yaqaan waddamada fashilmay ka ugu sii liitta,haddii aan dhinaca Somaliland ka istaagno aqoonsi la aanta ayaa caqabad ah lkn wixii dadaal ahi waa halkiisa waxana wacan in mar kastaba wixii ku soo kordha geeska Afrika si dhow loola socdo.
Waxa kaloo la isweydiin karaa Quwadahan iskugu yimid Geeska Afrika ma wada shaqayn iyo is faham ayaa iman doonta mise is maandhaaf iyo Hirdan taas oo iyaduna dhibkeeda leh.

Rashiid Odowaa
Khaddarsalaan@gmail.com
063-4101213