Nadaafada, deegaanka iyo tirada caruurta: Saamayn intee le’eg ayay ku leeyihiin Difaaca Jidhka? (WQ: Dr. Cabdikarim D Xasan)

 

Prof. David Strachan  wuxuu ahaa bare-sare oo wax ka dhiga kuliyada cilmiga bulshada iyo faafida xannuunada (Department of Epidemiology and Population Sciences) ee Jaamacada London School of hygience and Tropical Medicine. Sanadkii 1989 kii ayuu soo bandhigay cilmi baadhis uu mudo dheer waday oo ku saabsan kor u kac uu ku arkay xannuunada xasaasiyada, xiiqda, iyo sanboorka ee da’yarta bulshada ingiriiska.

Cilmi baadhistiisa wuxuu kusoo geba-gebeeyay in sadexda arimood ee kala ah; Xannuunada infakshanka ee faafa, Hab-nololeedka qoyska iyo daryeelka deegaanku saamayn xoogan oo sababeed kuleeyihiin xannuunada xasaasiyada.

Isagoo taa sii sharaxaya waxa uu yidhi  “markii xannuunadii keeni jiray infakshanka ee ka dhalan jiray bakteeriyada iyo jeermis-yada lala dagaalamay ee intoodii badnayd laga tirtiray bulshada, isla markaana uu koray wacyiga dadka ee nadaafadu, iyagoo gaadhay heer ay ku khafiifaan iska ilaalinta xannuunada; ayay taasi keentay in si aan hore u dhici jirin ay u kordhaan xannuunada Xasaasiyada, Sanboorka iyo xannuunada ka dhasha khalkhalka difaaca jidhka ee loo yaqaan (Auto-immune diseases).

Aragti cilmiyeed (Scientific theory) uu u bixiyay “The Hygiene Theory” ayuu kasoo saaray cilmi baadhistiisaas. Aragtidaa oo ka duulaysa dhowr fikradood oo ah:-

  1. Xidhiidh iswaydaarad ah (Inverse relationship) ayaa u dhaxeeya xannuunada ay keenaan xannuun-dhaliyaha bakteeriyada iyo xannuunada xasaasiyada. Wadamada yurub iyo waqooyiga ameerika ee ay ku yaryihiin xannuunada caabaqu ee kuguulaystay in si wayn u cidhib tiraan, waxaa ku batay xannuunada xasaasiyadaha ( Allergic diseases) iyo kuwa la xidhiidha difaaca jidhka (Auto-immune diseases).
  1. Waxa xidhiidh ka dhexeeyaa nadaafadda, tirada caruurta, iyo heerka dhaqaale ee qoyska iyo xannuunada xasaasiyada iyo kuwa difaaca jidhka. Markasta oo qoyska iyo bulshadu ku talax-tagaan la dagaalanka Jeermisyada ( sida adeegsiga kemikada nadiifinta), tirada caruurta qoyskuna yaraato,dhaqaalaha qoys-kuna kordho waxaa sii bata xannuunada xasaasiyadaha iyo difaaca jidhka.
  1. Faa’iidooyinka tirada badan ee Bakteeriyada aan dhibka lahayn (normal flora) ee jidhka dadka ku nool (sida afka, sanka, maqaarka iyo caloosha) ay qabato waxa ka mid ah in ay caawiso difaaca jidhka. Waxay fududaysaa in unugyada dhifaaca jidhku kala bartaan Jeermiska xannuun dhaliyaha ah iyo walxaha dabiiciga ah ee ku badan deegaanka. Hadii bakteeriyadan la dilo waxay dhib u keenaysaa qofka.

Aragtidiisa Prof. David Strachan wuxuu ku fasiray in jeermis-yada (Bacteria and Parasites) keena xannuunada kala duwan ee mudada kooban qofka haya, ay tababaraan oo ay layl-yaan difaaca jidhka qofka, gaar ahaan mudada uu ilmuhu yaryahay ee jidhkiisu uu wali koraayo, nidaamka difaaciisunaa uu wali waayo arkayo.

Wuxuu ku dooday in caruurta waawayni ay guriga keenaan jeermisyo kala duwan, kadib ay u gudbiyaan kuwa yaryar, taasi oo dhici karta celcelis ahaan in 12 goor sanandkii ilmuhu xannuun yar oo fudud oo aan inta badan la dareemin qaado. Xannuunadaa tirada badan ee infakshanka ah waa fariimaha ugu qaalisan ee difaaca jidhku helo.

Unugyada difaaca jidhku waxay kala bartaan noocyada kala duwan ee jeermis yada, waxay sii kala fahmayaan sida ay ukala khatar san yihiin, waxay dulqaad u yeeshaan inbadan oo si fudud lagaga nadiifin karo jidhka, waxa kale oo ay kala bartaas jeermis-yada ka samaysan barootiino dhismahoodu shabaho barootiin-nada dabiiciga ah ee  jidhka. Barashada iyo hayin-noqoshada difaaca qofku waxay socotaa inta ilmuhu gaadhayo da’da u dhaxaysa todoba ilaa toban sano. Intaa wixii ka danbeeya hoos u dhac wayn ayaa ku yimaad.

Waxa kale oo muhiim ah in difaaca jidhka qofku sii xoogaysto oo takhasusyo yeesho marka qofka da’diisu sii kortoba. Dooda uu Prof. Strachan halkaa kala soo baxay waxay tahay in; marka Ilmaha laga ilaaliyo jeermis-ya ee la yareeyo Is-aragaa dhexmaraya difaaca jidhka koraya iyo jeermiska, waxa la wiiqay koritaankii difaaciisa.  Taas macnaheedu maaha in aan la is nadiifin oo uskaga la caashaqo, waxa laga digayaa xad-dhaafinta iyo in kimiko aan loo baahnayn la caadaysto.

Haddaba sidee xidhiidh u leeyihiin difaaca Jidhka ee koritaankiisii la arbushay iyo xannuunada xasaasiyada iyo difaaca jidhku ( auto-immune diseases)?.

Jawaabtu waxay tahay, marka ilmuhu koro, ee uu la kulmo walxo badan, oo aan caadi ahaan xannuun keenin- sida; manka ubaxa geedaha ( pollen), ugxanta cayayaanka (mite eggs) boodhka guriga ( House dust)- laakiin jidhkiisu aanu hore ugu tabo baran, waxa dhacda in jidhku si xad-dhaaf (over-exaggerated immune response) ah uga jawaab celiyo walxahaas. Falcelin taasina waxay dhaawacda jidhka qofka. Waxa kale oo jira , walxo iyo jeermisyo badan oo leh barootiino samaysankoodu metelo barootiino laga helo xubno ka midd ah jidhkeena.

Taasi oo keenta in iyadoo difaaca jidhku isleeyahay barootiinka qaloodiga ah baabii in uun weeraro oo dhaawaco xubno muhiim ah oo jidhka ka midd ah, arinkan waxaa tusaale fiican u noqon kara xannuunka macaanka nooca kobaad ( Type 1 DM) oo la rumaysan yahay in iyadoo difaaca jidhku isleeyahay shay qaloodi ah la dagaalan uu dhaawaco Unugyada sameeya Insulinta ee loo yaqaan (Beta cells) ee laga helo uun bankariyaaska.

Waxaa kale oo tusaale yaal ah xannuunada looyaqaan (Inflammatory bowel diseases),( Coelic diseases) iyo qaar kale.

Hasa-yeeshee sida bulshada saynis yahanku caanka ku tahay Prof. Strachan waxaa lagala horyimid dood adag, waxa lagu qaaday guluf xoogan oo lagu burinaayo cilmi baadhistiisa iyo sida uu usoo dhirin-dhiriyay doodiisa                  (Research Methadology) iyo ugu danbayntii aragtida uu kusoo gunaanaday cilmi-baadhistiisa.

Taasi waxay keentay in aragtidiisii “The hygience theory” ay saamayn buuran yeelan waydo oo mudo dheer daahsaarnaado.

Aragtidii Prof. Strachan waxay soo noolaatay dabayaaqadii 1999, markaas oo koox cilmi baadhayaal ahi ay isku dayeen inay tafsiir caqli gal ah u helaan kor u kaca xoogan ee xannuunada Macaanka nooca 1aad (T1DM),iyo xiiqda (Asthma)  ee wadamo badan oo yurub ah. Cilmi baadhisahaas oo  sii xoogeeyeen una markhaati furay aragtidii Prof. Strachan.

Maxaan uga sheekaynayaa Aragtidan iyo taariikhda ay soo martay?. Cilmiga caafimaadka dawo kasta oo lasoo saaro, tallaalkasta oo la hindiso, baratakool kasta oo la dejiyo waxaa ka horaysay cilmi baadhis, taariikh, dowlado iyo hay’ado is muquuninaya, aqoonyahan tartamaaya oo is ximinaaya, rag iyo dumar cimrigooda ku bixiyay in ay xal u helaan dhibaato bani’aadamka culays ku haysa. Sidaa darteed in taariikhda dib loogu noqdo oo laga sheekeeyaa waxay kuu sii iftiiminaysaa sawirka laga yaabo in aad ka haysato caafimaad, waxay ku dareensiinaysaa in tallooyinka caafimaadku aanay ahayn qodoba la mala awaalay ee ay ku qotomaan cilmi baadhis iyo xaqiiqo la tijaabiyay.

Doodaasi waa mid cilmiyeed oo wali socota. Waa lasii balaadhiyay oo lasii faahfaahiyay, waxaanay hadda leedahay miisaan aqooneed oo muctabar ah. Waxa jira in lagu saleeyay talooyin caafimaad oo loo jeedinaayo hay’adaha bixiya daryeelka caafimaadka iyo bulshada guud ahaan, gaar ahaana qoyska.

Iyadoo cilmi-baadhistaa iyo kuwii kasii farcamay la tixraacayo waxaa lagu taliyay:

  1. In la yareeyo adeegsiga saabuunaha xoogan ee wax lagu nadiifiyo ee dili kara jeermis-yada aan dhibta lahayn, sida kuwa lagu maydho weelka, dharka ama lagu nadiifiyo guryaha.
  1. In aan dawo degdeg ah loo raadin, ee la baxnaaniyo xannuunada sida durayga iyo calool xannuunka fudud ee caruurta, gaar ahaan in laga digtoonaado daawooyinka antibiotics.
  1. In lagu dhiiri geliyo caruurta in ay la falgalaan, sahamiyaan deegaankooda, sida dhirta, ciida, dhagxanta iyo waliba in ladhiiri geliyo isdhex-galka ubadka ee dugsiyada iyo meelaha lagu ciyaaro oo aan la kantaroolin iyadoo laga werwersan yahay in ay bukoon doonaan.
  1. Waxa haboon in tallaalka iyo faya-dhowrka deegaanka loo adeegsado si looga hortago xannuunada faafa.
  2. In dowladuhu xooga saaraan nadaafadda ilaha biyaha iyo cuntada ( Food and water sources and supply hygiene).

Gebagebadii qormada yar ee ka hadlaysa tariikhda ay soo martay mid kamid ah aragtiyaha caafimaadka bulshadu waxay ina faraysan in aan laba arimood faham sax ah u yeelano.

Ta koobaad oo ah in aynaan sas ka qaadin koritaanka dabiiciga ah ee ubadka, oo aynu fursad u siino in ay caruurnimadooda qaataan. Waa in aynaan ku kadsoomin daawooyinka loo xayaysiiyo in ay cidhib tirayaan jeermiska kuwaas oo dhib u gaysan kara caafimaadka.

Arinka labaad, waa in aynu ogaano in bulshona aanay caafimaad qabayn hadii aanayn daryeelin deegaankeeda. Ilaalinta deegaanku waa qaybta ugu muhiimsan ee ilaalinta caafimaadkeena. Daarada guriga oo aad dhiitool iyo jaafeel ku maydho waxaa ka muhiimsan qashinka oo aad ka fogayso wajahada guriga, dariiqa dadka iyo derbiga dugsiga.

Hadii uu ilmahaagu helo biyo nadiif ah, hawo nadiif ah iyo cunto nadiif ah uma baahna in dawo degdega ah aad u raadiso dawo aad ku dembabasto duray yar oo uu la hindhisaayo; waxaaba suuro gal ah in uun ka faa’iido duraygaa.

Akhristaha jecel in uun sii tixraaco maqaalka waxaan halkan ku lifaaqay sadex kamid ah marjicyadii aan kasoo xigtay qayb ka mid ah macluumaad ka maqaalkan ku qoran, waa research articles ku saabsan mawduuca.

(WQ: Dr. Cabdikarim D Xasan)

  1. https://onlinelibrary.wiley.com/doi/full/10.1111/j.1365-2567.2008.03009.x
  2. https://www.medscape.com/viewarticle/842500
  3. https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC2841828/