Ninkii Caruurtiisa ku hinaasay (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Nin baa wuxu ku soo qoray Hadhwanaag news, sababta uu xaaskiisii u furay, runtii maqaalkaas qalbigayga aad ayuu u taabtay.

Horta bari hore ayaan akhriyay marka ay lamaanuhu is guursadaan, in gabadhu ninka aad u kool kooliso, inta ayna carruur meesha iman, laakiin marka ay carruur meeshii timaad ay kool koolinta u badiso xaga caruurta.

Markaa waxa dhacda in ninkiii doqonka ahaa ama garaadgaabka ahaa hinaaso, oo uu gabadhi ama dhibo, ama gurigii burburiyo.

Arintan waa wax dabiici ah raga oo dhan way soo martaa, soomalidu waxay tidhaa geel laba jir soo wada mar, laakiin doqonka iyo garaad gaabka ayaa arintaa gabadha ku soo korodhay ka ficil qaata.

Ninkan maqaalka inoo soo qoray wax cusub inamuu sheegin kaliya wuxu inoo sheegay:-

  1. Inu garaad gaab yahay,
  2. Inu gabadh wanaagsan furay oo carruuteeda u roon, oo tolow muxu ka doonayay mar hadii ay carruurtiis si fiican ugu dhaqysay, cajiib, qaar doqmo ah ayaa laga hayaa naaskaa aniga iyo carruurtu wada yeelan mayno.
  3. Iyo inu shaqadii ibliis qabtay, waayo? shaqada ugu wayn ee ibliis qabtaa waa guri uu dumiyo.

Waxa hubaal ah in uu in badan dib uga tiiraanyoon doono, ficilkaa xun ee uu sameeyay, gabadhaa wanaagsan ee uu xumeeyayna waxan illaahay uga baryayaa in badal khayr qaba siiyo.

Nuur Xaaji Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com