Nin ku yidhi sinaan mayno adna diid sareyntiisa Q1aad (WQ: Cabdi Caawiye)

 

Waxaa hubaal iyo marag madoonto ah wixii wadankan kazoo dhacay ee dil lahaa, ee dumin lahaa, ee awood ku muquunin lahaa, ee kufsi ahaa, ee tacadi lahaa, oo ay ragii gaystay maanta nool yihiin una soo bu,ayaan JAMHUURIYADA BARAKAYSAN EE SOMALILAND iyagoo ina leh walaalahayo malaha walaalnimada ayeynu laba macne u kala naqaanaaye.

Bal hada u fiirso dulmiga ay rabaan iyo sida ay u rabaan in mar kale  iyadoo la kala tagay in dadka REER SOMALILAND ayna talaabo horumara u qaadin una rabaan inay baabiiyaan nidaamkaa dawladnimo ee nabada iyo wanaaga ku nool tusaale

Sheekh Shariif F

Xasan Sheekh Maxamuud

Maxamed Cabdilaahi “Farmaajo”

Iyo Xasan Cali Khayraba

Waxay qalinka ku duugeen in dawlada EITHIOPIA ay ciidamadeeda keento saldhigyo waaweyna ka samaysato dhulka DAWALADA AAN ISKEED ISKU MAAMULI KARIN EE SOMALIA una soo galaan xiliga ay doonaan kana soo galaan goobta ay doonaan.iyadoo sidaasa ayaa SOMALILAND waxay maalgashi la gashay dawalada UAE oo ay saami maalgashiga iyo wax soo dajintana ka siisey dawlada ETHIOPIA  markii dawladii AAN ISKEED ISKU MAAMULI KARIN EE SOMALIA ay ogaatay taasi waxay bilowda in sida fiinta looga ooyo oo ay hadalo diciifa iyo waraaqo aan shaqaynayn u gudbiyaan JAAMACADA CARABTA oo aan iyaduna tamar ahaanba dhaamin Somalia.

Haddaba iyadoo sidaasa waxaa suaashu tahay Somalia maxay u aqbali ladahay maalgashiga Somaliland?

Waxaa hubaala in aanay doonayn in Somaliland ay talaabo horumara qaado.

Mana rabto in ay wax noqoto sidaa si la mida dadka reer Somaliland waxay iyaga iyo dawladooduba lee yihiin  ‘’ Nin ku yidhi sinaan mayno adna diid sareyntiisa’’.

Lasoco ……..