Ninkii i guursaday, wax walba oo noloshiisa ah, waa uu iga qariyey! Q4aad (WQ: Khadar Ibraahim Aar)

Qisooyinkan noocan ahi ,waa kuwo ku badan bulshadeena aadna uga dhex dhaca, isla markaasi waxa ay u baahan yihiin in casharo laga barto, balse aan sheeko ahaan ama madadaalo aan loo qaadan.

Waxaa halkii inooga sii socon doonta, sheekadeenii, taasi oo inoo maraysay, gabadhii yarayd oo ku guulaysatay in ay suuqa badhtan kiisa ka qabato wadaadkeedii oo mudaba dhuumalaysi kaga jiray.

Waxa kalee oo iyadana aynu ka warhaynay in labadoodiiba la isku geeyay saldhig boolis oo meesha ka dhawaa kadib markii dadkii iyo Booliskii goobta ugu yimi ay kaxeeyeen wadaadkii oo xaalkiisu kacsan yahay.

Markii saldhigii Boliska la geeyay isla markana ninkii askariga ahaa oo xafiiska Oobiiga amma diiwaan galinta eedaysanayaasha fadhiyay uu midkastaba uu waydiyay magaciisoo, ayaa wadaadkii waxa uu ku dhawaaqay magaciisii ay u taqaanay gabadhan hadda soo xidhay ee uu ka baxsaday.

Balse waxa meesha si lama filana uga qaylisay gabadhii kale ee uu la socday intii aan halkan lagu soo xidhin, taasi oo ku dhawaaqday sheegtayna in magacaasi uu sheegtay aan la odhan.

Waxa aad aad moodaa in wadaadkii waxogaa uu soo fashil maayo, haddana gabadhii oo hadalkeedii sii wadata ayaa waxa ay tidhi maya ninkan magacan lama yidhaahdo been buu idiin sheegayaa waxaa la yidhaadaa magacaasi.

Waxa isla goobtii ka dhacay waxoogaa buuq ah, gabadhii uu ka baxsaday ee wadada kasoo qabatay waxa ay goobtii saldhiga ka sheegtay waxyabaha ay ninka ku dacwaynayso, waxa kaloo ay soo bandhigtay warqadii Maxkamadda ee baafinta oo iyana sharciyaysan.

Waxa iyaduna sidoo kale markiiba dacwad lama filaan ah bilawday hawenaydii kale ee uu la socday oo u muuqata in ay tahay mid iyada lafteeda uu qabay, balse uu sidii u cadada ahayd iyana uu fayl gooniya u furay(aqoonsi faalso ah)

Madama ay goobti tahay saldhig boolis ,ma jirto wax garnaqa oo ay gali karaan, madaxdii boolisku waxa ay labadii dumar ahaa u sheegeen in madamaa uu kiiskani yahay kiis qoys in ay arin dooda u gudbin doonaan maxkamada ku shaqada leh ee degmada,wadaadkiina waxa lagu tuuray qolka maxaabiista.

Labadii dumar ahaa waxa ay kasoo baxeen sadhigii booliska,waxa ay midkastaba tan kale ka waraysatay waxa ay tahay iyo waxa ay isu yihiin wadaadkan isaga ah, waxaa soo baxday in gabadhan danbe ee la socotay ay tahay mid iyaduna uu xaajigu guursaday muddo kaba yar sadax todobaad.

Iswaraysigoodii awadii waxaa soo baxday in xaajiga isaga ahi uu midkasta oo labadan dumara ka mida uu u sheegtay magac gaar ah, qabiil,shaqo iyo in aanu xaas hore marnaba lahayn amma aanu sooba marin.

Laba casho ka bacdi waxa wadaadkii la gaeeyay maxkamada degmada, waxa iyaguna sidoo kale soo xaadiray maxkamaddii labadii dumar ahaa ee dangalooyinka ahaa ee la kala qariyay.

Waxa lasoo fadhiistay qolkii xaakinta, cid hada maqani ma jirto,eedaysanahii iyo labadii dumar ahaa ee dhibanayaasha ahaaba waa ay joogaan, waxa kale oo jooga eheladii labada dumara, balse ninka cid ka socotaa ma jirto madaama uu marka hore qorshahan uu isagu ku tala galay.

Markii uu ninkii xaakinka ahaa uu gal-dacwadeedkoodii soosaaray,ayaa waxa uu si dhugasho leh uu fiiriyay dhamaan dadkii goobta fadhiyay, waxa ay indhahiisu ka libiq-san wayeen wadaadkii eedaysanaha ahaa, kaasi oo uu u maleeyay in uu yahay nin uu garanaayo.

Xaakinkii intii aanu dacwada gudagalin ayaa waxa ku yidhi ninkii eedaysanaha ahaa,waar hebel ii waran ,ma adigaa ninkan kiiskan loo haystaa? Intaanu wadaadkii eedaysanaha ahaa aanu jawaabin ayaa labadii gabdhood waxa ay dareemeen in magaca xaakinka kasoo yeedhay uu yahay mid saddexaad oo aanay hore u maqal, madama uu labadan dumara midba magac gooniya u sheegtay.

Wadaadkii eedaysanaha ahaa ma uusan hadlin, balse dumarkii ayaa, xaakinkii dib u waydiiyay su’aal ah, guddoomiye adiga oo naga rali ah, ninkan ma aqoon gaar ah ayaad u leedahay? Guddoomiyahii ayaa waxa uu ku jawaabay haa ,ninkani waa nin aan aqaano waana ehelkayga balse ehelnimada aanu nahay ku duudsiyo maayo xaq aad leedihiin.

Waxyar ka bacdi waxa la furay galdacwadeedkii, waxa ay sheegtay gabadhii hore ee inta uu guursaday uu ka baxsaday dhibtii iyo khayanadii faraha badnayd ee uu soo mariyay,waxaa sidoo kale iyaduna ka hadashay maxkamadii gabadhii danbe ee iyadu warmoogta ahayd ee la kulantay qabta,taasoo iyaduna sheegatay khiyaano iyo wax-isdaba-marin aan xadlahayn oo uu kula dhaqmay intii uu qabay.

Waxa markaasi hadalkii qaatay xaakinkii kaasi oo sheegay in ninkani uu yahay nin ay ehel yihiin,waxa uu sheegay magaciisa oo sadaxan, qabiilkasa, waxa uu ka shaqeeyo iyo in uu ninkani yahay nin xaas iyo caruur badan leh.

Waxa meeshii ka cadaatay in gabadh kasta oo uu guursaday uu u sheegtay wax gaar ah,waxa lasoo ogaaday in uu yahay in ku qadhaabta khayanooyinkaasi aan fiicnayn,waxa sidoo kale iyagana maxkamadu soo ogaysiisay kiiska caruurtii uu dhalay iyo hoyadood.

Waxa wadaadkii lagu xukumay ugu yaraan shan sano oo xadhig ah iyo in uu gabadh kasta uu siiyo wixii ay xaq ugu lahayd isla markana uu furo hadii aanay iyagu doonayn,balse ma og tahay in gabdhahii mid ka midii ay tidhi aniga hay furin waxaan ku sugayaa inta aan xadhiga kasoo baxayso.

Guurka Ilahay ayaa baneeyay,ninkuna waa uu guursan karaa laba iyo sadaxba balse waa in uu jidka saxa ah u maraa oo aanu midkaliya khayaano iyo wax-isdaba-marin aanu kula dhaqmin.

Wax-macna ah ma samaynayso boqol magac oo aad marma ku qadhaabataa,hal magac oo aad leedahay ayaa waxkasta oo xalaal ah kuu qabanaaya kuguna filan.

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar