Niyad Jabka Xisbiyada Mucaaridka + Guusha Xisbiga Kulmiye (WQ: Sacad Axmed Cismaan)

 

Waxaan idinku salaamay dhammaan akhristayaasha iyo xiiseeyayaasha Maqaalkan salanta ay isku salaam dadka jannada (Ahlu jannada) ee ah Asalaamu Calaykum Waraxmatu laahi Wabarakaatu  hadii aan soo goobo maqaalkeygu wuxuu manta daaranyahay

Waxaa muddooyinkii u danbeyay lagu jiray olole aad u balaadhan kaas oo xisbi waliba soo jiidanayo taageeryashiisa kala duwan si u hanto qalbiyada bulshada Somaliland isla markaana xisbi waliba balan qaadayay waxaa u qaban doono shanta sano ee soo socda marka uu ku guuleysto dooroshooyinka Somaliland ka dhici doona November 2017, Hadaba waxaa xisbi waliba uu isticmaalayay  khibarad iyo waayo aragnimo  badan oo uu leeyahay sida doorashada loo galo iyo sidaa loo so jiito bulshada Somaliland hadaba xisbiga kulmiye oo ah xisbiga  ugu waayo aragnimada badan xisbiyada Somaliland waana xisbiga ugu waxqabadka badan ee soo maray JSL waana xisbigii doorashadii dhacday June  2010-kii helay codadka somaliland 50% kaas oo manta la filayo in codadka Somaliland u helo 50% waayo waa xisbi mudadii yareyd ee uu xilka hayay wax badan qabtay oo la taaban karo , isla markaana balanqaadyadii  uu qaaday xisbiga kulmiye ahaa mid ka dhabeeyay , Haddaba xisbiyada mucaaridka oo ah  kuwo inta badan balan qaada waxyaalo badan si ay usoo jiitaan ama u hantaan qalbiyada shacabka Somaliland laakiin se

Ma kula tahay in xisbiyada mucaaridka ahi in ay balandqaadka ay qaadan ka so baxaan inagoo maqalna  in maalinkasta xisbiyada  mucaaridka ahi ay iska casilaan intaas oo xubno ah, markaa sidee bay balanqaadyada ay sameyeen u rumeyn karnaa?

Hadaba Somaliland waxay hadda u bahanatahay hogaamiye  sii wada horumarka, barwaaqada  iyo raadinta aqoonsiga Somaliland,

 

Sacad Axmed

Hargeisa , Somaliland