Odoros: Male-awaalka Muuse Biixi Madaxweyne ah (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Odoraskaygani oo aan sameeyay laba bilood ka hor wuxuu farta ku fiiqayaa inta aan waddanka xogtiisa ka ogahay iyo inta aan M. Biixi ka daraaseeyay dhaqan ahaan, waxa aanan dib ugu soo baahiyay in duba arrimo aan ka dhowaajiyay sidii u dhaceen, Haddii aad indhaha ku sii haysaanna way u badan tahay in odoraskaygan wax badan ka rumoobaan.

Odorarkaygan male-awaalka ah ee Muuse Biixi Madaxweyne ah wuxuu ku dhisnaan doonaan, dib u jalleeca taariikhdii.

Muuse biixi Jabhad ahaa. Muuse Biixi halgankii nabadda iyo hubka dhiggii ka qayb qaatay. Muuse Biixi Wasiir arrimo-gudeed ahaa. Muuse Biixi hoggaanka Xisbi mucaarid ka mid ahaa. Muuse Biixi xisbul-xaakim guddoomiye iyo Musharrax Madaxweyne ba u ah.
Isku soo wada xoori oo Muuse Biixi maalmaahaasi sameeyeen Odoraskiisa isagoo Madaxweyne noqda ayaan holladay inaan qalinka u qaato. Qodobbo door ah ayaan halkan idin kula wadaagi doonaa, qaarkood waa wax aan ka filayo, qaarna waa waxa aanan ka filayn. Rabbi baa wax runta oga waa iga saadaalin uun qoraalkan koobani. Waxa ka mid ah:

  1. Wuxu dhisi doonaa arrimaha Gaashaan-dhigga.
    2. Waxa aanu hurumar mug leh ka gaadhi doonin arrimaha diblamaasiyadda.
    3. Wuxuu xakame bir ah afka u gelin doonaa saxaafadda, oo ku qasbi dooni in ay si edeb badan wax u qoraan.
    4. Wuxuu guulo ka gaadhi doonaa arrimanta Diblamaasiyadda Dhaqanka “ Traditional diplomacy”
    5. Kuma niyad-sami in uu musuqmaasuqa ka dheeraan doono. Hasa yeeshee, qaataye aan qaado noqon mayso oo wuxuu ka adkaan doonaa golahiisa wasiirrada, qarankana “musuq-wadarreed” ka dhici maayo.
    6. Go’aanno badan oo adag oo danyarta u dan ah in uu qaato way u badan tahay.
    7. Hannaanka saami-qaybsiga kuraasta ee Somaliland in uu dib u eegis iyo wax ka beddel ku sameeyo waan filayaa. Reeraha ay u malaynayo in uu dalacsiindoono waxa ka mid ah CIise oo aan saami u qalma ka helin Somaliland. Harti iyagana in uu ka qosliyo laga yaabaa, waxa aan se ku rajo-weynahay in uu jilibkiisa (Subeer-awa) oo dowladnimadu markasta u sed-buriso in uu yidhaa ummadda la mid noqda.
    8. Heesaha ammaanta ah u malayn maayo in uu lacag badan iyo wakhti badan Qaranka ka gelin doono.
    9. Koox Ganacsato ah oo reer Djibouti u badan Qarankana culays badan ku haya oo saaamayn mug leh ku leh ma filaayo in aanu u hoggaansami doonin.
    10. Walaw, aw is dhawri doono haddana wuxu odhan doonaa ereyo xanaf leh.
    11. Aqoonta uu ka faa’iidaysan doonaa, oo dad aqoon leh ayuu adeegsan doonaa.
    12. Goortan marka aan ka dhaqaaqno dad wanaagsan oo isaga ummadda wanaag ka dhex dhaliyaa kuma xeerraan doonaan.
    13. Faro-gelin toos ah iyo mid dadbadan golaha deegaanka in uu ku sameyn doono waan qabaa.
    14. Go’aan rasmi ah kama qaadan qof ahaan kama gaadhin in uu yahay qof Aar-goosta iyo qof cafiska jecel taasi oo macne badan ii samayn lahayd wax badan oo kale na aan ka sii odorasi lahaa. Sidaa awgeed, taas waxa aan u dhaafayaa cid kale oo Odorasi karta oo wax uga baxsan yihiin?
    15. Qoyskiisa iyo reerkiisa “Reer-samatar” Ma filayo in uu siin doono fursad ay talada ugu dhex milmimaan.
    16. Qabyaaladdu in ay sii kobocdo waan filayaa.
    17. Shirkadaha ganacsi ee Magacyada qabiilka huwan, hab-qabiil iyo hab nidaam ganacsi mid uun buu kala dhaqmi doonaa, oo way ka soo dhaqaaqi doonaan candhada dhexe ee hadda ay taagan yihiin.
    18. Koox diineedka Salafiyiinta, in uu aad ugu dhowaado ayay u badan tahay. Ma filayo in uu kooxda Qaadiriyada la yidhaa albaabada u furi doono.
    19. Dad badan oo abaal u galay, haddii uu kursiga ku guulaysto jidhka madaxtoonyada ayay ku kala weecan doonaan.
    20. Golahiisa wasiirradu qaar sida shimbiraha koox koox u wada duula ma noqon doonaan.
    21. Qaab hadalkiisa kakani wuxu keeni doonaa in ay sannadaha hore ay kooxo badan iska hor yimaaddaan.
    22. Dawladda Ethiopia wuxu ku dedaali doonaa, in uu “Deeqdaha Tacliinta Sare” ka kordhiyo inta ay hadda Somaliland siiyaan.
    23. Wuxu u fikiri doonaa, heer gobol “Geeska Africa”
    24. Askar aad u tiro badan oo hubaysan ayaa barbaryaaci doonta, jidadkana waa loo xidhi doonaa marka uu soo baxayo.