Hoggaamiyaha cusub iyo bilawgiisa wanaagsan (WQ: Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”)

13 kii bishan lagu jiro ayay ahayd, markii hogaamiyaha cusubi la wareegay hogaamintii dalka, waxaana muuqda waxoogaa horumar ah oo uu ka sameeyay dhinaca nidaaminta hanaanka dawliga ah, sida:

1. in tababar shaqo loo sameeyo masuuliyiintii cusbayd ee la doortay, 2. Hogaamiye-dhaqameedkii madaxtooyada hogan jiray oo dib loogu celiyay Wasaaradda Arimaha Gudaha inay toos ula xidhiidhaan, ulana shaqeeyaan,

2. wasiiraddii mqadaxtooyada ka shaahi jiray oo loo sheegay inay ku eekaadaan Goobahooda shaqada taasoo ah wax aan horey u dhici jirin.

Dhinaca kale, labo arimood oo kale oo muhiimadooda leh ayaa kala ah:

1. in dhamaanba xafladihii xil wareejinta lagu qabtay Goobihii dawladda halkii markii hore hudheeladda lagu qabsan jiray, kharash badana lagu bixin jiray,

2. tan kale waxay tahay mamnuucida ah inaan masuuliyiinta dawladda ee la magacaabay aanay shirar gaar ah iyo macsuumado la yeelan karin qabaailadda ay kasoo jeedaan, taasoo runtii meesha ka saaraysa wasiiraddii beelaysnaa, ee muuqaalka reereed lahaa, isla markaana huwanaa shaadhka qaranka, waxay kaloo arintani kordhinaysaa kalsoonida shacabku ku qabo nidaamka cusub, iyo in wasiir kasta loo arko mid umadda u dhaxeeya oo la wada aamini karo, amuurahanina waa kuwo dhamaantood istaahila in lagu bogaadiyo Hogaamiyaha Cusub ee Muuse Biixi Cabdi.  

Isku soo wada duuboo, Arimahan waxaa lagu macnayn karaa bilow wanaagsan oo nidaamka dawladeed ee Soomaliland la kowsatay, waxaase nuxurka iyo haybadda arimahani leeyihiin si waafiyayn kara hadba sida loo sii joogteeyo, loona sii kobciyo bilowgan wanaagsan, waxaa kaloo laga filayaa hogaamiyaha cusub inuu ka shaqaysiiyo shuruucda, qawaaniinta iyo dastuurka dalka oo ahaa fadhiid muddo dheer, iyo inuu ku dabagalo masuuliyiinta uu dirtay shaqadda ay umadda u hayaan, oo aanay sidii hore u dhici jirtay midkastaaba boqor ka noqon halka uu wasiirka ka yahay, oo wasiir kastaa uu noqdaa Adeege umadda shaqo u haya, ee aanu u dhaqmin sidii boqoradii carbeed.

Gunaanadkii, waxaan hogaamiyaha Cusub xasuusinayaa in masuuliyiinta uu doortay iyo shacabkuba ay u dhaqmi doonaan hadba sida ay isaga ka arkaan, oo macnaheedu yahay, in haddii uu isagu Madaxweyne ahaan sharciga ku toosnaado, oo naftiisa ka bilaabo isku xukunka sharciga, in mujtamaca intiisa kale iyo masuuliyiinta isaga ka hoos shaqaysaana ay noqon doonaan kuwa toosan oo waxtar leh, haddii uu sharciga ka baydhana, ay inta kalena la baydhi doonto, Aakhirkii, ama wiil barkhadeed oo lagu liibaanaad noqon oo weligii la xasuusto, loona duceeyo, ama wiil lagu khasaaro ayaad noqon oo weligii habaar lala daba-socdo, labadabana adigaa isu haya Ina BIIXI CABDIYOW, anaguse, waxaanu leenahay Rabbi ha kaa yeelo mid lagu badhaadho, oo Duco kasbada.

Wa Bilaahi Towfiiq

Qalinkii: Hussein-lucky M. Mohamed Mohamoud,

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com