Qaabka ragga loo dhufaano (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Hordhac

Dhufaan: waxaan uga jeedaa qof aan fikirkiisa u xor ahayn oo loo yeedhiyo, wixii la yidhaa fuli fuliya, haddii ay diintiisa ka soo horjeeddo iyo haddii kaleba, lana addoomiyay iyada oo qaar dhaqaale lagu addoomiyay qaarna dariiqooyinkan aan ka hadli doono. Soomaalida ayaa ku maah maahda riyo aamusay  iyo rag aamusayba reerkoodii gabe.

Aamusi maayo ee hdadii rag badan ka aamuseen, waxaan arkay wax iga amakaagiyay. Ismaan lahayn mujtamac muslim ah ayay waxan ka suura galayaan, halkana maan soo  dhigan dad caynkan ah ayaa wadanka ku nool ama dad ay cadaawaddu  illaa halkaa gaadhsiisan tahay, amase doqoniimadu iyo naxariis-darradu. Bari dhacdo igu dhacday ayaan aad uga xumaaday markaas ayuu nin  oday ahi  ii maahmaahay oo yidhi “Nuurow  ragga wax walba way  soo maraan, ka soo jiida uunbaan soo marin.”

Waxaan halkan idiinku sheegayaa waa wax aan arkay lana kulmay, rumayso ama ha rumaysan. Horta dagaalku waa laba qaybood; mid gacan-ka-hadal ah, wuxuu noqon karaa hub iyo wixii ka sii hooseeya iyo mid maskaxi ah.

Waxaan qoraalkan kaga hadli doonaa kaa maskaxiga ah sida qofka loogu qaado looguna dhufaano, cidda dhaqaalaha bixisa, sida qofka lagu doorto iyo cidda ka qayb-qaadata, siyaabah ay uga qayb-qaataan, ula jeeddada laga leeyahay, qofkee laga dhigaan karaa hadaf, maxaa ugu wacan inay dadku ka qayb-qaataan, sidee ayuu dagaalkani u dhacaa, qaabkee ayay u  xidhiidhaan kuwa dagaalkan fulinayaa, sidee  ayaad ula dagaalami kartaa, sidee ayaad u caawin kartaa qof uu  dagaalkani ku socdo, diinteenu maxay ka qabtaa dagaalkan?  Waxaa la-yaab leh haddii aad is tidhaa dagaalkan ka sheekee ama ka dacwoo aduunbaa lagula yaabayaa, waayo waa sida loo qaabeeyay dagaalkan. Ma aha  wax la taaban karo (oo tangible ah).

Qofkee noqon kara hadaf

Qof walba wuu noqon karaa mar uun hadaf, dad gaara kuma xadidna. Laakiin inta badan dadka hadalka cad,  kuwa  siraha ogaada, ama ururrada macaaridka ka mid noqda,  ururrada diiniga ah  ama kuwa  kale ee qofka ay is leeyihiin  bulshada ayuu saamayn karaa, qofka ka horyimaad dadka dhaqaalaha leh  iyo kuwa daaha  dabadiisa ka maamula sheega, dadka iska daacadda inta badan kama war hayaan in ay hadaf yihiin. Haddii uu qofku shaqada beddelo ama ka guuro meesha dhibtii way ku soconaysaa uun, ceebayntii, been-ka-fidintii iwm.

 Qofka sidee lagu doortaa

  • Qofka siyaalo badan baa lagu dooran karaa, waxaa lagu  dooran karaa aragtidooda siyaasadee ee ka duwan , waxaa lagu dooran karaa iyaga oo  sir sheegay, waxaa lagu dooran kara iyagoo  ururo mucaarid ah  ku  jira, mid  diini ah iyo midkaleba.
  • Waxaa lagu dooran karaa fikirkood  oo ay si xor ah  u cabiraan iyaga oon cidna ka haybadaysanayn, waxaa lagu dooran karaa in ay si khaldan cadaw u samaysteen, iyada  oo loo arkay qofku inuuna runta la gabanayn, iyaga oo baadhay arimo aan loo baahnayn in la baadho maamulkaasi ama kooxahaasi ogolayn, in  qof basaas ihi  war kasoo sheegay yidhina waa qof laga shakisan yahay, markaa magaciis la gudbiyay.
  • Waxaa qofkan loo dooranayaa sidii loo maamuli lahaa, markii la arkay inay ka bexeen xerooyinkii dadka lagu hayay, (xerooyinku waxa weeyaan qabaailka, iyo ururada oo dhan waa in qofwalba xero lagu ogaado) marka la arko inuu ka xoroobay xerooyinkii, ayaa laga dhigtaa hadaf si loo mashquuliyo, dadkuna inta badan ma oga inay dadku kooxba koox kale basaasayso.

Waa maxay ula jeedooyinka dagaalkan

  • Waa badanyihiin ahdaafta laga leeyahay dagaalkan, waxaa ka mid ah in qofka kali laga dhigo dadkoo dhana laga gooyo, si uu mustaqbal qofku nolosha u  naco isna dilo, ama la xidho marka dadka oo dhan lagu diro, (dugaagu neefka ay cunayaan gees buu ula baxaa).
  • Ahdaaftooda waxaa kaloo ka mid ah in ay qofka sumcada ka dilaan, iyo in la rumaysto, dadkuna u arkaan qof waalan, oo aan daganayn.
  • Waxaa kaloo ka mida in qofka ficilo ku sameeyaan, ama ashyaa si uu  uga xanaaqo marku shaygii arko ama ficilkii la sameeyo, waxay  ku  wadayaan qofka bilo ama sanado si uu ula qabsado, dadka caamada ahna ku  odhanyaan hebel ficilkaa ayuu ka xanaaqaa ama shayga hadii uu  arko adoo sita, ula jeedaduna waxa weeyi sidii ay qofka u maamuli lahaayeen marku xerooyinkoodii ka xoroobay, una tusi lahaayeen in ay  marwalba la socdaan halka uu joogo ama maraayo.
  • Waxaa kaloo ka mid ah inay qofka ka dhigaan qof nolosha ka dhaca, si dhib  yarna lagu  dhaawici karo, faqiir ah,bilaa guri,  bilaa shaqo, waa dariiqada lagaga takhaluso qofka loo arko cadaw inu ku yahay dawladaas iyo ururdaa qarsoon.

 Yaa ka qayb qaata

Dadka qaybihiisa kala  duwan oo dhan waa la shaqaalaysiiyaa waxaanay noqdaan indhihii iyo dhagahii dawladaas, waa ta somlidu tidhaa dawladu indho qudhaanjo ayay leedahay, markaas kuwaas oo dhan ayaa dagaalkan ka qayb qaata, mana fahamsana dagaalkan ula jeedad laga leeyahay, ama maba danaynayaan, in hadafka dagaalkan yahay in nolosha qofkan la burburiyo. 

Maxay dadku uga qayb qaataan dagaalkan

  • Qaar waxay uga qayb qaataan awood ayay dareemaan inay helayaan.
  • Qaar waxay uga qayb qaataan inay saaxiibo ku samaystaan, waxay u qaataan wax iska riwaayad ah.
  • Qaar waa lagu qasbaa inay ka qayb qaataan iyadoo (black mail ) lagu samaynaayo, qaarna waa loo hanjabaa  lana  cabsi  galiyaa si  uu uga qaybqaato.
  • Qaar waxaa lagu yidhaa muwaadin ayaad tahay waxaa la yidhaa qofkaas hadafka ihi waa qof khatar ah oo  aanay maskaxdiisu daganayn markaa isha ku
  • Qaar kale markii horeba war qaad ayay ahaayeen markaa awoodooda ayuunbaa xagan loo leexiyaa barnaamijkan qofka lagu waalayo .
  • Qaar kale been cad ayaa loo sheegaa la leeyahay waa qof xun oo caynkan ah malafyo been abuura ahna waa la tusaa. Waxaan u soo taagnaa maclimiin diinta dhigi jiray  oo  xagan Ethopia  ka yimid  xaafadayada,  oo dacaayadaa lagu furay  gabadh  yar  ayuu fuulay, inan yar  ayuu  fuulay,  illaa  macalimiintii iyagoo dhag la qabto lahayn  ay yaaceen.
  • Qaar waa la shaqaalaysiiyaa oo mushaharkaa yar awgii ayay  uga qaybqaataan.

 Sidee ayuu dagaalkan u dhacaa

  • Qofka waxaa lagu abuurayaa wax uu cuqdad ka qaado sida ficilo ama ashyaa ayaa mudo lagu wadayaa, marka uu la qabsado ayaa hadhaw lagu  cadhi galinayaa qofkii, sida codad, qufac, dariiqa oo lagu xidho iyadoo la abuurayo traffic jam, si uu u dareemo in  qofku marwalba lalasocdo, illaa uu qofku gaadho inuu wixii runta ahaa iyo tii cisaabadu  waday kala garan waayo. (waxaa loogu talagalay  sidii qofka maskaxdiisa loo dhaawici lahaa una kala garan waayo wixiii run  ah iyo beentii).
  • (Surveillance) qofka marwalba waa lala soconaya halka uu maraayo halka uu joogo, aad baa loogu dhawaanayaa jaarka, telephonekiis,dhaqdhaqaaqiisa oo dhan, xataa jin ayay u adeegsadaan, si ay wax walba ug ogaadaan..
  • Qofka waxaa laga dhigayaa kali, iyada oo la adeegsanaya,ceebayn, been abuurad, malafyo been ah  oo laga sameeyo oo dadka la tuso, si walba  oo  qofka sharaftiisa loo   dhaawici lahaa ayay samaynayaan, si  kali looga dhigo  dadkuna ka shakiyaan. Dadka xaafada iyo  qaraabadiisa oo dhan  ayay beentaa ku dhex fidinayaan.
  • Ficiladaa ama ashyadaa uu qofka la qabad siiyay ayay dadka kale  odhanyaan,  hebel waxaas ayuu ka xanaaqaa, markaa dadkii caadiga ahaana ay samaynayaa  iyaga  oon dareensanayn dhibta qofka ay  u gaysanayso  ama  hadafka ka dambeeya.

Qaabkee ayay u xidhiidhaan kuwa  dagaalkan fulinayaa

Qaabka ay u xidhiidhaan waa badan yahay laakiin qaar ayaynu ka  soo  qaadan marka dagaalku shaarac ka socdo, marka gawaadhida, calaamadah  ay  isa siiyaan waxa ka mid ah sanka oo ay taabtaan, isha koonaheeda, timah oo ay salaaxaan 3 jeer, iwm. Mid walba  macno  ayuu samaynayaa:-

  • Marka ay sanka taabanayaan ama masar ha ku taabto ama gacant eh waxay u jeedaan hadafkii ayaa soo socda.
  • Marka ay madax taabtaan hadafkii ayaa dhaqaaqaya ama ina dhaafaya.
  • Marka gacan xaga dambe ay mariyaan ama caloosha saaraan waxay u jeedeen wali  hadafkii wuu taaganyahay.
  • Marku kii kooxda watay khatar dareemo si uu hawsha u joojiyo wuxu iska dhigaa si qof kabaha xadhkihiis xidhanaya.
  • Markay labada gacmood xaga dambe mariyaan ama caloosha waxay u jeedaan hadafkii ayaa soo noqday.
  • Marka uu mid doonayo in uu mid kale la hadlo wuxu furayaa shandad sidii wax baadhaya. 

Yaa dhaqaalihiisa bixiya dagaalkan

Horta dagaalkani isaga oo ah mid dhaqan xumo ah, hadana intabadan dawladaha iyo uruda kale ee danaha ka leh dadkaa hadafka laga dhigtay ayaa fuliya iyaga oo is kaashanaya dhaqaalihiisana bixiya, maxaa yeelay iyaga ayaa  awood u leh inay isku xidhka intaa leeg iyo dhaqaalahaa bixiyaan, ula jeedaduna waxa weeyi  sidii dadkan loo xakamayn lahaa umadan ay gacanta ugu jiri lahayd, (ruling the  community with an iron fist.)

Sidee ayaad u caawin kartaa qof uu  dagaalkani ku socdo

  • Hadii aad aragto qof uu dagaalkan ku socdo ha ka qaybqaadan.
  • Ha u malayn inuu qofkaasi dambiile yahay ama qof xun.
  • Dad badan oo daacad ah ayuu dagaalkan ku socdaa, oo dacaayad iyo been laga fidiyaa, dagaalkan waa sidii qofkan loo maamuli lahaa.
  • Ula jeedada ugu wayn ee dagaalkan waa in qofkan noloshii la burburiya, markaa si aanad dambiga ula wadaagin ha ka qayb qaadan.
  • Siyaalo badan  ayaad  u  caawin kartaa oo yar yar markaa caawi qofkaa.

Sidee ayaad ula dagaalami kartaa

  • Marka ugu horaysa  Illaahay  ku xidhan.
  • Isdiidsii, Allah ayaa yidhi markay la hadlaan dadka waxmagaratada ihi waxy yidhaahdaan (qaaluu salaama), nabaday,
  • Cumar binu khadaab ayaa yidhi markay hadal kugu soo ganaan  waa leeb eh  ka gabo.
  • Haddii aad doonaysid inaad weerar to dhagta uun is  qabo, aad bay  uga xanaaqaan.
  • Camalkii aad qaban jirtay hadii uu wanaagsanaa qabo.
  • Cidna ha uga sheekayan waa inta ay rabaan si laguu arko inaad tahay qof shakisan, waa dagaal qarsoon adna si qarsoon uun ula dagaalan.
  • Marka ay ku soo weeraraan ducadan akhriso illayn way ibtalaysanyihiin eh, hunguri ha ubtilaysanaadaan ama ha is dhiibaan eh, Rasuulka scw ayaa yidhi  ducadan akhrista markaad aragtaan qof ibtilaysan,( Illaahaybaa mahadleh naga badbaadiyay wax laydunku ibtileeyay dheeraadna naga siiyay in badan dadka).
  • Waxay isku dayi  doonaan inay ku cabsi  galiyaan,  dhag jalaq ha u siin hana ka sheekayn inta ay doonayaan waa inaad ka  sheekayso, oo ay  dadka yidhaahdaan  wuu  shakisan yahay ama wuu soo wataa hebel, waa dagaal aamusan adna si aamusan u dagaalan ( it is a silent war, so fight silently).
  • Dhaqaalahaaga ayay soo  weerari iyo meesha aad ka shaqayso, marka marwalba oo  lagu  soo  weeraro is daji.
  • Weligaa gacan ka hadal iska illaali, gacan ka hadalku waa sida ay  doonayaan, hadii  aad gacan ka hadal la timaad dabinkoodii ayaad  ku dhacday ay kula
  • Xidhiidhadaada oo dhan ayay soo weerari doonaan  waanay burburin, mid qaraabo  iyo mid saaxiibo, hakala sheekaysan qaraabadaada ama saaxiibadaa,  awood ayay u  leeyihiin inay saameeyaan xidhiidhadaada oo dhan, waa dagaal aamusan adna dagaalkaa aamusan wad. Waa hubkooda ugu  wayn  inay  xidhiidhkaa oo dhan  burburiyaan, xusuuso hadafkoodu  wuxuu ahaa inay kali kaa dhigaan.
  • Weligaa hays odhan  waxbaa kaa siya hadii waxwalba qayru caadi noqdo, waa khiyaamo laguu dhigay.

Gunaandkii diinteenu  maxay  ka  qabtaa dagaalkan

Aniga aragtidayda  dadkan laba  qaybood  ayaynu ukala qaadaynaa , aragtidaydu saxna way noqon  kartaa  qaladna way noqon kartaa:-

  • Qaar dameeri dhaan raacday ah oo  aan  fahamsanayn qorshaha  ka dambeeya, kuwaas qof walba dambigiisu  waa intuu  ka  qayb  qaatay,
  • Qaarna waa kuwa mushahar ku qaata ogna qorshaha  ka  dambeeya, kuwan  waa munaafiqiin illaahay ayaa abaal marintooda inoo sheegay inay naarta  halka ugu hoosaysa galayaan hadii ay sidaa ku dhintaan,haba soomeen ama haba salaadeen eh, Illaahay suuratul munaafaqiin wuxu ku yidhi aayad macnaheedu yahay, waa iyaga cadawgu eh ka digtoonow, waxaa kaloo  u  daliil ah  xadiisul ifkigii Caisha illaahay raali ha ka noqdee. Rasuulkus scw wuxu yidhi qofku  wuxuu waa bariistaa isaga oo muslim ah waxaanu  galabaystaa isaga oo gaal ah  wuxuu galabaystaa isaga oo muumin ah wuxuuna waabariistaa isaga oo gaal ah diintiisa ayuu aduunyo  siistaa, ama waa siduu yidhi eh (aw kamaa qaal), markaa kuwan mushaharka ku qaataa qaybtaas ayay soo galayaan hadii aanay ka toobat keenin ficilkoodan xun. (their sinister action)

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

nur.hersi21@gmail.com