Hillary Clinton iyo Donald Trump oo sii adkaystay tartanka ay ugu jiraan Aqalka Cad

Waxa soo gabagabowday tirinta codadka tartanka doorashada isreeb-reebka Maraykanka taas oo ka dhacday 11 gobol oo Maraykanka ah, doorashadan shalay qabsoontay oo loo yaqaan Salaada Weyn.

Natiijada ka soo baxday doorashada ayaa muujinaysa in Donald Trump oo u tartamaya musharaxnimada xisbiga jamhuuriga iyo Hillary Clinton oo u tartameysa xisbiga dimuquraadiga ay si weyn uga guuleysteen musharixiinta kale ee la tartamayo.

Doorashada maanta dhacday maaha tii ugu dambaysay laakiin waa tii ugu muhiimsanayd. Marka la eego faraqa hadda soo kala dhex galay murashaxiinta u tartamaysa labada xisbi waxa la saadaalinayaa in ay adkaan doonto in Senator Sanders oo la tartamaya Hilary Clinton iyo Ted Cruz oo ugu dhumuc weyn ragga la tartamaya Donald Trump ay adkaan doonto in midkoodna uu ka soo kabto dhibacaha laga hor maray.

Weli tartanka fari kama qodna. Qofka noqonaya murashaxa Jamhuuriga ah waxa looga baahan yahay in uu haysto 1237 ergay. Donad Trump wuxu hadda haystaa 315 ergay halka ka ugu soo dhaw oo Ted Cruz ahi uu haysto 205 ergay, ka saddexaadna oo ah Rubio uu isaguna haysto 106 ergay.

Hilary Clinton ayaa ka horaysa Senator Sanders in ka badan labanlaab iyadoo haysta 1055 ergay halka uu isagu ka haysto 418 ergay.

Bandhige kala soco wixii hadba ka soo kordha doorashadan.

bandhige@gmail.com