Ciidanka booliska oo ka hadlay dilka taliyihii qaybta Gobolka Saaxil, sheegnay in wali aan la qaban dablaydii gaystay dilka

Taliska ciidamada booliska ayaa goordhawayd ka hadlay dilkii loo gaystay taliyihii ciidamada booliska gobolka saaxil Gaashaanle Sare Cabdiriaaq Yuusuf Maxamuud Casayr oo ay dabley hubaysani ku dileen duleedka tuuladda Biyooley oo ka tirsan degmada Sheekh.

Afhayeenka ciidanka booliska ayaa waxa uu sheegay in aanay wali la hayn kooxdii falkaas gaysatay balse ay sheegeen in lagu raad joogo kooxdii falkaas gaysatay.

Sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenka ciidnka boolisku in Taliyaha ciidankka boolisku iyo ciidan uu hoggaaminayaa u ambabaxeen hawlgalkaas.

Gabagabadiina waxa uu sheegay afhayeen in ciidanka boolisku baadhis waddaan, marka ay baadhistu dhammaatana war-bixinta dadka la wadaagi doonaan.

Halkan hoose ka daawo warkan:

bandhige@gmail.com