Qaacidooyinka salaada iyo hogaaminta Q.2aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Furfurashada Salaada.

Aadaanku waa baaqa koobaad iyo wargalinta, soo dhawaanshaha dhicida shirka umadda aa’gaas dagan, in la iskugu yeedho, kana dhashaan arrimo badan  oo aakhiriyo iyo adduunba ah, ugu wayn tahay, waynaynta, Rabbi Swt.

Baaqaasina waxa ka dhasha baaqyo kala iyo axdiyo diimeed, kuwa qarameed, iyo bulsho  dhaqan dhaqaale ah. Aadaanka waxa xaq u leh qof, buuxiyay shuruda ijaasada haysta, cid kastaa makarafoonka lama boodi karto. laguna yaqan toosnan, xilkasnimo.

Shuruudaha Salaada

Dhawrka shuruudood kuwa ugu muhiimsan, waa in qofku Islaam yahay, qaangaadh yahay, labadaasi waxay muunad inooga noqon karaan, dhinaca hogaaminta in qofku muwaadin yahay, iyo in uu qaangaadh yahay si uu uga qayb qaadan karo nolosha hogaamineed ee bulshadiisa, waxa ku xiga waajibaadka Salaada oo ay ugu muhiimsan tahay in aad daahir tahay, waysana qabtaa. Taasi oo loo macnayn karo in aa’nad dambi galin, sharcina haysato.

Imaatinka masaajidka

Waxa jira aa’daab, in markaad timaado, aanad dadka kaa soo horeeyay, ka dul talaabsan, oo aanad jiidh jiidhin si aad safka hore , u gaadho, waa in aanad wax dadku karaa’hiyaystaan, la iman, iyo kuwo kaloo badan, sidaa daraadeed waa in aad ixtiraamkaa kuyuuga nolosha iyo sida loo soo kala horeeyay, waayo aragnimada cidii kaa leh.

iyo arrimo badan sidaa si la mida ayay hab maamuus gaara u leedahay aqalka madaxtooyadu waa in aad ixtriaam.

Aqiimida Salaada

Waa jaaniskii u dambeeyay, ee la siiyay, cidii ka dib dhacday baaqii hore, waxayna tilmaamaysaa in aanad kulamada umadda loogu shaqaynayo, wakhtigeeda yimaada oo aan maalin kasta lagu daydayin. Dhawrida wakhiga ee shaqaaluhu waa mushkiladaha dawladaha haysata, iyo in shaqo lagu hawl galiyaa, wasaaradu waa in shaqooyinka kaydsan, fidisaa oo hawlgalisaa hawl’wadeenadeeda.

Nin dadkii wanaagsanaa kamida ayaa maalin kasta iman jiray aadaanka ka hor, waxa la waydiiyay, maad sidaasi u yeeshaa, waxa uu yidhi aadaanka dadka ku yimaadaadaa, waa kuwa moogan salaada, kawan haddii maalin kasta Shaqadaada laguugu yeedho.

Mara’waxadu, way wareegtaa marka la bakhtiiyana way sii wareegtaa, adigoo aduunyo dhex dabaalanaya, markaad rakcada u dambaysa soo gaadho, aduunyadii uun baad la wareegaysaa, haddii aad goor hore timaadana adoo dagay, oo galay wareeg kaloo cibaado niyad soo jeeda ah, ba bilaabamaya, sidaa daraadeed waa in hadalhaynta qaranimdada iyo qabiilku iskugu kaamid noqon, sidaad ugu niyad santaahy daacadna ugu tahay reerkiina, waa in si ka balaadhan ugu soo jeedaa waddankaaga, waxayna u baahantahay arrintaasi laylid iyo tababar ummada la siiyo.

Xulashada Imaamka Salaada

Hogaamiyahani waa in uu ahaadaa, mid shuruudaha loo dhigay buuxiyay, ugu culus yihiin, ka idiinku yaqaana quraanka, haddii quraanka ka sinaadaa ka wayn baa la horaysiinayaa, sidaa daraadeed hogaamiyuhu waa in uu aqoon leehayay da’ hogaamineedna gaadhay, waayo aragnimo iyo dhawrsanaana, lagu yaqaanaa, bulshaduna ku kulansantahay wanaagiisa.

Cida ku xigaysa xaga safka Imaamka.

Sida ku cad axkaamta salaada, waa in ay ugu soo kala dhawaadaan siday u kala xikmad, qaoon iyo caqli badan yihiin, halka, safka horena ku began imaamka dadka astaamahaasi leh uun baa istaagi kara, haddii imaamka ay ku timaado xaalad kale, si dhakhso loo buuxiyo, kaalintaasi hogaamineed, Sidaasi oo kale ayaa homaamiyaha bulshada, in giraan noocaasi ahi ku xeernaanto ahaato. badbaadada bulshada, waayo kaalintan waxaa ku xidhan nolosha ummad dhan, waana halka ay ka qaloocanto hogaaminta toosani, goobtan dhawrsana laga fogeeyaa dadkaan u qalmin. Qofka madax ee wanaagsan Rabbi swt, waxa uu u dooraa la taliyayaal wanaagsan, in si dagdaga loo buuxiyo kaalintaasi hogaamineedna, waa mid keenaysa daganaan amaan.

Masaajidka.

Masaajidadu waxay ahaayeen, min madaxtooyo ilaa meesha dadka laga tabantaabiyo. Masaajidku waa meesha ay kasoo unkantay dawladii caddaalada ahayd ee suu’bane’heenii (ammaan iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee). Majaajidka cidi malaha xataa haddaad dhisto, dadka kama xigtid, sidaa daraadeed madaxtooyadu waa hanti umadeed, mana haboona in loo kala  dhuun daloolo bulsho ahaan. Masaajidku sida uu habb maamuus u leeyahay, meesha arrinka umaddu yaalana, waxay leedahay, baratakool iyo habmaamuus iyo qadarin gaara. Maaha in sida suuqa ay noqoto. Lasoco qaybta 3aad. Mahadsanid,  haddii Rabbi Swt.

 

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.

Ahmedckahin@gmail.com