Waa kuma Aqoonyahan!? Who’s educated person” (WQ: Rashaad Osmail Hussein)

Waa kuma shaqsiga aqoonyahan la dhihi karo.Waa su,aal in badan adag in jawaabteeda sida sax ah looga jawaabo. Balse waxaa isku dayay inee ka jawaabaan faylasuufya kala duwan sida Plato, Immanuel Kant, Bernard russel.

Waxee u sameeyeen calaamada ama sifa lagu karto waxa loogu yeero aqoonyahan,kana kooban 5 qeyb Oo kala ah sida tani:-

1- High morality person “شخص اخلاق عالية” 

2 -Open Mind person     “شخص متفتح العقل” 

3 – Practicality person     ” شخص عملي” 

4- Initiative person            “شخص المبادرة” 

5 – Inquiry seeker             ” طالب التحقيق”

Qolya ayaa ku dooday waa maxay sababta looga tagay ” Knowledge ” المعرفة” ama aqoon taasi asal u ah aqoonyahan!? Falaasifadaan waxee ku doodeen in qof waliba waxbaran karto si fudud iyo si adag laakiin ee noqon karin aqoonyahan.!

Si guud ayaan iskugu dayaa inaan u sharaxo shantaan qeybood ugu horeen waa maxay High morality person!? Waa shaqsi sareeso akhlaaqdiisa iskana hor imaaneen damiirkiisa iyo ficilkiisa taasi ayaa halbeeg u ah akhlaaqda.Tusaale taariikh yahankii caanka ahaa reer Mareekan ahne qoraay arimaha bulshada gorfeeyo” Howard Zinn

American historian” Ayaa ka biyo diiday dowladii marka jirtay Oo hogaaminayay Madaxweynihii sadax mar noqday madaxweyne dalka Mareekanka” Franklin D. Roosevelt”

Zinn waxaa loodiray dagaalkii labaad ee aduunka dalka Faransiiska asiga dhalinyara ah markaa dhameeyay Jaamacadda waxuuna ahaa Sargaal ciidanka cirka ah,waxuuna ku duqeeyay diyaarada dad shacab ah. Marka uu dalka kusoo laabtay ayuu ka qoomeyay gumaadkii dhacay waxuu yiri damiirgeyga waxuu i farayaa waxaa geestay inee aheed wax damiir ahaan sax u aheen.!! Sidoo kale waxuu diiday dagaalkii Vietnam inoo ka qeyb qaato waxaa loo taxaabay xabsiga.

Dhinac kale aqoonyahan waxaa lagu tilmaami karaa

qof leh aragti furan aqbali karo kala duwaanashaha abuuri karo ” Arguments” dooda ku dhisan logic.

Tusaalaha kale aa soo qaadanayo falaqeyihii xagga siyaasadda ahaana faaqide dood adag kala hor imaaday loobigii reer Israa,iil waa ” Norman Finkelstein” una dhashay dalka Israa,iil ayaa mar waliba ku eedayo Israa,iil in gumaad iyo sad bursi kawado dhulka reer Falastiin halkaa waxaa kaaga muuqdo “Initiative person” Shaqsi la,imaan karo aragti cusub kana dhiidhiyo dulmiga aana aqbalin guulwadeynta.

Aqoon-yahanku waa kan la,imadaa” Inquiry seeker”

Baarre xaqiiq raadiye ,curiye iyo dood dhaliye keeni karo aragtiyo cusub.

Maanta aqoon-yahanka ii muuqdo waa kan raadiyo

“Prestigious seeking” Raadinta sharafta guulwadeynta magacyada sida Eng, Dr, Professor kuna dhaxmilmo bulshada kuna badan aqoonta qalalan ee lagu xamaasho waa midda maanta bulshadeena ku badan tahay.!

Aqoonyahanka inta badan maba jeclo ismuujinta waxee muteestaan inta badan xabsi iyo jirdil sababto ah waxee ka biya diidaan jahliga iyo guulwadeynta siyaasiga iyo wadaadka ragga waxaa kamid ahaa Faysuufkii reer England

” Bernard russel” ka hor imaaday dagaaladii u geesatay dalka British dalal badan caalamka ka mid uu gumeestay.

Gabgabadii hadii aad daneeneeso inaa in badan wax ka  ogaato aqoonyahanadii ka biya diiday guulwadeynta keenay isbadal toomoon halkaan ayaa ku xusayaa magacyadooda iyo buugagtooda.

” Norman Finkelstein”  American political “David Human”Scottish philosopher ” Howard Zinn”

American historian.” Edward Said “Professor.

 

Qore: Rashaad Osmail Hussein