Qabyaaladda iyo Dhaqaalaha: Qaybta kowaad Shaqaalaysiinta (WQ: Prof-Abdi Ali Jama)

Waa maxay farqiga u dhexeeya haddii shaqooyinka loo tartamo iyo haddii wasto lagu qoro.

Muddada Gaaban iyo muddada dheer.

Muddada Gaaban:

Marka laga yimaaddo caddaalad darrada iyo ammaano xumida cirka iyo dhulku ka qayliyeen, waxa ka sii daran dhibka dhaqaale ee ay keenayso; haddii shaqooyinka wasto lagu qoro, waxa dhacaysa, inta badan, in qofkii laga fiicnaa la qaato; ka soo qaad laba waddan A iyo B oo horumarkoodu isku meel marayo; waddanka A, haddii 1000 kii fursad shaqo ee u danbeeyay (Dawlad iyo bayacmushtar) tartan loo galay, isla markaan ay ku guulasyteen 1000 kii qof ee ugu fiicnaa, halka waddanka B ay buuxiyeen 1000 qof ee ugu liitay; labadaa waddan intee bay kala goosanayaan sannad ka bacdi; ka warran shan sano ka bacdi, haddii mid waliba ku wado sida uu immika wax u wado!!

Mushaharka uu qaato qofku iyo tacabkiisa ayaa la isu eegaa; haddii isku celcelis qofka shaqaalaha ahi uu qaato 100 dollar labada waddan ee A iyo B, waxa laga yaabaa in waddanka A, qofkii tabco 200 dollar, halka waddanka B uu qofku soo saaro marka tacabkiisa lacag loo beddelo 50 dollar; qof kasta oo shaqaale ah waddanka A wuxu ku soo daray GDP ga 100 dollar, halka waddanka B, qof kastaa 50 dollar hoos u dhigay GDp ga, taasoo labada waddan aanay is haybsan doonin 10 sano ka bacdi haddii mid waliba uu tabtaas ku wado!!

Muddada dheer.

Waddanka A, waxa dhacaysa in dhalinyarta danbe ay waxbarashada iyo farsamada ku dadaalaan, maxaa yeelay waxay arkeen in dadka shaqooyinka fiican haysta ee nolosha fiican ku nool iyo sida ay halkaa ku gaadheen, halka waddanka B, ay bilaabmayso in dhalinyaradu ka niyad jabaan waxbarashada iyo barashada farsamada , ka dib marka ay arkaan dhalinyaradii ay isku xaafadda iyo isku dgusi ga ahaayeen ee aan waxba baran ee caajis ahaa, oo wasto ku helay shaqooyin fiican, isla markaana ku nool nolol fiican; waxay bilaabaysaa dhalinyarada waddanka B in qof kastaa barto wastada iyo hababka loo adeegsado, halkii ay wax ka baran lahaayeen; bal ka warran labadaa waddan sidee bay waxbarshadoodu u kala tagaysaa muddo 10 sano ah ka bacdi; ma ila aragtaa in waddanka A ka goostay waddanka B, dhaqaale ahaan iyo waxbarasho ahaan ba; kii khasaaray dhaqaalaha ayaa khasaaraya tacliinta na!!