Warqada Madaxweynaha Ku Socotay, Ma Warqad Furan bay ahayd mise mid Cadhaysan (WQ: Abdirahman Mohamed Abdillahi)

Warqada Madaxweynaha Ku Socotay, Ma Warqad Furan bay ahayd mise Warqad Cadhaysan, oo hal ama laba qof qoreen inta kalana ย liiska lagu daray uun. Sida ay u qornayd waxa iiga baxay In qof cadhaysan uu qoray wuxuu ka cadhoodayba, lahjada ay ku qornayd ma ahayn mid uu dhagaysanayo ama wax ka badalaysa cida la leeyahay way ku socotaa maxaa yeelay waxay ahayd maagis aan meel loogusoo gaban, hadaad rabto in lagu dhagaysto wanaaga iyo xumaanta cida aad wax ka sheegayso waa la isu miisaa adigoo badaniya wanaagyada si aad qof u tusto inta yar ka khaldantay inuu saxo ama ay saxdo.

waxaa ay aniga ii la ย eekaatay mid lagu diyaarayay ย mirqaan, isma lahi xataa dadka liiska ku jiray way wada qoreen ee waxay u badantay in hal ama laba kamid ahi inay ku shaanbadeeyeen inta kale, mida kale magac aqoon yahan iyo warqada bilaa tixraacyo ah, bilaa tiro ah oo bilaa tusaale ahina waxay sheegaysaa, sida aqoon yahanimada lafteeda u baylahsantay. Marka aan soo kobo waa warqad dhan ka raran.