Qabyaaladu waa daawo, si qaldan loo isticmaalay (WQ: Khadar Ibraahim Aar)

Qabyaalada oo aynu si qaldan u isticmaalnaa, waxa ay ka dhigan tahay, daawo uu dhakhtar kuu qoray oo aad u qaadan wayday sidii uu kugula taliyay, kadibna aad u isticmaashay qaab kale oo adiga jeebkaaga ah, maxaad markaa filanaysaa, suura gal ma tahay in aad daawadaasi aad ku caafimaado?

Qabyaaladu waa isir iyo abtirsiimo ku tusinaysa cida aad tahay iyo halka aad ka timi, qabyaladu waa halbeed lagu garto asaaska qofka iyo halka uu kasoo jeedo hadii la waayana waxaa ka dhalan kara dhalan-doorsoon.

Qabiilku waxa uu leeyahay waxyaabo badan oo wanaagsan una baahan in aynu sida uu yahay ugu dhaqano, qabiilku waxa uu leeyahay is-gaashaan buuraysi iyo isu hiilin dhinaca sharcigaa.

Dadka qaar ayaa waxa ay laba magac u kala sameeyaan Qabiilka iyo Qabyalada taasi oo ay uga jeedaan in Qabyaladuna ay tahay wax xun, Qabiilkuna uu yahay wax wanaagsan oo ina anfacaya.

Qabiilku waa guruub iyo urur Illaahay sidiisa u abuuray oo aanay cidina aanay samayn, waa koox wada dhalasho iyo abtirsiin ku walaalowday, taas aawadeedna waxaa loo baahan yahay in aynu ka tagno tiisa xun qaadanana tiisa wanaagsan.

(يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ )

Qabyaalada Islaamiga ahi, maaha in la isku adoonyasado, dadka qaarna gun lagu sheego qaarna gob lagu sheego, qabyaalada Isaamiga ahi ma ogola in dadku ay kala sareyaan, waxa kaliya ee lagu kala sharaf badan karaa waxa ay tahay qof iyo Alle ka cabsigiisa.

Aragti fiican maaha dadka yidhaahda qabiilka kuligiis ha la ilaabo, Aniga agtayda sax ilama aha in qabiilka sida uu Illaahay SW usoo dajiyay laga tago, waxaanan aamin san ahay haddii laga tago in laga dhaxli karo wax kale oo ka xun, sida maanta haysata waddamo badan oo adduunka ah sida wadamada Gaalada.

Haddii laga tago qabiilka iyo sida uu Illaahay SW usoo dajiyay waxaa laga dhaxli karaa wax kasii xun, sir wayn ayaa ku jirta in aad garato qabiilka aad tahay iyo meesha aad kasoo jeedo, walibana aad xafido abtirsiintaada.

Waddamada Gaalada maanta waxa ka taagan heer ay dadkii gaadhaan in ay la walaaloobaan xayawaanka, Bisadaha iyo Eyda, waxa taas u daliil ah sharciyada waddamadooda yaalla, kuwaasi oo cadaynaaya in qofka haddii uu dhinto aanay jirin cid dhaxlaysaa, dhammaan maalka uu ka tagayna waxa qaadanaya Dawlada.

Yurub iyo dalalka kale ee la mid ah,ma jirto maanta wax la yidhaaddo qabiil, qofka aad waydiiso cida uu yahayna waxa laga yaabaa in uu dirqi kuugu sheego oo kaliya magaca aabihii, way adag tahay in aan dadka qaar ay kuu sheegaan magaca awowgii.

Waddamada Reer galbeedku maanta waxa ay ku jiraan markii ay ka tageen kaljarkii iyo dhaqankii uu qabiilku ku aasaasmaayay, in ay wehel iyo walaalba uu u noqdo Eyda iyo Bisadaha, kuwaasi oo marka uu dhintana hantidiisa dhaxli kara.

Waxa laga yaabaa in qabyaaladu heerka xun ee ay ina gaadhsiisay iyo nabarada aadka u foosha xun ee ay inagu dhigtay aawadeed, in dad badan oo Soomaalida ka midii ay u hanqal tagayaan in ay fiicnaan lahayd in aynu qaadano dhaqamadaasi laga isticmaalo Yurub iyo Maraykanka.

Illaahay SW Qabiilka waxa uu u soo dajiyay si sharaf iyo raxmadi ku jirto, marka qabiilka sida uu yahay ee sharcigaa loo isticmaalo waxa uu ka wanaagsan yahay hab-dhaqankiisu dawladdo badan oo adduunka ka jira, waana mida aynu u baahan nahay in aynu dib usoo abuurno.

Soomaalidu intii ay adduunka ku noolayd waxa kaliya ee ay ku kala badbaadi jirtay waxa uu ahaa qabiilka, Soomaalidu waligeed may yeelan wax dawlad la yidhaa, wixii ka horeeyay gumaystayaashii, haddana waxa ay u wada dhaqmi jireen sida dawladdaha.

Qabiilku waa dawlad leh Madaxwaynayaal fara badan, waa dawlad leh hab dhaqaale oo wax la isu siiyo waxna la isku taro, waana mida ay Soomaaliyi maanta halkaasi kusoo gaadhay, iswaydii Isticmaarka ka hor sidee ayaynu u noolayn, ma dawladdo ayaynu lahayn inna kala illaaliya waa maya.

Way dhici jirtay in qabiilba qabiilka uu ka xoog badan yahay uu ku duulo, balse taas dawladnimadii miyay badashay waa maya, maanta dawladdiiba dawladda ay ka itaal roon tahay ayay ku duushaa gumaysataana.

Haddii maanta qof qabiilkaaga ahi uu qof kale dilo ama uu waxyeelo, waxa loo imanayaa qabiilkaaga kadibna waxa laga yaabaa in halkaasi arrinta lagu dhameeyo, hadday tahay guurka, xididnimada iyo xigaalka intuba waxa ay ku dhisan tahay magacan aynu maanta ka irdhawnay ee aynu sida xun u isticmaalay ee Qabiilka.

Haddaad dib u fiiriso siirada Nabiga CSW, waxa aad arkaysa in Diinta Islaamka ee aynu maanta haysanno, in ay inasoo gaadho waxa sabab u ahaa, qabaa’ilkii faraha badnaa ee Carbeed ee uu Rasuulku maalinba qaar la heshiinayay.

Wakhtigii nabiga CSW waxa ay dadyawgii Carbeed ku jireen jahiliyo ka xun tan aynu maanta ka cabanayno ee Qabyaalada, balse Nabigu CSW markii uu u yimi waxa ay noqdeen kuwo Diinta raacay kana tagay qabyaalada teedii xumayd ee baabiisay.

Soomaalida qaar ka mida waxa ku qufulan in Qabyaaladan xun ee ina dishootay aynu kaga tagi karayno ama ay inaga kaxaynayso haddii aynu qaadano waxa loo yaqaano Dimuraadiyada, gaar ahaan fikirkaasi waxa aminsan rag badan oo siyaasiyiin ah.

Taas waxa aan ka odhan lahaa haddii aynu Soomaali nahay, waxa aynu isku soo xukunay nidaamyo badan, waxa aynu soo tijaabinay shuuciyadii, waxa aynu iminka ku guda jirnaa oo dhex-dabaalanaynaa Dimuqraadiyadii, oo meel daran inala maraysa, midnaba kamaynaan faa’iidin.

Xisbiyada iyo Qabyaalada.

Soomaaliyey waxa aad ogaataa Qabyaalada inteeda xun haddii ay inaga kaxayn wayday Diintana Islaamku, oo aynu inagu diidnay in aynu raacno, ma idinla tahay waxa inaga suulinaysa oo inaga dabar-goynaysa Dimuqraadiyada, iska daa in ay inaga kaxaysee waxa ay inoo horseedaysaa burbur if iyo aakhiraba ah.

Haddaba mushkiladaha imika ina haysta waxa ka mida, waxa aynu rabnaa in aynu isku wadno isna dhex galino qabiilkii iyo dawladnimadii, taasina waxa ay keentay in labadii ay is dhex gali wayaan oo mid xoogaysto.

Tusaale ahaan, qabiilbaa maanta waxa uu ka cabanayaa Biyo yaraan dhulkooda ka jirta, kadibna waxa ay u tagayaan dawladda si Biyo yaraanta wax loogala qabto, nasiib wanaag may xumaateen haddii qabiilkaasi hal degmo ama hal gobol wada degan yahay, waxase laga yabaa in qaarkood ay degen yihiin gobolo kalawada fog.

Haddiiba dawladdu ay qabiilkii Biyaha ka codsaday ay gacan siiso biyana u samayso, taas macnaheedu ma waxa uu noqonayaa in qabiilkii oo dhammi uu helay Biyo ku filan, balse dadkii kale ee Qabiilka ka tirsanaa ee iyagu dagana gobolka kale yay u dacwoonayaan ama ay wax la qaybnsanayaan.

Taas waxaba kasii daran, nidaamkan aynu iminka qaadanay ee Xisbiyada badan, reerbaa waxa ay soo sharaxayaan nin ay isku qabiil yihiin iyaga oo u raba Baarlamaanka, waxaana dhici karta in ninkaasi uu ka sharaxan yahay gobol kaliya sida uu dhigaayo sharcigu.

Musharaxaasi isaga ah waxa suurawda in qabiilkisii ay kala degan yihiin gobolo kala wada gadisan, ama dawlad kale oo la jaar ah waddankaasi doorashadu ka socoto, haddaba ninkii xildhibaanka ahaa marka uu soo baxo yaa uu wax u qabanaya? saw waxqabadkiisii kusoo ururu maayo gobolka laga doortay.

Waxaa jira dad badan oo isku qabiil ah balse aan isku dan ahayn, waxa kale oo jira dad badan oo isku dan ah balse aan isku qabiil ahayn, waxa aan aaminsan ahay in qofkastaba uu la dan yahay cida uu la degaanka yahay.

Somaliland waxa maanta ka jira Xisbiyo saddex ah, balse waxa aan anigu u arkaa in ay yihiin kuwo soo nooleeyay qabiilkii iyo qabyaaladii, xisbi kasta waxa si toos ah u maamula reerka uu kasoo jeedo musharaxa Madaxwaynaha ee Xisbigu.

Majiro Xisbi si guud qadhaankiisa loo wada bixiyaa sida xisbiyada caalamka, taasina waxa ay khasab ka dhigtay in xisbigii uu noqdo ama uu u eekaado mid reer dabada ku haya, maadaama dhaqaalaha xisbiga ku baxaya ay iyagu bixinayaan.

Qabyaladu waxa ay soo saartaa isla markaana ay kobcisaa jaahilka iyo ninkasta oo aan naftiisa kalsooni dheeraada aan ku qabin, waxa ay qabyaaladu shiikhisaa aqoonta iyo aqoon yahanka runta ah.

Qofkasta oo inaga mid ah way adag tahay in qalbigiisa ay qabyaaladi ka madhnaato, waxa laga yabaa in ay inagu kala badan tahay, balse haddana Sheekh iyo shariif qabyaaladu way ina saamaysay, qalbigeenana way xushay. Guntii iyo gaba-gabadii waxa kaliya ee aan isleeyahay arintan waa lagaga bixi karaa waxa ay ila tahay, in loo noqdo Kitaabka Illaahay sunaha Nabiga CSW, kaas oo isagu awood buuxda u leh in uu is falgaliyo waxyaabo badan oo aynu isku wadi kari laa’nahay.

 

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar