Qaddiyadda Korneel Tuke & Qodob Labaad (WQ: Ismaaciil Xaaji Ciise)

Waa dhab in Korneel Tuke ka tirsanaa saraakiil ciidan oo aad daacad ugu ahaa taliskii xadgudubka badnaa ee Maxammed Siyaad Barre, gees kale waa dhab in Korneel Tuke qof ahaantiisa u galay tacaddiyo nafeed oo loo geystay bulsho shacab ah. Labadaa qodobba Tuke laftiisa ayaan wax dood ah ka qabin jiritaankooda, haddii uu doono tafsiirka uu siinayo ama sida uu u dhigayaa ha noqoto si ka duwan xaqiiqda ama sida ay aniga iyo in badan oo kale ba ugu muuqato. Taa marka laga yimaaddo, Tuke waa nin reer Soomaalilaand ah, reer Soomaalilaand wixii dhexmaray xilligii taliskii Siyaad Barre iyo dharaarihii ka dambeeyey ba waxa ay kaga heshiiyeen si wadar ah shirkii ay 1991 ku yeesheen magaalada Burco ee lagu yagleelay Jamhuuriyadda Soomaalilaand. Dhismihii Soomaalilaand ka dib ma jirto meel ay reer Soomaalilaand shacab iyo dawlad midna isugu yimaaddeen oo ay wax kaga beddeleen wixii ay ku heshiiyeen ee ahaa in la laalo gebi ahaan ba wixii taliskii Siyaad Barre colaad iyo nac dhex dhigay bulshada reer Soomaalilaand. Dhammaan wixii dhacay ee reer Soomaalilaand dhexmaray shirkii Burco ee 1991 ka hor waxa xisaabtoodu ku xidhantay halkaa. Lama garan waayin in wixii dhacay laga xisaabtamo maalintaa hase ahaatee sidan ayaa dan loo arkay, dabcan wayna ahayd ba oo haddii aan sidaa lagu heshiin lahayn Soomaalilaandta maanta dhisan maalintaa udubkeeda lama taagi kareen. Haddii reer Soomaalilaand maanta rabaan in heshiiskii hore wax laga beddelona dhib iyo ceebi kuma jirto se waa in mar kale la isugu yimaaddo shirweyne qaran oo wixii wax ka beddel ah ee la doonayo lagu sameeyaa iyada oo loo dhan yahay. Marka xaqiiqda lagu soo dhowaado Korneel Tuke dawladda Soomaalilaand ma daba socoto, shacabka reer Soomaalilaand ma daba socdaan, xataa reer ama jifo reer Soomaalilaand ahi ma daba socoto, jifo iska dhaafe xataa hal qoys ma daba socdo. Tuke waxa daba socda ee dacwadda ku furay waa hal nin, ninkaa marka loo eego xeerka Soomaalilaand waa nin ay siman yihiin oo labaduba muwaadiniin reer Soomaalilaand ah yihiin. Ninkaa reer Soomaalilaand Tuke dacweeyey waa nin baalmaray heshiiskii reer Soomaalilaand 1991 ku galeen magaalada Burco, mar kale meesha uu ka dacweeyey ma aha Soomaalilaand, maxkamadda iyo xeerarka lagu wada dhaqmayaana ma aha kuwii Soomaalilaand. Qof ahaan meel walba iyo xeer walba in wixii reer Soomaalilaand ku heshiiyeen laga baxo waxa aan u arkaa gardarro. Dadka reer Soomaalilaand dacwaddaa taageerayaa waxa ay noqon karaan dhawr qaybood midkood. (1). Dad aan heshiiskii reer Soomaalilaand galeen iyo wixii ay ku heshiiyeen waxba ka ogayn. (2). Dad Tuke u arka qof heshiiskii reer Soomaalilaand wada galeen ka baxsan oo la dacweyn karo sidii Cali Samatar iwm. (3). Dad waxaaba ogsoon hase ahaatee badheedhaya. Qaybahaa middii ay noqdaan ba waa dad gefsan ama gardaran. Arrimuhu yaanay iska keen gedmin.

Qodob Labaad: Had iyo jeer marka la soo qaado dadkii xilligii dawladnimada gefka geystay, waxa jira dad kale oo iyaguna had iyo jeer ku dhereriya qofaf kale oo oo xilliyadii burburka ama dagaalladii reeraha dhib badan geystay. Qodobkaa waxa laga yaabaa in ay dad badan ka dhab tahay oo ay sidaaba u arkaan, waxa kale oo laga yaabaa in aanay sidaa u arkin se ay doodda uun ku joojinayaan. Labada jeer ba waa arrin gef ah. Marnaba ma sinna lamana simi karo qofka isaga oo adeegsanaya awooddii ciidan, dhaqaale iyo saanadeed ee ummaddu wada lahayd ku laaya dad shacab ah iyo qofka isaga oo adeegsanaya awooddii ciidan, dhaqaale, iyo saanadeed ee reerkiisa dad ku laaya. Marna ma sinna lamana simi karo wixii dhex maray qabiilooyin islaayey haba kala awood bataane iyo wixii ay geysteen askartii dawladda iyaga oo adeegsanaya awooddii ummaddu wada lahayd. Qabiilooyinka Soomaalidu wixii dhexmaray dawladnimada ka hor, wixii dhex maray xilligii dawladnimada iyo wixii dhexmaray dawladnimada ka dib ma jiro kala duwanaan la taaban karo oo u dhexaysay. Mar walba awoodda ciidan, dhaqaale iyo midda saanadeed ee qabiilladu waxa ay ahayd mid isceshanaysa. Marwalba dagaallada qabiillada Soomaalida dhexmara khasaaraha nafeed iyo midka dhaqaale ee ka dhashaa waa mid isu dhigma. Ma dhicin mana dhici karto ilaa maanta in qabiil Soomaaliyeed oo burburiyo dhammaan degaannada iyo magaalooyinka qabiil kale isaga oo ku dagaallamaya awood qabiil, ma dhicin mana dhici karto in qabiil Soomaaliyeed uu barakiciyo qabiil kale isaga oo dhulkiisii nabad ku deggan. Dhammaan saamaynta dagaalku si isku mid ah ayay u taabataa qabiillada. Taa waxa ka geddisan marka awooddii qaranka lagu weeraro dad shacab ah sidii hore uga dhacday meelo badan oo ka mid ah dhulkii jamhuuriyaddii burburtay.

Ismaaciil Xaaji Ciise,
Hargeysa Soomaalilaand.