Sheeko gaaban: Shirarka Burco (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Sanadkii 2003 markii lagga soo baxay doorashaddii goleyaasha deegaanka , Kulmiye waxaa ku xigeen u ahaa Marwo Siraad cali yuusuf oo reer boorame ah , booska musharax xigeenka madaxwaynahana rag badan baa u ordayay oo reer awdala oo uu ugu cuslaa Marxuum Cabdi xasan Buuni .

Si kastaba ha ahaatee ,shirkii koobaad ee Golaha dhexe ee Kulmiye 2003 , hoolka haayada shaqaalaha ayaa laggu doortay Siilaanyo iyo C/raxmaan aw cali oo 48 saacdood ku jiray xisbiga kulmiye .

si kastaba ha ahaatee guul-daraddii Kulmiye kasoo gaadhay doorashadaas ayuu oday Siilaanyo badalay shaxdii horre , waxaanu qaatay shaxdan .

1- Labadii ku xigeen oo kala ahaa Fagadhe iyo siraad
( Boorame iyo Laascaanod) wuxu ku badalay Muse biixi iyo C/raxmaan cabdiqaadir ( Hargaisa iyo Burco) .

2- Musharixii ku xigeenka oo ahaa Boorame ( Makaahili) wuxuu u raray Waqooyi ama maxamed case .

Sidaa darteed , shirkii Golaha dhexe 2008 ayaa Oday Siilaanyo qorsheeyey in Burco lagu qabto , si loogu muquuniyo Muj C/raxmaan aw cali oo Hargaysa lagaga baqday sadex sababood sadexdaba .

1- Isagoo Hargaysa ku haystay taageero xoogle .

2- Udub oo lagga baqday in ay taageerto .

3- Siilaanyo oo Burco kasoo jeeday , xoogna ku lahaa .

Shirki Burco khilaaf buu ku dhamaaday , waana laggu kala dareeray , Oday siilaanyana tuu rabay ayuu marsaday .

Ilaa waagaas , asxaabta siiyaasaddu shirarka Burco ayay la tagaan , iyagoo dhabadii Siilaanyo haya , ujeeddo ay dhabadii siilaanyo u hayaan oo muuqataana ma jirto .