Sookoobidda Buugga “The Art of War” ee uu qoray Sun Tzu (WQ: Cabdirasaaq Sandheere)

Hordhac

Buuggan la yidhaa ‘ Tabaha Dagaalka’ waxaa qoray dagaalyahan Sun Tzue oo noolaa intii u dhexaysay 544–496 Nebi Ciise SCW hortii. Waqtiga saxda ah ee uu dhashay, iyo meesha uu ku dhashayba war sugan lagama hayo, dood baa ka taagan oo sooyaalyahannada qaarba xilli iyo goob bay sheegaan. Xirfaddiisu waxa ay ahayd Milliteri, oo wuxuu aad ugu xeeldheeraa culuunta Milliteriga iyo dagaalka. Sidoo kale, waxa uu ahaa qoraa laga qiiqay, iyo Faylasuuf aan lagaga dabadhufan aqoonta la xidhiidha Milleteriga iyo Istaraatijiyadda dagaalka. Magaciisa saxda ah waxoogaa dood baa ka taagan, oo ‘Sun Wu’ ayaa markii uu dhashay lagu magacaabay ayaa la yidhi, oo markii danbe ayaa loo baddelay magaciisa ‘ Sun Tzu’ oo sharaf ahaan ah, lana macna ah ‘ Master Sun.’ Buugaag wuu qoray, se waxaa ugu caansan kan hadda aynnu falanqaynayno ee ‘ The Art of War.’
Buuggan ‘ The Art of War’ oo aynnu Af Soomaali ahaan ku beddelan karno ‘ Tabaha Dagaalka’ ama ‘ Farsamooyinka Dagaalka’ waxa uu markii koowaad qoray ammin muran badan ka taaganyahay oo ku beegan Qarnigii 5aad. Daabacaadda iyo qoridduba isla qarnigaa ayay ahayeen. Luuqadda uu ku qoray ee uu u xushay waxa ay ahayd luuqadda Jayniiska. Waqtigaa uu qoray sababta u weyn ee uu qoray waxa lagu sheegaa, inuu tababbar iyo aqoonkorodhsi u waday ciidamadiisii, maadaama uu Milliteri wax hoggaamiya ahaa. Markii koowaad qaab noocaasa ayuu u waday. Se u jeedaddii intii way ka ballaadhatay. Waxaynna dad badan ku doodaan inuu buugga u qoray qaab casriwalba, jiilwalba, iyo cidwalba la jaanqaadi karaya oo ilbaxnimada bini’aadanka iyo xaaladaha ay ku suganyihiin la socda, oo aan ka hadhayn haddii uuna ka horreyna.

Taariikhyahanno badan waxa ay baadheen saamaynta uu ninkani lahaa. Saamayn xoogle oo waliba dhinac ka dhisan ayuu lahaa ayay yidhaahdeen. Wuxuu aad u jeclaa, khabiirna ku ahaa aqoonta milliteriga, gaar ahaanna Istaraatijiyadda iyo qorshaynta dagaallada kaladuwan ee dhinacyo badan leh. Si xoogle ayuu u dhexgalay aqoontaa, waxaanad mooddaa inuu hibo gaar ah ba u lahaa, sida ay dad badan ku doodaan.
Buuggu wuxuu ka hadlayaa si guud dagaalka. Dagaal marka la yidhaa wuu farabadanyahay oo wejiyo badan ayuu yeelan karaa, qofka marka aynnu eegno waxbadan ayaa cadaw ku noqon kara oo uu la dagaallami karaa, sidoo kale wax badan ayaan qofka cadaw ugu muuqan se maslaxadi ka dhexaysaa oo dagaal qabaw ama tartanba uu kula jiraa (ogsoonoow oo marka aynnu dagaal leennahay marar badan tartan ayaynnu u jeednaa). Dagaalku waxa kale oo uu noqon karaa mid u dhexeeya laba dal sida uu buugguba markii hore ku soo baxay oo ahaa mid u dhexeeyay Jayna iyo dal kale. Dagaal uu Waddan galaanna wuxuu noqon karaa mid hub la iskaga horyimaad iyo mid warbaahin, Barobagaandha, af, iyo wax kalaba la adeegsanayo. Waxa aad qalbiga iigu haysaa in marka aan dagaal leeyahay uuna noqon doonin uun mid HUB, qubqac, baaruud, qori, iyo wax la mid ah la adeegsanayo. Se uu dhinacyo badan noqon karo.
Sannadkii 2012kii shir socday saddex cisho ayaa lagu qabtay magaalada Portorož, ee dalka Slovenia. Shirku wuxuu ahaa kii 31aad ee Shirarka caalamiga ah ee Ururrada Horumarinta Sayniska ( International Conference on Organizational Science Development). Waxaanna lagaga hadlayay hal’abuurka cusub, tayada iyo mustaqbalka. Waxa ladh ahaan loo soo qaatay oo wax laga yidhi buugga Sun Tzu, iyada oo waliba dhinaca hoggaaminta xoogga la saarayo. Aqoonyahanno badan ayaa ka soo qaybgalay oo falanqeeyay. Waxyaabaha ay sheegeen waxaa ka mid ahaa; inay yidhaahdeen buuggani waa buug waqti hore la qoray, se hadda aad dadka u anfacay.
Wuxuu ka hadlayaa sida dagaalka cadawga looga guuleyso, sida ganacsiga loo guuleysan lahaa, waliba dhinaca hoggaaminta. Sidoo kale, waa u muhiim ayay qofkasta ku sii dareen. Waxa kale oo ay raaciyeen in taariikh ahaan dadka dhinaca Milleteriga ku guulaystay ay adeegsadeen oo ku meelmareen tabihii iyo xeerarkii Sun Tzu. Shir Slovenia lagu qabtay sannadkii 2012 ayaa lagu sheegay in Jaynaha xaaladdiisa siyaasadeed iyo tiisa Milleteri ba saamayn ku lahaa buuggu, illaa haddadan casriga la joogo uu saamayn ku leeyahay. Sidaa si leeg waxa kale oo ay ku sii dareen in markii la baadhay la helay maammulayaal sarsare oo guud ahaan adduunyada ku kala nool, gaar ahaanna Eeshiya ay adeegsadeen tabahan oo xarumahooga siyaasadeed iyo ganacsiyeedba ay ku horumariyeen, kana badiyeen dadkii tartanku ka dhexeeyay.

Waxa iyadana aan meesha ka maqnayn oo buuggu wax ka odhanayaa tartanka kala geddisan ee laba qof, laba shirkadooda, Laba dal, iyo ka badan ba ka dhexayn kara. Dagaalkaasi sidii aad uga guuleysan lahayd dhinaca aad is haysaan ayuu kuu tilmaamayaa. Dadka wax ka yidhi, iyo kuwa akhriyay ee waxa ay qoreen aan akhriyay ( hadda waa inta ka Sandheere ahaan aan akhriyay) waxa ay ku doodayaan in buuggu xoogga saarayo, Milliteriga, ganacsiga, iyo wixii la halmaala. Se anigu waxa aan ku doodayaa inuu xataa nolosha guud ka hadlayo, sida aad xataa iskaga ilaalin lahayd qof ku jecel oo aad saaxiib dhaw aad tihiin sir badanna kaa haya, waayo waxa la yidhaa ‘ Qofkii sir kaa hayaa wuxuu haystaa Waran wayn oo uu maalin uun kugu soo gani doono.’ Noloshu ba waa tartan, markaa tartankaa dagaalka u dhigma sidii aad ugu guuleysan lahayd ayuu wax ka tilmaamayaa.
Buugga luuqado badan ayaa loo turjumay marka laga yimaaddo luuqaddii asalka ahayd ee uu qoraagu u doortay, oo ahayd ‘ Jayniis.’ Luuqaddii ugu horreysay ee lagu afceliyay waxa ay ahayd luuqadda Faransiiska oo sannadkii 1772kii loo Turjumay. Luuqadda Jabbaanka waa loo turjumay iyadna. Sidoo kale, Luuqadda Ingiriisiga ah ( oo ah tan aan hadda anigu akhriyay ee Sookoobidda aan ka sameeyay) ayaa lagu qoray sannadkii 1910kii. Waxaanna Af Ingiriisi u turjumay Mudane Lionel Giles. Inkasta oo iskudday qayb ahaaneed uu Lionel hortii uu sameeyay Sargaal Ingiriisi ah oo la odhan jiray Everard Ferguson Calthrop, sannadkii 1905kii.
Buuggu waxa uu ka kooban 13 Cutub. Bog ahaan tiro saxa oo aan kuu tilmaamo ma hubo; laba buug oo aan arkay, labadaba uu qoraagii afka Ingiriirisiga u rogay uu xuquuqdooda leeyahay tirada bogaggoogu way kala duwanyihiin, kalana badanyihiin. Mid waxa weeyi 66 bog. Mid kalana waa 112 bog. Siday ahaataba dhinaca cutubbada iyo nuxurka waa isku mid oo inta ka hore ku qoran uun baa ka danbana ku qoran. Waxba kuma kala duwan aan ahayn bogagga. Inay kuwa kale jiraan oo bogagga ka badanna waa suurtagel. Cutubbadu iyaga ayaa is sharraxaya. Si kooban ayaynnu u dulmari buugga nuxurkiisa, iyo falsafadda qoraaga. Aynnu bilowno.
Nuxurka Buugga
Cutubka koowaad, Sun Tzu wuxuu Ladh uga dhigay ‘ Qorshe Dejin.’ Wuxuunna hadalkaba ku furfurtay intan: “ Tabaha dagaalku muhiimad wayn ayay u leeyihiin Qaranka.” Qodobbo badan ayuu taxayaa. Aynnu qaarkood soo qaadanno:
1- Waa astaamaha nolosha iyo geerida in la iswayddiiyo xaaladdan hadda lagu suganyahay ma tii badbaadadaa mise waa tii burburka. Deedna wayddiinta ka soo baxda waa in masuuliyad la iska saaro oo aan la dayacin.
2- Tabaha dagaalka waxa ka mid ah in shantan qodob ee xidhiidhsan la qaado:
B) Xeerka Niyad’dhiska: Xeerkani dadka waxa uu ku sababaa in ay noqdaan kuwa buuxiya waxa looga baahanyahay oo diyaarsan, eegayana xeerka ama guddoomiyaha. Naftooda danayn badan siin maayaane khatar kasta way u babbacdhigi.
T) Deegaanka iyo waxa innagu xeeran: Sida habeenka iyo maalinta. Qabawga iyo kulaylka. Waqtiyada iyo xilliyada.
J) Dhulka: Haddii ay fogaanta mid dhaw iyo mid dheerba. Khataraha, ammaanka, dhulka isku furan iyo meelaha godan. Nasiibka nolosha iyo geerida.
X) Hoggaamiyaha/Abbaanduullaha: Wuxuu u taaganyahay akhlaaqwanaag, xirrib wacan, daacadnimo, dhiirranaan, iyo geesinnimo.
Kh) Habka iyo anshaxa: waa inuu abbaanduullaha ciidanka ugu sarreeyaa fahmaa qaabka hoose ee loo sii kala qaybinayo dhexdooda, kuwa qalinjebiyay ee xiddigaha wata, inuu waddooyinka ciidanku marayaan dayactiro, iyo inuu Saadka iyo hubka ciiddanka maammulo.
Wuxuu qabaa, oo hoosta ka raacinayaa Sun Tzu qofka raaca shantaa qodob ee aan soo taxnay inuu guuleysanayo oo ay guuldarro ka dheertahay, wuxuunna yidhi: “ Qodobbadaa qofkasta oo qaataa wuu guuleysanayaa, mana guuldarraysan doono.”
Wuxuu waliba intaa sii raacinayaa, inuu dhawr su’aalood iswayddiiyo oo ku aaddan qodobbadaa aynnu soo sheegnay. Wayddiimahaa waxaa ka mid ah:
– Labada Ciidan midkee niyaddoodu dhisantahay oo niyad’dhis fiican haysta, oo dhiirrigashan?
– Labada Jeneraal ee Ciidanka midkee awood badan?
– Midkee haya tubtii deegaanka, waxa innagu xeeran iyo dhulka/ midkee jiho ahaan saxan?
– Dhinacee Ciidanku ka xoogganyahay?
– Ciidankee xoog badan?
– Dhinacee Sargaallada iyo raggu ka xoogganyihiin ama ka tababbaranyihiin?
3- Marka aynnu u muuqanno in aynnu weerari karno waa in aynnu iska dhignaa kuwa aan weerari karin. Marka aynnu awooddeenna isticmaalaynno waa in aynnu iska dhignaa kuwo bilaa awood ah. Marka aynnu u soo dhawaanno cadawga waa in aynnu ka dhaadhicinnaa in aynnu ka fognahay. Marka aynnu ka fognahayna waa in aynnu dareensiinnaa ama rumeysiinnaaba in aynnu u dhawnahay.
4- Haddi cadawgu iska daciifo nasasho ha siin. Haddii uu midoobana kala daadi […]

La soco qaybta 2aad

Marka aynnu dhammayno ayaynnu PDF ku wada bixin iyada oo dhammaystiran.