Qalabka codadka sameeya “Music equipment” iyo xeerka physics-ka (WQ: Cabdicasiis Maxamed Jaamac)

Qalabka codadka sameeya(Music equipment) iyo xeerka physics ka.

Ciyaartu waa ficil xirfada ah isla markaana nooluhu ku cabiro kolba dareenka u ku jiro ee badhaadhe, barwaaqo ama qalooca ee noloshu ku soo ganto kaasoo lagu cabir ereyo iyo jiib wadda jirta.
Si loo qaabeeyo ama loo qurxiyo waxaa loo baahday COD TIIRIYE, lagu taageero jaantii,jiibtii iyo eryadii, waxaa la unkay walax dayaanta oo Onkod oo kale samaysa(NARRSO)ama durbaan.

Waxaa culimada diintu ku qoreen diwaanada oo la soo wariyey in soo dhawayntii Rasuulka(SCW) ee madiina la isticmaalaayey NARRSOOYIN durbaano lana isticmaalay xilliyo badan iyo goobo badan oo barkhadeed xiligii Rasuulka suuban.

Haddaba hadii durbaanku banaanyhaya maxaa farq oo u dhaxeeya aaladaha kale ee dhawaqa sameey sida, Keyboardka, dhexyarta(violin) saxophone, kamanka iyo dhamaan dhawaq sameeya yaasha.
Dhawaqa marka la eego cilmiga physics asalkoodu waa durbaanka iyagaa laga dhambaalay, mid codkiisa la dhuubay, mid la buuray iyo mid sawaxan lagu ladhay waxaa laga yaabaa in qarkood in dab la mariyey oo loo yeelay maskax macmal(motherboard) laakin asalkii waa isku mid.

Halkee ayey culimadda diinta badhkood iyo qalabka musug iska jiidheen, hadiiba durbaankii la ogolyahay wixiina dhawaq yahay ama guux ama cod dhuuban sameeye sow isla durbaankii oo cilmiga physics la isticmaalay maaha.
Culimadda diinta wax ka taqaani iyo xeel dheerayaasha hanoo bayaamiyaan halkaa.
A.M jama