Sababaha colaadda Ceel-Afweyn iyo sida loo dawayn karo (WQ: Prof. Maxamed Siciid Gees)

Proff. Gees Oo Falanqeeyey Waxyaabaha Sababay Colaada Ceel Afweyn Iyo Sida Lagu Dawayn Karo.

Degaanka Ceel-afweyn marna ma ahayn meel ceeb laga sheego ee waxay ahaan jirtay meel dadkeedu ay si nabad ah u wada ciyaaraan Jaan-dheerta, waxaanna hal-hays u ahaan jirtay; โ€˜Marka caanaheeda lagu daro Ceel-afweyn waa ka sidataa Cadan.
Haddaba, waqti hadda laga joogo 62 sanno oo ku beegan sannadkii 1957kii, ayaan fasax-yarihii dugsiyada ee dayrta aniga [Maxamed Siciid Gees] iyo laba wiil oo Reer Gees ah oo aannu isku eyni ahayn na loo diray miyiga Ceel-afweyn iyo banka la yidhaahdo Gudheedh oo barwaaqo ah oo geel dhalay joogo.

Geela joogay banku waxa uu ahaa geel xer ah oo dad badan ka dhexeeyey, gaar ahaan ardaayada hadda xasaraddu ka dhex dhacday, waxaanna degaankaas ka baxa geed magaciisu yahay Aftuxoole oo geed gab ah. Saddex jeer ayaa geela caano na looga lisi jiray, cunto kale ma jirin, bil kadib ayaannu lug ku nimi Ceel-afweyn oo aannu dib ugu noqonay Ceerigaabo.

Haddaba, markii dugsigii ugu horreeyey laga furay Ceel-afweyn, ardaydii lagu bilaabay dugsigaas waxa laga keenay degaannada miyiga ah, iyadoo arday walba lagu soo daray laba halaad oo dhalay, kuwaasoo loo ogolaaday inay daaqaan seeraha tuulada ee dooxada Soof-dheere. Caanaha laga soo liso halahaas qayb waxa cabbi jiray ardayga, qaybna magaalada ayaa laga iibin jiray oo loo lacagayn jiray.
Gelinka dambe ardayda ayaa ilaashan jirtay geela, gelinka horena dugsiga ayey dhigan jireen, sidaas ayeyna ku dhammeeyeen heerkii hoose ee waxbarashada oo saddex sanno ahaan jiray waagaas.
Magaalada Gar-adag ee ay mataanaha yihiin ee is la beelaha Ceel Afweyne ay iyana degeen, ayaa ku dayatay oo iyana barnaamijkii oo kale dugsigii u horreeyey ku dhisatay.

“Marka Caanaheeda lagu daro Ceel-afweyn Cadan waa ka sidataa.โ€

Waagaas ama xiliyadaas aan ka hadlayo, magaalada Cadmeed ayaa dalweynaha Carabta ugu horumarsanayd, sidaas ayeyna Ceel-afweyn ula qiima badnayd dadka ku nool oo ay Cadan u barbar-
dhigeen. Aniguna marar badan ayaan ku soo laabtay Ceel-afweyn. Mar waxa uu ahaa sannadkii 1963-dii doorashadii Golayaasha Dowladda Hoose ee u horreysay ee la qabto midowgii Somaliland iyo Soomaaliya 1960-kii kadib ayaan ka mid ahaa xubnihii maamulayey goobta codaynta ee Ceel-afweyn. Laba xisbi ayuun baa ku tartamayey doorashadaas, kuwaasoo kala ahaa SDU iyo SYL, waxase Degmadda Ceel-afweyn ku yaal god xardhan oo la mid ah godadka ku yaal degaanka Laas-geel.
Haddaba, maxaa keenay isku-dhaca dhexmaray bulshada Reer Ceel-afweyn? Caanihii lagu yaqaanay ee ay ku caan-baxday ayaa yaraaday. Dadkii oo kordhay iyo cimiladii oo is beddeshay iyo roobabkii oo yaraaday ayaa keentay in caanihii yaraadaan, dabadeedna biyihii iyo baadkii ayaa la isku qabsaday oo la isku dilay (Resource based conflicts), waana khilaaf ku salaysan dhinaca khayraadka dhulka.

Sida la ogyahay khilaafka iyo murankii dhexmaray bulshada Degaanka Kalshaale ee ka tirsan Degmada Buuhoodle, waxa sabab u ahaa, isla markaana uu bilaabmay markii halkaas laga qoday berkedaha, xiligaas ayuuna dagaalku bilaabmay. Markaa sidaas oo kale waxa dhacday in berkedo laga qodo Ceel-afweyn, gaar ahaan degaanka Darar-weyne agtiisa, waxayna taasi dhalisay iska hor imaadka beelaha wada degennaa. Sidoo kale ayaa siyaasiyiinta ka jilaabta ama ka dhex kalluumaysta biyaha ajada ihi ay shanta ula soo galeen, dabadeedna dagaalada lagu hoobtay ayaa ka dhacay.

Dowladihii kala dambeeyey ee Somaliland wax mashaariic ah kama ay fulin degaanka Ceel-afweyn, balse, waxa aan xusuusataa sannadkii 2000-kii markii marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu u ogolaaday in mashaariic horumarineed loo sameeyo Bariga Sanaag oo wefdi uu wato Suldaanka mandaqaddu markii u horreysay Hargeysa yimaad, ayaa waxa dhacday in aniga oo Wasiirka Maaliyadda ah ay Wasaaraddu goโ€™aansatay in degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-afweyn iyagana lagu daro mashaariicda horumarinta. Maamulkii Gar-adag iyo odayaashii waxay codsadeen in Dugsi Sare iyo Jeel looga dhiso oo sidii ayaa loogu hirgeliyey, Ceel-afweyn iyana Guriga Dowladda Hoose iyo Guriga martida ayaa laga dhisay.

Muddo dambe waxa aan la kulmay arday dugsigii sare ee Gar-adag ka soo baxday oo jaamiciyiin ah oo shaqooyin badan dalka ka haya, waxaase ayaan-darro ah in maanta colaadaas Ceel-afweyn ka jirtaa ay saamaysay ardaydii imtixaanka shahaadada qaadan lahayd sannadkan 2019-ka.

Furdaaminta colaaddu waxay u baahan tahay barnaamij cilmiyeysan oo leh saddex weji:
1. La-heshiinta kooxda Taliye Caarre ee gashay Buurta Barqa Hurudo

2. Heshiisiinta labada beelood
3. Dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha daryeelka bulshada ee waxbarashada, biyaha iyo shaqo-abuuridda.

Ugu dambeyn, beelahaas heshiintoodu ma hirgeli karto inta Jabhadda Caarre hoggaamiyo aan heshiiskeeda lagu guulaysan. Horumarin bulsho iyo wax-u-qabad ma hirgelayo haddii aan nabad buuxda degaankaas lagu soo dabbaalin.

Proff/ Qoraa. Maxamed Siciid Gees.