Qalinjabisaye maxaa kuu qorshaysan? (WQ: Yaxye Xuseen Xasan)

Guud ahaan degaamada soomaalidu degto waxa ka jira goobo waxbarasho sida dugsiyo iyo jaamacado, sidaas awgeed sanad kaste waxa qalin badasha tiro kor u dhaafaysa 50,000 oo ardey oo bartay aqoon kala duwan iyo heerer kala duwan.

Ardeydaasi qalin badalatay mudadaa ay ku jiraan goobaha waxbarasho kaliya waxey awooda saaraan sidii ay u dhamaysan lahaayeen qaybaha kala duwan ee ay wax ka baranayaan balse ayna wakhtigooda wax yar oo ka mida aysan ku baran wax xirfad ah, taasi waxey keentay in ardeygu qalin badasho 16 sano kadib isagoon wax xirfad ah lahayn tiro yar mooyaane.

Goobaha waxbarashaduna waxay kaliya awoodaan inay baraan aqoon balse aan xirfad la socon. Dhibta ugu weyn ee ardeydu la kulanto marka ay waxbarashadooda dhamaystaan ayaa ah in aqoontan uu bartan uusan shaqo ku helin, wuxuu sitaa shahaado kaliya balse aan xirfad inuu bartay ayna meelna kaga xusnayn. Awooda goobaha waxbarasho ayaaba ah intaas oo kaliya, balse ay u baahanyihiin in ay awooda saaraan sidii ay usoo saari lahaayeen ardey aqoon iyo xirfad wata.

Ugu dambayn dhawr qodob baan kusoo afmeeri oo talo iyo tusaale u noqon karta ardeyga ku jira xiligiisa waxbarasho, ardeyga qalinbadashay iyo goobaha waxbarashadaba.

  1. Hada waxaad ku jirtaa xili aad waxbadan kaga faa’ideysan karto ood ku baran karto xirfadaha ku anfacaya ee la xidhiidha aqoonta aad goobaha waxbarasho ka korodhsanayso, iyadoo ay jiraan xirfado aad u muhiima kuna anfacaya mustaqbalkaaga. Waxa ugu muhiimsani waa inaad barato xirfadaha fudfudud iyo xirfada farsamada gacanta ee afka qalaad lagu yidhaah ( Soft skills iyo TVET).

2.In maalinka aad dhamaysato xiligaagii waxbarasho ood fursad u helin inaad xirfad hesho aad ku dadaasho sidii wakhtigii ku dhaafay aad uga faa’ideysan lahayd wixii aad xirfad u baahantahayna aad ku dadaasho sidii aad isugu kabi lahayd aqoontii aad baratay.

  1. Goobaha waxbarashada wax u dajisan qorshe ay ardeygu maalinka uu bilaabo ilaa maalinka uu qalin badasho u dajiyaan kaas oo awooda saara kaliya aqoonta qaybeheeda kala duwan balse aan meelnaba qorshaha ku darsan inay mudada waxbarashadu socoto wax xirfad ah ardeyga ugu darin ama uusan qayb ka ahaynba qorshohooda. Talada aan usoo jeedinayaa waxey tahay in ardeyda aan la barin uun aqoon balse qorshohooda ay ku daraan sidii uu ugasoo bixi lahaa ardey aqoon iyo xirfad wata oo anfacda mustaqbalkiisa.

WQ: Yaxye Xuseen Xasan

Barre jaamacadeed