Qaradaawi: Ibnu Taymiyaha Casriga (Waxa turjumay: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub)

 

Ixsaan Faqiih waa Urduniyad qoraa ah, oo qarnigan bilowgiisi maqaalladeeda ku qori jirtay jaraa’idka Dastuur ee Urdun ka soo baxa. Waxa ay ku guulaysatay tartanka gabayada jaamacadaha Urdun. Jariidadda Al-waddan ee dalka Qadar ayey hadda bog toddobaadle ah ku leedahay. Mareegaha Al-carabi 21 iyo Taqriir ayey sida oo kale toddobaadle ugu soo baxaan qoraalladeedu.

Jaamacadda Mu’ta ee dalka Urdun ayey ka baratay maaddada taariikhda, se may dhammaysan. Sannadkii 2008 ayey ku takhasustay sharciga. Al-jaziira ayey ka diyaarisay diploma tabinta tv-yada ah. Waxa ay isla Al-jaziira ka diyaarisay tababar soo saarista sheekooyinka bani’aadannimada la xidhiidha.

Ixsaan ayaa qoraal dheer ku mataanaysay Ibnu Taymiya iyo Qaradaawi, iyada oo sheegtay in Qaradaawi yahay Ibnu Taymiyaha casriga. Qoraalkeeda waxa ay ku soo gudbisay tilmaamo ay iska shabbahaan labada wadaad.

Waxa ay tidhi Ixsaan Faqiih, “Ibnu Taymiya aqoontiisa waxa kaaga filan in la yidhaa Sheekhul-Islaam. Aqoontiisa diineed bad ayey ahayd oo fanniga la soo qaadaba aqoon durugsan ayuu u lahaa. Waxa uu ahaa Faqiih Usuuli ah, Mufasir Mujtahid ah, aqoon dheer u leh Caqiidada iyo cilmiga xadiiska, waliba cilmu-Rjiaalka ku horreeya. Mufti fataawahiisu hadh beelay, doodo badanna ku muquuniyey kuwo badan oo diin xumaystay, se dadku u yaqaaneen culimo.

Yuusuf Mustafa Qaradaawi isna waa aqoonruug diineed isla jeerkaana koobsaday; aqoonta fiqiga, Usuulu-Fiqiga, Quraanka iyo sunnaha, aqoonta dhaqaalaha Islaamiga, fiqiga iyo fahanka Aqaliyaadka, dacwadda iyo tarbiyeynta, siyaasadda sharciga, dhaqdhaqaaqyada Islaamiga, luuqadda iyo suugaanta.

Sidii uu Ibnu Taymiya ugu ammaannaa raddiga cilmiga ee kooxihii xadgudbay; Falaasifada, Jahmiyada, Raafidada, suufiyada xadgudubtay iyo kooxihii la sooca ahaa ayaa uu Qaradaawina ugu ammaanan yahay in uu geed ku xidhay kuwa reer galbeedka ka soo biyo cabbay ee ah calmaaniyiinta, caqlaaniyiinta iyo qolyaha la hal maala oo dhan.

Sheekh Qaradaawi waxa uu ka dhaxlay Ibnu Taymiya in uu ka xorroobo madaahiibta fiqigaa oo dhan. Ibnu Taymiya kolkiisii hore waxa uu ahaa Xanbali se kolkii dambe waxa uu noqday daliil-raac aan mad-habna u janjeedhin, isla jeerkaa Qaradaawi kolkiisi hore waxa uu ahaa Shaafici haddana waa daliil-raac.

Waxa kale oo ay ka siman yihiin in aanay labadooduba xoogga saarin araartii ka horraysay ee aqoonyahanka diintu u badan yahay, xagga labadooduba mararka qaar ka hor yimaaddaan araartaa. Iyagaa leh ijtihaadyo cusub oo ay keensadaan oo daliilkeedii wadata.

Qaradaawi waxa uu Ibnu Taymiya ku waafaqay ahmiyad siinta Jihaadka; Ibnu Taymiya waxa lagu bogaadiyaa dagaaladii Tataarka. Qaradaawi isna waxa uu ku suntan yahay is garabtaagga xoogagga ka dagaalama Falastiin.

Labada sheekh waxa ay iskaga mid yihiin jeelgalidda; Ibnu Taymiya waa la xidhay xagga Qaradaawina la xidhay xilligii Mamaalik ta Masar. Sida oo kale Qaradaawi dalkiisa ma tagi karo oo dalka Qadar ayaa dhalasho siisay halkaa oo uu wakhti xaaddirkan ku nool yahay.

Ibnu Taymiya waxa uu ku horreeyey fiqigul-Maqaasid ama fahanka shareecada, dhigaallo badan buu ku lahaa, kutubtiisana meelo badan ayaa uu ku xusay, taas oo uu ku xusay habka loo daliishanayo aayaadka Quraanka iyo axaadiista sugan. Waxa uu sees u dhigay cuskashada iyo bud-dhigga fahannada siyaasadda, jihaadka, dawladnimada, xidhiidhka ka dhexeeya taliyaha iyo loo taliyaha.

Qaradaawi isna xoogga ayuu saaray Fiqul-maqaasid, Quraanka iyo Xadiiska, Islaamka iyo siyaasadda, jihaadka iyo dowladnimada, kuwaas oo uu buug ka sameeyey sida oo kale maqaallo door ah na uu ka leeyahay. Waxa uu u gonda-degay fahmidda dawlad-dhisidda, xuquuqda aadanuhu isku leeyahay, cilaaqaadka Muslimiintu la yeelanayaan dadka aan Islaamka ahayn, sida ay ugu noolanayaan dadyowga Muslinka ahi dalalka aan Islaamka ahayn, is barbardhigga Shuurada ‘wada-tashiga’ iyo Dimuqraaddiyadda reer galbeedka.

Qaraddaawi waxa uu ka dhaxlay Ibnu Taymiya waxa ka mid ah fatwooyinka diiniga ah. Ibnu Tayimaya waxa uu lahaa fataawooyin dhaxalgal ah oo uu si cad uga fatwoon jiray, isaga oo mad-hab xor ah ahaa. Haddii uu garab maro jumhuurka culimada waxa uu ahaa mid daliilkiisa haysta oo waxa uu sheegayo yaqaan.

Qaradaawi sida oo kale waxa u fatwooda isaga oo gartiisa yaqaan daliilkiisuna ag yaal haba garabmaro jumhuurtee. Garabmaridda ugu waaweyn waxa ka mid ah bannaynta uu heesaha banneeyo, isaga oo daliilkiisa keensada, taa oo uu uga horreeyey asaasihii mad-habta Daahiriyada Ibnu Xasmi. Fatwada lagu khilaafo Qaradaawi ee kolkii dambe tiisi ay noqotay waxa ka mid ah sawirka casriga ah oo uu ahaa ciddii ugu horraysay ee bannaysa. Iyada oo kolkii dambe culimo badan oo ka soo horjeedday tiisi u soo noqdeen.

In la sheego waxa mudan, in ay Ibnu Taymiya iyo Qaradaawi ka siman yihiin u soo noqoshada xaqa iyaga oo aan is weynayn kolka gafkooda garawsadaan.

Ibnu Taymiya Ilaahay ha janneeyo e, nin aqoon ahaan dhisan buu ahaa oo goobaha doodaha cilmigana aan ka gabban, nin waxa uu ahaa kolka uu ogsoonaado in uu gafay soo noqda oo aan isa sii adkayn. Waxa uu diiday sugnaanta xadiiskii Maymuna Rasuulka Ilaahay raalli haka ahaado e, ay ka warisay ee sheegayey jiirkii ku dhacay subagga, kolkii dambena uu garawsaday sugnaantiisa.

Aqoontiisa ballaadhan awgeed ayaa uu Qaradaawina dedaal dheer oo uu ku doonayey in uu mideeyo Sunniga iyo Shiicada ka soo noqday isaga oo qiray in uu ku soo hungoobay baadi-goobkiisii uu doonayey in uu ku mideeyo muddada dheer, isaga oo sheegay in wadaaddadii Sucuudigu kaga saxsanaayeen arrinkaa, “Culimada Sucuudigu waa ay iga saxsanaayeen aniga, waxa ay garanayeen xaqiiqadooda.” Waa hadal qoto dheer oo ku tusinaya bisaylka fikirka Qaradaawi. Sidaa awgeed ayaa uu Raashid Qanuushi u bixiyey “Dhexdhexaadnimada Siyaasadda ee Fikirka Qaradaawi”

Maanta waa ay adag tahay in qofku khaladkiisa qirto, sidaana u bogaadiyo ciddii ka aragti duwanayd, waana kolka weelka aqooneed cufnaado.

Caalin kasta waxa aynu ka qaadanaynaa inta uu xaqa kaga sugan yahay, waa aynu ugu cudurdaaraynaa gafkiisa ijtihaadiga ah. Waxa aynu ogsoonanaynaa in aan qofna ahayn dhowrsane gef-ka-saliim ah, ee aynu ogsonaanno in wadaad walbaa sax iyo khalad leeyahay, cidda dhowrsan oo kaliya uu yahay Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato e.”

Waxa Afsoomaali u rogay Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Waxa Afsoomaali u rogay Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub