Qaranjab: Heer Xukuumadeed iyo Heer Qaran (WQ: Suleiman Bolaleh)

Qaranjab:

Marka hore aynu kala garano Heer Xukuumadeed iyo Heer Qaran.

HEER QARAN waa marka Qaranka oo dhami (Xukuumada iyo Golyaasha Sharcidajinta) ay ka qaybgalyo munaasibad heer kale Qaran ah oo si rasmi ah wadan saaxiib la ah dalkeenu u soo Casuumo.

Kismaayo haddii Somaliland u dirayso wafti ka kooban Golayaasha Sharcidajinta iyo Xisbiyada Siyaasada taasi waxay ka dhigantahay Dastuurkii Qaranka oo Kismaayo u tagaya ka qaybgalka Caleemo Saarka maamulka Gobolka Jubada Hoose ee la isku haysto.

Hore waxan isku waydiin jiray, cida uu Wakiil ka ahaa Faysal Ali Waraabe Gud. UCID, markii uu London kula kulmay kulana qadeeyay Madaxwaynihii Soomaaliya ee xiligaa Xasan Sheekh iyo markii uu Brussels jaranjaradda Hotelka Ku digayaa si uu ula kulmo Farmaajo. Markaa hadda Faysal lamaan yaabin In uu yidhaa Axmed Madoobe ayaan u tagayaa.

Laakiin dhawaaqa Xildhibaan NASIR uu ku sheegay in Labada Gole ee Sharcidajinta Somaliland In ay Axmed Madoobe Kismaayo ugu tagayaan taasi waxay ka dhigan tahay Dastuurkii Somaliland oo ka qayb galaya Maamulka Gobolka Jubadda Hoose ee la isku haysto maamulkiisa.

Taasi haday dhacdo waxa Isku mid noqonaya :
Dastuurka Somaliland
Dastuurka Jubaland
Dadtuurka Puntland
Dastuurka Galmudug
Dastuurka Hirshabeele

Xukuumada waajib dastuuriya ayaa ka saaran In ay Shacabka warar sax ah u sheegto oo Ku saabsan Tagitaanka Kismaayo ka hor inta Hogaamiye dhaqameedkii Somaliland ee shaqo la’aanta tirsanayay aanay TV-yada soo fadhiisan oo aanay noo sheegin In ay aadayaan Jubadda Hoose.