Xilka umadda iyo maalinta Qiyaame (WQ: Ahmed Nour Guruje)

Maalinta Qiyaame, qof kasta waxaa la keenayaa Ilaahay hortiisa isagoo cagihiisa ku socda, hassayeeshee intii ifka qabatay Masuuliyad umadeed inta ay doonto ha leekaatee, Ilaahay hortiisa waxaa la keenayaa iyagoo xidhxidhan oo jeebaysan.

Marka masuuliyiinta Alle hortiisa la keeno, waxaa iyana goobta imanaysa Cadaaladii oo soconaysa, hadii Masuulkaasi ahaa mid Cadaalad sameeyey Cadaaladda ayaa xadhiga ka furaysa, waxaan xisaabtiisu bilaabanaysaa isagoo aan xidh-xidhnayn, hadii aanu cadaalad samayna waxaa la xisaabinayaa isagoo xidh-xidhan oo sidaa u tigtagan.

Masuulyaduna waa mid lagga murugoon doono maalinta qiyaame, oo aan la jeclaysan doonin, sidaa darteed qofkii in uun haya masuuliyad umadeed waxaa la gudboon in uu Maalintaa soo socotoa ee Qiyaamo u diyaar garoobo oo aanu marnaba ilaabin, alle ha ina asturo if iyo aakhiraba.